Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Al-Mu’minūn   Verse:
فَإِذَا ٱسۡتَوَيۡتَ أَنتَ وَمَن مَّعَكَ عَلَى ٱلۡفُلۡكِ فَقُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي نَجَّىٰنَا مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ
28. Markaad ku dul fadhiisataan adiga iyo kuwaa ku wehliyaba doonnida, dheh: “Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle, ee naga babaadiyey qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
Arabic Tafsirs:
وَقُل رَّبِّ أَنزِلۡنِي مُنزَلٗا مُّبَارَكٗا وَأَنتَ خَيۡرُ ٱلۡمُنزِلِينَ
29. Oo dheh: “Rabbiyow! I deji degaan barakaysan, Adigaa ugu wanaagsane inta wax dejisa'e ”.
Arabic Tafsirs:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ وَإِن كُنَّا لَمُبۡتَلِينَ
30. Hubaal, Arrinkaa waxaa ku sugan calaamooyin, waxaana nahay xaqiiq kuwa wax imtixaama.
Arabic Tafsirs:
ثُمَّ أَنشَأۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِمۡ قَرۡنًا ءَاخَرِينَ
31. Markaasaan waxaan soo bixinnay iyaga kadambow fac kale (qoonkii Caad).
Arabic Tafsirs:
فَأَرۡسَلۡنَا فِيهِمۡ رَسُولٗا مِّنۡهُمۡ أَنِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥٓۚ أَفَلَا تَتَّقُونَ
32. Waxaana u soo dirnay dhexdood Rasuul 'Nabi Huud' [4] ka mid ah (oo amraya) Caabuda Alle Keliya! Ma lihidin ilaah kale (Xaq ah) aan Isaga aheyn. Ee miyeydaan ka joogeyn (shirkiga iyo xumaha kale)?.
[4]. Ee loo diray reer Caad.
Arabic Tafsirs:
وَقَالَ ٱلۡمَلَأُ مِن قَوۡمِهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَكَذَّبُواْ بِلِقَآءِ ٱلۡأٓخِرَةِ وَأَتۡرَفۡنَٰهُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا مَا هَٰذَآ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ يَأۡكُلُ مِمَّا تَأۡكُلُونَ مِنۡهُ وَيَشۡرَبُ مِمَّا تَشۡرَبُونَ
33. Xildhibaannadii ka mid ahaa qolodiisa ee gaaloobay oo beeniyey la kulanka Aakhirada, kuwaasoo aan siinnay wax badan si ay ugu raaxeystaan noloshan adduunka waxay yidhaahdeen: “Kanu ma aha waxaan ahayn qof idin la mid ah cuna waxaad cuntaan,cabbana waxaad cabtaan.
Arabic Tafsirs:
وَلَئِنۡ أَطَعۡتُم بَشَرٗا مِّثۡلَكُمۡ إِنَّكُمۡ إِذٗا لَّخَٰسِرُونَ
34. “Haddaad adeecdaanna qof idin la mid ah,idinku markaa xaqiiq waad khasaarteen.
Arabic Tafsirs:
أَيَعِدُكُمۡ أَنَّكُمۡ إِذَا مِتُّمۡ وَكُنتُمۡ تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَنَّكُم مُّخۡرَجُونَ
35. “Ma wuxuu idiinku gooddiyaa in markaad dhimataan oo aad noqotaan carro iyo lafo in markaa la idin soo bixin (nooleyn mar kale).?
Arabic Tafsirs:
۞ هَيۡهَاتَ هَيۡهَاتَ لِمَا تُوعَدُونَ
36. Waa wax fog, oo fog waxa la idiinku gooddiyey (oo aan dhaceyn).
Arabic Tafsirs:
إِنۡ هِيَ إِلَّا حَيَاتُنَا ٱلدُّنۡيَا نَمُوتُ وَنَحۡيَا وَمَا نَحۡنُ بِمَبۡعُوثِينَ
37. “Ma jirto (nolol) aan aheyn noloshayada adduunka! Waanu dhiman (qaar) oo noolaan (qaar)! Mana nihin kuwo la soo bixin (nooleyn dhimasho kaddib).
Arabic Tafsirs:
إِنۡ هُوَ إِلَّا رَجُلٌ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗا وَمَا نَحۡنُ لَهُۥ بِمُؤۡمِنِينَ
38. “Ma aha waxaan ahayn nin ku been abuurtay Alle, mana nihin kuwo rumeyn.”
Arabic Tafsirs:
قَالَ رَبِّ ٱنصُرۡنِي بِمَا كَذَّبُونِ
39. Wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar beenitooda .
Arabic Tafsirs:
قَالَ عَمَّا قَلِيلٖ لَّيُصۡبِحُنَّ نَٰدِمِينَ
40. (Alle) wuxuu yidhi: In yar kaddib, waxay ahaan kuwo shallaaya.
Arabic Tafsirs:
فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّيۡحَةُ بِٱلۡحَقِّ فَجَعَلۡنَٰهُمۡ غُثَآءٗۚ فَبُعۡدٗا لِّلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ
41. Markaasaa waxaa qabtay qeylo si xaq ah, waxaana ka dhignay daad xoor. Ee meel daran ha ka dhaceen daalimiinta.
Arabic Tafsirs:
ثُمَّ أَنشَأۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِمۡ قُرُونًا ءَاخَرِينَ
42. Markaasaan ahaysiinnay iyaga kadambow facyo kale (qolooyinkii Luud, Shucayb, Ayyuub iyo Yuunus).
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Al-Mu’minūn
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close