Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Verse: (114) Surah: Hūd
وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ طَرَفَيِ ٱلنَّهَارِ وَزُلَفٗا مِّنَ ٱلَّيۡلِۚ إِنَّ ٱلۡحَسَنَٰتِ يُذۡهِبۡنَ ٱلسَّيِّـَٔاتِۚ ذَٰلِكَ ذِكۡرَىٰ لِلذَّٰكِرِينَ
114. Oog salaaddana labada dacal ee maalinta iyo saacado ka mid ah habeenka. Hubaal, camallada wanaagsan waxay tiraan camallada xun [30], arrinkani waa u waano kuwa waana qaata [31].
[30]. Mar baa nin wuxuu dhunkaday haweeney ajanabi ka ah. Markaasuu u yimid Nabiga s.c.w. oo u sheegay. Markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan: «Oog salaadda labada dacal ee maalinta, iyo saacado ka mid ah habeenka, xaqiiq, xasanaadka (camallada wanaagsan halkan waxaa loola jeedaa shanta salaadood ee faralka ah) waxay tirtiraan oo meesha ka saaraan falalka xun ( denbiyada yar yar)». (Q 11:114) Ninkii wuxuu weydiiyey Rasuulkii Alle s.c.w.: Ma aniga oo keliya baa tani iska leh? Nabigu s..c.w wuxuu yidhi: Waxaa leh ummadeyda intii I raacday oo idil. (W.w. Al-Bukhaari)
[31]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle Ka cabso meel kastoo aad joogtid, oo raaci xumaanta samaan kaa tirtirta, oo kula soco dadka dabeecad wanaagsan. W.w.At-Tirmidi
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Verse: (114) Surah: Hūd
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close