Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: An-Nahl   Verse:
وَلَقَدۡ نَعۡلَمُ أَنَّهُمۡ يَقُولُونَ إِنَّمَا يُعَلِّمُهُۥ بَشَرٞۗ لِّسَانُ ٱلَّذِي يُلۡحِدُونَ إِلَيۡهِ أَعۡجَمِيّٞ وَهَٰذَا لِسَانٌ عَرَبِيّٞ مُّبِينٌ
103. Waxaanu ognahay inay (gaaladu) yidhaahdaan: Waxaa sideedaba wax bara qof aadmi ah. Carrabka midkay ku leexinayaan waa af shisheeye [25], kanina waa af Carabi faseex ah.
[25]. Af cajami ah waa af aan Carabi ahayn , sidoo kalena waxaa la yidhaahdaa cajami afka carabiga ee la jajabiyo, waayo ninka ay ku tuhmayaan inuu baro Qur’aanka Rasuulka waa nimaan Carab ahayn, oo yaqaan xoogaa Carabi ah.
Arabic Tafsirs:
إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ لَا يَهۡدِيهِمُ ٱللَّهُ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٌ
104. Hubaal kuwa aan rumeyn Aayadaha Alle, ma hanuuniyo Alle, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
Arabic Tafsirs:
إِنَّمَا يَفۡتَرِي ٱلۡكَذِبَ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡكَٰذِبُونَ
105. Waxaa uun been abuurta sideedaba kuwa aan rumeyn Aayadaha Alle, waana kuwaa kuwa ah beenaalayaasha.
Arabic Tafsirs:
مَن كَفَرَ بِٱللَّهِ مِنۢ بَعۡدِ إِيمَٰنِهِۦٓ إِلَّا مَنۡ أُكۡرِهَ وَقَلۡبُهُۥ مُطۡمَئِنُّۢ بِٱلۡإِيمَٰنِ وَلَٰكِن مَّن شَرَحَ بِٱلۡكُفۡرِ صَدۡرٗا فَعَلَيۡهِمۡ غَضَبٞ مِّنَ ٱللَّهِ وَلَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ
106. Qofkii ku gaalooba Alle rumeyn kaddib [26], mid maahee lagu khasbay isagoo qalbigiisu ku xasilan yahay Iimaanka - kiise isagu u fura laabtiisa gaalnimo - kuwan dushoodu waxaa ah Cadhada Alle, waxayna leeyihiin Cadaab weyn.
[26]. Gunaanadka Aayadda iyo waxa ka go’an ee ka maqan ee la iska garan karo waxaa weeye wuxuu galabsaday Cadhadii Alle.
Arabic Tafsirs:
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمُ ٱسۡتَحَبُّواْ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا عَلَى ٱلۡأٓخِرَةِ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡكَٰفِرِينَ
107. Arrinkaasi waxaa ugu wacan inay jecel yihiin nolosha adduunkan wax ka badan Aakhirada, iyo inaan Alle hanuunin qoloda gaalada ah (madaxa adag).
Arabic Tafsirs:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ طَبَعَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ وَسَمۡعِهِمۡ وَأَبۡصَٰرِهِمۡۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡغَٰفِلُونَ
108. Kuwaa weeye kuwa uu Alle daboolay quluubtooda iyo maqalkooda iyo aragggooda.Waana kuwaa kuwa dhoohan.
Arabic Tafsirs:
لَا جَرَمَ أَنَّهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ
109. Shaki ma leh, inay Aakhirada ahaan kuwa khasaari.
Arabic Tafsirs:
ثُمَّ إِنَّ رَبَّكَ لِلَّذِينَ هَاجَرُواْ مِنۢ بَعۡدِ مَا فُتِنُواْ ثُمَّ جَٰهَدُواْ وَصَبَرُوٓاْ إِنَّ رَبَّكَ مِنۢ بَعۡدِهَا لَغَفُورٞ رَّحِيمٞ
110. Markaa, hubaal Rabbigaa kuwa soo haajira kaddib inta la dhibay markaas jihaaday ee samray, hubaal Rabbigaa intaas kaddib, waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: An-Nahl
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close