Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Verse: (58) Surah: An-Noor
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لِيَسۡتَـٔۡذِنكُمُ ٱلَّذِينَ مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُمۡ وَٱلَّذِينَ لَمۡ يَبۡلُغُواْ ٱلۡحُلُمَ مِنكُمۡ ثَلَٰثَ مَرَّٰتٖۚ مِّن قَبۡلِ صَلَوٰةِ ٱلۡفَجۡرِ وَحِينَ تَضَعُونَ ثِيَابَكُم مِّنَ ٱلظَّهِيرَةِ وَمِنۢ بَعۡدِ صَلَوٰةِ ٱلۡعِشَآءِۚ ثَلَٰثُ عَوۡرَٰتٖ لَّكُمۡۚ لَيۡسَ عَلَيۡكُمۡ وَلَا عَلَيۡهِمۡ جُنَاحُۢ بَعۡدَهُنَّۚ طَوَّٰفُونَ عَلَيۡكُم بَعۡضُكُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖۚ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمُ ٱلۡأٓيَٰتِۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٞ
58. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Waa inay kuwaa ay gacmahiinnu midig hantaan iyo kuwa idinka mid ah aan weli qaan gaarin (intay idiin soo gelin) weydiistaan idan saddex waqti [32]; ka hor salaadda subax, iyo markaad dharka dhigataan duhurkii kuleylaha, iyo kaddib salaadda cishaha; kuwani waa saddex waqti gaar idiin ah, idinma saarna denbi idinka iyo iyagaba waxaan ahayn waqtiyadan in qaarkiin u soo galaan qaar kale iyagoon idan qaadan. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayada- ha. Alle waa wax kasta oge, Xakiim ah.
[32]. Waa seddex waqti oo badi dadku jirkooda daboolneyn oo furan yihiin, sidaas awgeed buu Alle uga reebay addoomaha ka adeega guryaha iyo carruurta aan qaan gaarin inay u soo galaan qolka hurdada ninka iyo naagtiisa.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Verse: (58) Surah: An-Noor
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close