Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: An-Noor   Verse:
يُقَلِّبُ ٱللَّهُ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَعِبۡرَةٗ لِّأُوْلِي ٱلۡأَبۡصَٰرِ
44.Alle Wuxuu gedgeddiyaa oo is dhaafiyaa habeenka iyo maalinta. Arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan cibro kuwa aragtida dheer.
Arabic Tafsirs:
وَٱللَّهُ خَلَقَ كُلَّ دَآبَّةٖ مِّن مَّآءٖۖ فَمِنۡهُم مَّن يَمۡشِي عَلَىٰ بَطۡنِهِۦ وَمِنۡهُم مَّن يَمۡشِي عَلَىٰ رِجۡلَيۡنِ وَمِنۡهُم مَّن يَمۡشِي عَلَىٰٓ أَرۡبَعٖۚ يَخۡلُقُ ٱللَّهُ مَا يَشَآءُۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
45. Alle wuxuu ka abuuray noole kasta oo jira biyo. Waxaa ka mid ah mid ku xammaarta calooshiisa, waxaa ka mid ah mid ku socda labo lugood, waxaana ka mid ah mid ku socda afar. Alle Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Hubaal, Alle wax kasta wuu Karaa.
Arabic Tafsirs:
لَّقَدۡ أَنزَلۡنَآ ءَايَٰتٖ مُّبَيِّنَٰتٖۚ وَٱللَّهُ يَهۡدِي مَن يَشَآءُ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
46. Waxaan dhab ahaan soo dejinnay Aayado cad cad. Alle wuxuu ku hanuuniyaa cidduu doono Jid Toosan (Islaamka).
Arabic Tafsirs:
وَيَقُولُونَ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَبِٱلرَّسُولِ وَأَطَعۡنَا ثُمَّ يَتَوَلَّىٰ فَرِيقٞ مِّنۡهُم مِّنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَۚ وَمَآ أُوْلَٰٓئِكَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ
47. Waxay (munaafiqiintu) yidhaahdaan: “Waxaanu rumeynay Allaah iyo Rasuulka oo adeecnay, markaasay koox ka mid ahi jeesadaan intaas kaddib, kuwaasina ma aha mu’miniin.
Arabic Tafsirs:
وَإِذَا دُعُوٓاْ إِلَى ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ لِيَحۡكُمَ بَيۡنَهُمۡ إِذَا فَرِيقٞ مِّنۡهُم مُّعۡرِضُونَ
48.Marka loogu yeedho Alle iyo Rasuulkiisa si uu u kala garsooro dhexdooda, mise koox ka mid ahi dhinac bay u jeestaan.
Arabic Tafsirs:
وَإِن يَكُن لَّهُمُ ٱلۡحَقُّ يَأۡتُوٓاْ إِلَيۡهِ مُذۡعِنِينَ
49. Haddayse garta leeyihiin waa u yimaadaan dhaqso, iyagoo adeecsan.
Arabic Tafsirs:
أَفِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ أَمِ ٱرۡتَابُوٓاْ أَمۡ يَخَافُونَ أَن يَحِيفَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡ وَرَسُولُهُۥۚ بَلۡ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّٰلِمُونَ
50. Ma qalbigay ka bukaan (jirro munaafiqnimo ah), mise shaki bay ka qabaan (Nabinnamada Muxammad), mise waxay cabsi ka qabaan in Alle iyo Rasuulkiiisu ka eexdaan? Mayee, kuwaasi waa kuwo daalimiin (gar ma qaatayaal) ah.
Arabic Tafsirs:
إِنَّمَا كَانَ قَوۡلَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ إِذَا دُعُوٓاْ إِلَى ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ لِيَحۡكُمَ بَيۡنَهُمۡ أَن يَقُولُواْ سَمِعۡنَا وَأَطَعۡنَاۚ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ
51. Qowlka mu’miniinta, marka loogu yeedho Alle iyo Rasuulkiisa si uu u kala garsooro dhexdooda, waa uun inay yidhaahdaan: “Maqallay oo yeelnay. kuwaasina waa kuwa ah liibaanayaasha.
Arabic Tafsirs:
وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَيَخۡشَ ٱللَّهَ وَيَتَّقۡهِ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡفَآئِزُونَ
52. Qofkii adeeca Alle iyo Rasuulkiisa, oo ka baqa Alle, dhowrana amarradiisa, kuwaa weeye kuwa ah guuleysatayaasha.
Arabic Tafsirs:
۞ وَأَقۡسَمُواْ بِٱللَّهِ جَهۡدَ أَيۡمَٰنِهِمۡ لَئِنۡ أَمَرۡتَهُمۡ لَيَخۡرُجُنَّۖ قُل لَّا تُقۡسِمُواْۖ طَاعَةٞ مَّعۡرُوفَةٌۚ إِنَّ ٱللَّهَ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ
53. Waxay (munaafiqiintu) ku dhaartaan Alle kan ugu adag dhaarahooda, in haddaad amarto ay (u) baxayaan (jihaad). Dheh waxba ha dhaarannina: adeecid fiican 'baa la dooni' [30]. Alle waa u Xog Ogaal waxaad falaysaan.
[30]. Macno kale waa daacad la yaqaan macnaha waa oggolaanshaha iyo maqlidda ay muujiyaan munaafiqiinta waa mid la yaqaan inay been tahay.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: An-Noor
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close