Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Al-Kahf   Verse:
مَّا لَهُم بِهِۦ مِنۡ عِلۡمٖ وَلَا لِأٓبَآئِهِمۡۚ كَبُرَتۡ كَلِمَةٗ تَخۡرُجُ مِنۡ أَفۡوَٰهِهِمۡۚ إِن يَقُولُونَ إِلَّا كَذِبٗا
5. Uma laha wax cilmi ah iyaga iyo aabbayaashood midna, xumaan badanaa ereygaa ka soo baxa afafkooda; kuma hadlaan waxaan been ahayn.
Arabic Tafsirs:
فَلَعَلَّكَ بَٰخِعٞ نَّفۡسَكَ عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِمۡ إِن لَّمۡ يُؤۡمِنُواْ بِهَٰذَا ٱلۡحَدِيثِ أَسَفًا
6. Waa intaasoo aad ku halaagto naftaada raadkooda (gadaashooda) murugo darteed, haddaysan rumeyn (Qur’aankan).
Arabic Tafsirs:
إِنَّا جَعَلۡنَا مَا عَلَى ٱلۡأَرۡضِ زِينَةٗ لَّهَا لِنَبۡلُوَهُمۡ أَيُّهُمۡ أَحۡسَنُ عَمَلٗا
7. Waxaan ka yeellay waxa dhulka korkiisa ah qurux lagu qurxiyey, si aanu u imtixaanno midkood ugu camal fiican.
Arabic Tafsirs:
وَإِنَّا لَجَٰعِلُونَ مَا عَلَيۡهَا صَعِيدٗا جُرُزًا
8. Waxaanuna xaqiiq ka yeeli dhammaan waxa korkeeda ah 'arlada' ban gabiib ah aan wax ka soo bixin.
Arabic Tafsirs:
أَمۡ حَسِبۡتَ أَنَّ أَصۡحَٰبَ ٱلۡكَهۡفِ وَٱلرَّقِيمِ كَانُواْ مِنۡ ءَايَٰتِنَا عَجَبًا
9. Mise, ma waxaad mooddaa in 'dhacdadii' qolodii hogga iyo looxa 'ay ku qornaayeen magacayadoodu' [2] ay yihiin kuwa calaamooyinkayaga ugu yaabka badan [3]?
[2]. Ar-Raqiim: waa looxii ama indhalkii ay ku qornaayeen xikmadaha iyo wararkii asxaabul kahaf. Waana mid ka mid ah waxyaalaha cajabta badan ee Allaah abuuray.
[3]. Bal waa mid keliya ee ka mid ah waxyaalaha cajaa’ibta badan ee Alle.
Arabic Tafsirs:
إِذۡ أَوَى ٱلۡفِتۡيَةُ إِلَى ٱلۡكَهۡفِ فَقَالُواْ رَبَّنَآ ءَاتِنَا مِن لَّدُنكَ رَحۡمَةٗ وَهَيِّئۡ لَنَا مِنۡ أَمۡرِنَا رَشَدٗا
10. Markay dhallinyardii u hoydeen hogga, waxay yidhaahdeen: Rabbigayow naga sii Xaggaaga Naxariis, noogana dhig arrinkayaga wax hagaagsan oo hanuun leh.
Arabic Tafsirs:
فَضَرَبۡنَا عَلَىٰٓ ءَاذَانِهِمۡ فِي ٱلۡكَهۡفِ سِنِينَ عَدَدٗا
11. Markaasaan ka dhowrnay inay (shanqar) maqlaan (oo ku sii deynay hurdo) hogga dhexdiisa tiro sanooyin ah.
Arabic Tafsirs:
ثُمَّ بَعَثۡنَٰهُمۡ لِنَعۡلَمَ أَيُّ ٱلۡحِزۡبَيۡنِ أَحۡصَىٰ لِمَا لَبِثُوٓاْ أَمَدٗا
12. Markaasaan ka soo kicinnay (hurdadii) si aan u muujinno labada kooxood midkooda tiro koobi og muddada ay ku negaadeen.
Arabic Tafsirs:
نَّحۡنُ نَقُصُّ عَلَيۡكَ نَبَأَهُم بِٱلۡحَقِّۚ إِنَّهُمۡ فِتۡيَةٌ ءَامَنُواْ بِرَبِّهِمۡ وَزِدۡنَٰهُمۡ هُدٗى
13. Annagaa kuu soo tebineyna qisadooda oo xaq ah, waxay ahaayeen dhallinyaro rumeysay Rabbigood oo aanu u kordhinnay hanuun.
Arabic Tafsirs:
وَرَبَطۡنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ إِذۡ قَامُواْ فَقَالُواْ رَبُّنَا رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ لَن نَّدۡعُوَاْ مِن دُونِهِۦٓ إِلَٰهٗاۖ لَّقَدۡ قُلۡنَآ إِذٗا شَطَطًا
14. Waxaan ku xoojinnay quluubtooda [4] samir (iyo iimaan), markay kaceen [5] oo (ku) yidhaahdeen (boqorkii xukumayey ee sanam caabdudka ahaa): Rabbigayo waa (Allaah) Rabbiga samooyinka iyo arlada, weligayo ma baryeyno (caabudeyno) ilaah kale aan Isaga ahayn, (haddaan wax sidaa ka duwan nidhaahno) waxaan xaqiiq markaa ku hadallay wax xun oo xadgudub ah.
[4]. Waxay dhexdooda iskula ballameen inaysan caabudin axad aan ahayn Allaah, Macbuudka Xaqa ah.
[5]. Inta abbaareen boqorkii Dikyanus ee daalim ahaa kibir badan.
Arabic Tafsirs:
هَٰٓؤُلَآءِ قَوۡمُنَا ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةٗۖ لَّوۡلَا يَأۡتُونَ عَلَيۡهِم بِسُلۡطَٰنِۭ بَيِّنٖۖ فَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗا
15. Kuwaanu qolodayada ah waxay yeesheen (Alle) sokadi ilaahyo ay caabudaan. Maxay u keeni waaayeen xujo cad oo u daliil ah? Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Allaah?
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Al-Kahf
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close