Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Hūd   Verse:
يَقۡدُمُ قَوۡمَهُۥ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فَأَوۡرَدَهُمُ ٱلنَّارَۖ وَبِئۡسَ ٱلۡوِرۡدُ ٱلۡمَوۡرُودُ
98. Wuxuu hor kici tolkiisa Maalinta Qiyaamaha, oo keeni hoos xagga Naarta, xumaa halka la keenayo.
Arabic Tafsirs:
وَأُتۡبِعُواْ فِي هَٰذِهِۦ لَعۡنَةٗ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ بِئۡسَ ٱلرِّفۡدُ ٱلۡمَرۡفُودُ
99. Waxaana lagu raacshay Nacalad (duni) tani gudaheeda iyo Maalinta Qiyaamaha [27], xumaa waxa loo kordhin (oo Cadho Alle iyo Cadaab ah).
[27]. Waa lacnad ku raaceysa adduun iyo aakhiro labada daaroodba.
Arabic Tafsirs:
ذَٰلِكَ مِنۡ أَنۢبَآءِ ٱلۡقُرَىٰ نَقُصُّهُۥ عَلَيۡكَۖ مِنۡهَا قَآئِمٞ وَحَصِيدٞ
100. Arrinkani waa warkii (aayihii) magaalooyinka aan kaaga qisoonno (Nabiyow); waxaa ka mid ah kuwo taagan iyo kuwo (kale) oo la halaagay.
Arabic Tafsirs:
وَمَا ظَلَمۡنَٰهُمۡ وَلَٰكِن ظَلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡۖ فَمَآ أَغۡنَتۡ عَنۡهُمۡ ءَالِهَتُهُمُ ٱلَّتِي يَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مِن شَيۡءٖ لَّمَّا جَآءَ أَمۡرُ رَبِّكَۖ وَمَا زَادُوهُمۡ غَيۡرَ تَتۡبِيبٖ
101. Oo ma aanu dulmiyin, iyagaase dulmiyey nafahooda. Waxna uma tarin ilaahyadoodii Alle sokadi ay baryi (caabudi) jireen, markuu yimid Amarka Rabbigaa, umana ay kordhin waxaan aheyn baabbba’.
Arabic Tafsirs:
وَكَذَٰلِكَ أَخۡذُ رَبِّكَ إِذَآ أَخَذَ ٱلۡقُرَىٰ وَهِيَ ظَٰلِمَةٌۚ إِنَّ أَخۡذَهُۥٓ أَلِيمٞ شَدِيدٌ
102. Waa sidaasna qabashada Rabbigaa markuu qabto magaalooyinka iyagoo dulmi fali, hubaal, Qabashadiisu waa mid xanuun badan oo daran.
Arabic Tafsirs:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّمَنۡ خَافَ عَذَابَ ٱلۡأٓخِرَةِۚ ذَٰلِكَ يَوۡمٞ مَّجۡمُوعٞ لَّهُ ٱلنَّاسُ وَذَٰلِكَ يَوۡمٞ مَّشۡهُودٞ
103. Waxaa arrinkani ugu sugan calaamad ciddii ka cabsan Cadaabka Aakhirada, kani waa Maalin dadka la soo kulmin iyagoo dhan, waana Maalin goob joog la ahaan.
Arabic Tafsirs:
وَمَا نُؤَخِّرُهُۥٓ إِلَّا لِأَجَلٖ مَّعۡدُودٖ
104. Uma dib dhignona waxaan ahayn muddo tirsan oo hore loo gooyey.
Arabic Tafsirs:
يَوۡمَ يَأۡتِ لَا تَكَلَّمُ نَفۡسٌ إِلَّا بِإِذۡنِهِۦۚ فَمِنۡهُمۡ شَقِيّٞ وَسَعِيدٞ
105. Maalintay iman, nafna ma hadleyso Idankiisa la’aanti, markaasi waxaa ka mid ahaan kuwo xun oo khasaaray iyo (kuwo) liibaanay.
Arabic Tafsirs:
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ شَقُواْ فَفِي ٱلنَّارِ لَهُمۡ فِيهَا زَفِيرٞ وَشَهِيقٌ
106. Ma kuwa hoogay waxay ku sugnaan Naar; waxay ku leeyihiin dhexdeeda cartan iyo hiinraag [28].
[28]. Hiinbaxa iyo hiinraaggooda oo u eg cida dameerka.
Arabic Tafsirs:
خَٰلِدِينَ فِيهَا مَا دَامَتِ ٱلسَّمَٰوَٰتُ وَٱلۡأَرۡضُ إِلَّا مَا شَآءَ رَبُّكَۚ إِنَّ رَبَّكَ فَعَّالٞ لِّمَا يُرِيدُ
107. Iyagoo ku waari dhexdeeda intay jiraan samooyinka iyo arladu, wuxuu Rabbigaa doono maahee [29]. hubaal, Rabbigaa waa falaha wuxuu doono.
[29]. Macnahu wuxuu u dhacayaa inay gaaladu ku waari doonaan Naarta abadkood, halka muslimiinta caasiyaasha ah laga soo saari doono Naarta marka laga gooyo waxay denbi galeen. Aakhirana waxaa jira samo iyo arlo ku gaar ah oo ka duwan samooyinka iyo arlada adduunkan.
Arabic Tafsirs:
۞ وَأَمَّا ٱلَّذِينَ سُعِدُواْ فَفِي ٱلۡجَنَّةِ خَٰلِدِينَ فِيهَا مَا دَامَتِ ٱلسَّمَٰوَٰتُ وَٱلۡأَرۡضُ إِلَّا مَا شَآءَ رَبُّكَۖ عَطَآءً غَيۡرَ مَجۡذُوذٖ
108. Kuwase liibaanay ee farxaddu u ahaatay, waxay ku sugnaan Jannada gudaheeda, iyagoo ku dhex waaraya intay jiraan samooyinka iyo arlada, wuxuu Rabbigaa doono ma’ahee, waa deeq aan go’eyn oo daa'in ah.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Hūd
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close