Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: An-Naml   Verse:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمۡ صَٰلِحًا أَنِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ فَإِذَا هُمۡ فَرِيقَانِ يَخۡتَصِمُونَ
45. Waxaan u dirnay (reer) Thamuud walaalkood Saalix, wuxuu yidhi: Caabuda Alle (Keliya). Mise waxay noqdeen labo kooxood (gaalo iyo mu’miniin) doodaya [14].
[14]. Nabi Saalix c.s iyo qolodiisii.
Arabic Tafsirs:
قَالَ يَٰقَوۡمِ لِمَ تَسۡتَعۡجِلُونَ بِٱلسَّيِّئَةِ قَبۡلَ ٱلۡحَسَنَةِۖ لَوۡلَا تَسۡتَغۡفِرُونَ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ
46. (Saalix) wuxuu yidhi: “Tolkaygiyow! Maxaad u doontaan in la idiin soo dedjiyo xumaanta halkii samaanta [15]? Maxaad uga dalbi weydeen Denbi Dhaaf Alle inuu idiin naxariisto?
[15]. Iyagoo kula dooday Saalix inuu u keeno cadaabka uu ugu gooddiyey, halkii ay dalbi lahaayeen Naxariis Alle.
Arabic Tafsirs:
قَالُواْ ٱطَّيَّرۡنَا بِكَ وَبِمَن مَّعَكَۚ قَالَ طَٰٓئِرُكُمۡ عِندَ ٱللَّهِۖ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٞ تُفۡتَنُونَ
47.Waxay yidhahdeen: Waan ku shareysan- nay adiga iyo kuwa kula jira. Wuxuu yidhi: "Waxa idinku dhaca (khayr ama shar) waa Alle agti [16]; waxaadse tihiin qolo la imtaxaanayo.”
[16]. Qaddarka iyo qadahiisa.
Arabic Tafsirs:
وَكَانَ فِي ٱلۡمَدِينَةِ تِسۡعَةُ رَهۡطٖ يُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا يُصۡلِحُونَ
48. Waxaa magaalada [17] ku sugnaa sagaal nin [18], ku fala fasahaad arlada aan wax hagaajin.
[17]. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen waxaa loola jeedaa magaalada halkan magaaladii qolodii Thamuud, waana magaaladii Al-Xijir.
[18]. Oo ahaa madaxdoodii iyo wiilasha ay dhaleen oo diinta colaadinayey.
Arabic Tafsirs:
قَالُواْ تَقَاسَمُواْ بِٱللَّهِ لَنُبَيِّتَنَّهُۥ وَأَهۡلَهُۥ ثُمَّ لَنَقُولَنَّ لِوَلِيِّهِۦ مَا شَهِدۡنَا مَهۡلِكَ أَهۡلِهِۦ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ
49. Waxay yidhaahdeen: Isku dhaarsada Alle inaan ku qaadno weerar kedo ah (Saalix) iyo ehelkiisa goor habeen ah, markaas waxaan ku odhan xigtadiisa dhow [19]: Maa aanu joogin meeshuu ku halaagsamay ehelkiisu,run baynuna sheegi.
[19]. Midka ay saaran tahay inuu fuliyo dardaarankiisa, oo leh diyadiisa.
Arabic Tafsirs:
وَمَكَرُواْ مَكۡرٗا وَمَكَرۡنَا مَكۡرٗا وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
50. Waxay tabeeyeen tab, Annaguna waxaanu tabeennay tab, iyagoo aan dareemayn.
Arabic Tafsirs:
فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ مَكۡرِهِمۡ أَنَّا دَمَّرۡنَٰهُمۡ وَقَوۡمَهُمۡ أَجۡمَعِينَ
51. Ee fiiri siday aheyd cidhibtii tabtooda inaan baabbi’innay iyaga iyo dadkoodii oo dhan.
Arabic Tafsirs:
فَتِلۡكَ بُيُوتُهُمۡ خَاوِيَةَۢ بِمَا ظَلَمُوٓاْۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ
52. Waana kuwaas guryahoodii iyagoo maran oo burbur ku sugan dulmigoodii darti. Hubaal, arrinkaa waxaa ugu sugan calaamo ciddii wax garan.
Arabic Tafsirs:
وَأَنجَيۡنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَكَانُواْ يَتَّقُونَ
53. Waxaanu badbaaddinnay kuwii (xaqa) rumeeyey oo ka dhowrsanayey (shirkiga iyo macaasida).
Arabic Tafsirs:
وَلُوطًا إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ أَتَأۡتُونَ ٱلۡفَٰحِشَةَ وَأَنتُمۡ تُبۡصِرُونَ
54. (Waxaana dirnay) Luud markuu ku lahaa qolodiisii: Ma waxaad la imanaysaan faaxisho [20] idinkoo arka [21]?
[20]. Faaxishah wax xille oo foolxun waxaa halkan loola jeedaa zinada iyo ficilkii qoomu luud -Falalka khaniisnimada ah, iwm.
[21]. Si caddaan ah, tafsiir kale waa idinkoo ogsoon inay tahay denbi weyn.
Arabic Tafsirs:
أَئِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلرِّجَالَ شَهۡوَةٗ مِّن دُونِ ٱلنِّسَآءِۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٞ تَجۡهَلُونَ
55. Ma waxaad u tageysaan ragga idinkoo u hawoonaya halkii haweenka? Waxaadse tihiin qolo jaahiliin ah aan garan (Weynida Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada).
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: An-Naml
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close