Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Ar-Ra‘d   Verse:
۞ أَفَمَن يَعۡلَمُ أَنَّمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَ ٱلۡحَقُّ كَمَنۡ هُوَ أَعۡمَىٰٓۚ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُوْلُواْ ٱلۡأَلۡبَٰبِ
19. Ma mid og in waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa uu yahay Xaq baa la mid ah mid ka indha la'? Waase oo keliya dadka wax garadka ah kuwa waansami.
Arabic Tafsirs:
ٱلَّذِينَ يُوفُونَ بِعَهۡدِ ٱللَّهِ وَلَا يَنقُضُونَ ٱلۡمِيثَٰقَ
20. Ee ah kuwa oofiya axdiga Alle, oo aan ka bixin ballanka.
Arabic Tafsirs:
وَٱلَّذِينَ يَصِلُونَ مَآ أَمَرَ ٱللَّهُ بِهِۦٓ أَن يُوصَلَ وَيَخۡشَوۡنَ رَبَّهُمۡ وَيَخَافُونَ سُوٓءَ ٱلۡحِسَابِ
21. Kuwa xidhiidhiya waxa uu Alle amray in la xidhiidhiyo [13], oo ka baqa Rabbigood, kana cabsada Xisaab Daran.
[13]. Waa in aad loo ilaaliyo xiriirka qaraabada oo lagu dadaalo wanaajintooda. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma galo Jannada qof qaraabo goys ah”.
Arabic Tafsirs:
وَٱلَّذِينَ صَبَرُواْ ٱبۡتِغَآءَ وَجۡهِ رَبِّهِمۡ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنفَقُواْ مِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ سِرّٗا وَعَلَانِيَةٗ وَيَدۡرَءُونَ بِٱلۡحَسَنَةِ ٱلسَّيِّئَةَ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عُقۡبَى ٱلدَّارِ
22. Ee ah kuwa samra (waqtiga shiddada ee ku sugnaada cibaadada) iyagoo doonaya Wajiga Rabbigood, oogana salaadda, oo bixiya wax ka mid ah waxaan ku irzaaqnay qarsoodi iyo caddaanba, kuna qaabila xumaanta samaan, kuwaasi waxay leeyihiin cidhib wanaagsan Daarta Dambe (Aakhirada).
Arabic Tafsirs:
جَنَّٰتُ عَدۡنٖ يَدۡخُلُونَهَا وَمَن صَلَحَ مِنۡ ءَابَآئِهِمۡ وَأَزۡوَٰجِهِمۡ وَذُرِّيَّٰتِهِمۡۖ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ يَدۡخُلُونَ عَلَيۡهِم مِّن كُلِّ بَابٖ
23. Jannooyinka cadni (negaadi) oo ay galayaan iyaga iyo kuwa wanaagsan ee ka mid ah aabbayaashood iyo xaasaskooda iyo ubadkooda: waxayna Malaa’igtu uga soo geli albaab walba (iyagoo leh):
Arabic Tafsirs:
سَلَٰمٌ عَلَيۡكُم بِمَا صَبَرۡتُمۡۚ فَنِعۡمَ عُقۡبَى ٱلدَّارِ
24. Nabad korkiinna ha ahaato samirka aad yeelateen iyo sugnaashadiinna darteed. Wanaagsanaa Daartaa dambe (ee Jannada).
Arabic Tafsirs:
وَٱلَّذِينَ يَنقُضُونَ عَهۡدَ ٱللَّهِ مِنۢ بَعۡدِ مِيثَٰقِهِۦ وَيَقۡطَعُونَ مَآ أَمَرَ ٱللَّهُ بِهِۦٓ أَن يُوصَلَ وَيُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمُ ٱللَّعۡنَةُ وَلَهُمۡ سُوٓءُ ٱلدَّارِ
25. Kuwase jebiya axdiga Alle kaddib adkayntiisa, oo gooya wuxuu Alle amray in la xidhiidhiyo (oo wanaajiyo, sida qaraabada iyo deriska), oo fasaadiyana dhulka, kuwaas, waxaa u sugnaaday Nacalad, waxayna leeyihiin daarta xun (Naar).
Arabic Tafsirs:
ٱللَّهُ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُۚ وَفَرِحُواْ بِٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَمَا ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا فِي ٱلۡأٓخِرَةِ إِلَّا مَتَٰعٞ
26. Alle wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), waxayna ku farxaan nolosha adduunkan, mana aha nolosha adduunka marka loo eego Aakhirada waxaan ahayn raaxo muddo yar ah oo dhammaaneysa.
Arabic Tafsirs:
وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ ءَايَةٞ مِّن رَّبِّهِۦۚ قُلۡ إِنَّ ٱللَّهَ يُضِلُّ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِيٓ إِلَيۡهِ مَنۡ أَنَابَ
27. Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: Maxaa calaamo (mucjiso) looga soo dejin waayey xagga Rabbigii? (Nabiyow) Dheh: Alle wuxuu dhumiyaa kuu doono oo u soo hanuuniyaa Xaggiisa kuwa u soo laabta (tawbad keena).
Arabic Tafsirs:
ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَتَطۡمَئِنُّ قُلُوبُهُم بِذِكۡرِ ٱللَّهِۗ أَلَا بِذِكۡرِ ٱللَّهِ تَطۡمَئِنُّ ٱلۡقُلُوبُ
28. Ee ah kuwa (Towxiidka) rumeysan oo ay quluubtoodu ku xasisho xusidda Alle. Ogaada xusidda Alle bay ku xasishaa quluubtu.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Ar-Ra‘d
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close