Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Al-Qasas   Verse:
إِنَّ ٱلَّذِي فَرَضَ عَلَيۡكَ ٱلۡقُرۡءَانَ لَرَآدُّكَ إِلَىٰ مَعَادٖۚ قُل رَّبِّيٓ أَعۡلَمُ مَن جَآءَ بِٱلۡهُدَىٰ وَمَنۡ هُوَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
85. Hubaal (Alle ee) kugu faral yeelay Qur’aanka wuxuu dib kuugu soo celin Xagga halkii ballantu ahayd [27]. Dheh: Rabbigay baa cid kasta ka ogsoon kan la yimid hanuun iyo kan ku sugan habow cad.
[27]. Waxaa loolaa jeedaa Makkah (noloshan adduunka) ama Jannada (Aakhirada).
Arabic Tafsirs:
وَمَا كُنتَ تَرۡجُوٓاْ أَن يُلۡقَىٰٓ إِلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبُ إِلَّا رَحۡمَةٗ مِّن رَّبِّكَۖ فَلَا تَكُونَنَّ ظَهِيرٗا لِّلۡكَٰفِرِينَ
86. Ma aad aheyn (Nabiyow) mid rajeyn in lagugu soo dejiyo Kitaabka (Qur’aanka), hase yeeshee waa Naxariis xagga Rabbigaa ah. Ee ha noqonin mid garab siiya gaalada [28].
[28]. Ha ugu kaalmeyn diintooda adigoo waafaqaya caqiidadooda ama ansixinaya.
Arabic Tafsirs:
وَلَا يَصُدُّنَّكَ عَنۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ بَعۡدَ إِذۡ أُنزِلَتۡ إِلَيۡكَۖ وَٱدۡعُ إِلَىٰ رَبِّكَۖ وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
87. Oo yeysan kaa jeedin Aayadaha Alle kaddib marka lagagu soo dejiyey, uguna yeedh 'dadka' xagga Rabbigaa, oo ha ka mid noqonnin Mushrikiinta.
Arabic Tafsirs:
وَلَا تَدۡعُ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَۘ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۚ كُلُّ شَيۡءٍ هَالِكٌ إِلَّا وَجۡهَهُۥۚ لَهُ ٱلۡحُكۡمُ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
88. Ha baryin (caabudin) la jirka Alle ilaah kale. Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Wax waliba way halaagsami Wejgiisa maahee [29]. Isagaa leh xukunka, Xaggiisaana la idiin soo celin.
[29]. Waa Alle maahee.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Al-Qasas
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close