Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Yūnus   Verse:
وَقَالَ فِرۡعَوۡنُ ٱئۡتُونِي بِكُلِّ سَٰحِرٍ عَلِيمٖ
79. Fiircoon wuxuu yidhi: Ii keena saaxir kasta oo xeel dheer.
Arabic Tafsirs:
فَلَمَّا جَآءَ ٱلسَّحَرَةُ قَالَ لَهُم مُّوسَىٰٓ أَلۡقُواْ مَآ أَنتُم مُّلۡقُونَ
80. Markay sixiroolayaashii yimaadeen, Muuse wuxuu ku yidhi: Tuurta waxaad tuureysaan.
Arabic Tafsirs:
فَلَمَّآ أَلۡقَوۡاْ قَالَ مُوسَىٰ مَا جِئۡتُم بِهِ ٱلسِّحۡرُۖ إِنَّ ٱللَّهَ سَيُبۡطِلُهُۥٓ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُصۡلِحُ عَمَلَ ٱلۡمُفۡسِدِينَ
81. Markay tuureenna Muuse wuxuu ku yidhi: Waxaad la timaaddeen waa sixir, Alle baa burin. Hubaal Alle ma hagaajiyo camalka kuwa wax fasahaadsha.
Arabic Tafsirs:
وَيُحِقُّ ٱللَّهُ ٱلۡحَقَّ بِكَلِمَٰتِهِۦ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡمُجۡرِمُونَ
82. Alle wuxuu ku sugi Xaqa Kelmedihiisa, haba nacaane denbiilayaashu.
Arabic Tafsirs:
فَمَآ ءَامَنَ لِمُوسَىٰٓ إِلَّا ذُرِّيَّةٞ مِّن قَوۡمِهِۦ عَلَىٰ خَوۡفٖ مِّن فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِمۡ أَن يَفۡتِنَهُمۡۚ وَإِنَّ فِرۡعَوۡنَ لَعَالٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَإِنَّهُۥ لَمِنَ ٱلۡمُسۡرِفِينَ
83. Cidnase ma rumeyn Muuse aan ahayn durriyad ka mid ah qolodiisii cabsi ay ka qabeen darteed Fircoon iyo xildhibaannadi inay caddibaan. Fircoon wuxuu ahaa mid isku sare yeela arlada, wuxuuna xaqiiq ka mid ahaa xadgudbayaasha.
Arabic Tafsirs:
وَقَالَ مُوسَىٰ يَٰقَوۡمِ إِن كُنتُمۡ ءَامَنتُم بِٱللَّهِ فَعَلَيۡهِ تَوَكَّلُوٓاْ إِن كُنتُم مُّسۡلِمِينَ
84. Muuse wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Haddaad tihiin kuwo rumeysan Alle Isaga uun tala saarta, haddaad tihiin Muslimiin.
Arabic Tafsirs:
فَقَالُواْ عَلَى ٱللَّهِ تَوَكَّلۡنَا رَبَّنَا لَا تَجۡعَلۡنَا فِتۡنَةٗ لِّلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ
85. Markaasay yidhaahdeen: Alle baan isku halleynaa oo tala saarannay. Rabbigayow! Ha nagu salladin qoloda daalimiinta ah.
Arabic Tafsirs:
وَنَجِّنَا بِرَحۡمَتِكَ مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡكَٰفِرِينَ
86. Noogana badbaadi Naxariistaada qoloda gaalada ah.
Arabic Tafsirs:
وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰ وَأَخِيهِ أَن تَبَوَّءَا لِقَوۡمِكُمَا بِمِصۡرَ بُيُوتٗا وَٱجۡعَلُواْ بُيُوتَكُمۡ قِبۡلَةٗ وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَۗ وَبَشِّرِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
87. Waxaana u waxyoonnay Muuse iyo walaalki (Haaruun, Annagoo leh) Uga yeela qolodiinna [21] guryo ay degaan Masar gudaheeda, oo ka dhiga guryihiinna goobo cibaado (isu dhow, oo u furan booqashada) oogana salaadda. U bishaaree mu’miniinta.
[21]. Si ay ugu tukadaan halkaa iyagoo uusan arkayn cadowgooda iyo si ay deris u ahaadaan iska warqaba oo isa soo booqda.
Arabic Tafsirs:
وَقَالَ مُوسَىٰ رَبَّنَآ إِنَّكَ ءَاتَيۡتَ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَأَهُۥ زِينَةٗ وَأَمۡوَٰلٗا فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا رَبَّنَا لِيُضِلُّواْ عَن سَبِيلِكَۖ رَبَّنَا ٱطۡمِسۡ عَلَىٰٓ أَمۡوَٰلِهِمۡ وَٱشۡدُدۡ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ فَلَا يُؤۡمِنُواْ حَتَّىٰ يَرَوُاْ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ
88. Muuse wuxuu yidhi: Rabbigayow! Waxaad adigu ku siisey Fircoon iyo xildhibaannadi qurux iyo maal nolosha adduunkan, Rabbigayow! Markaasay ka lumeen Jidkaaga (oo ku kibreen arlada). Rabbigayow! Baabbi'i maalkooda, oo adkee quluubtooda, si ayan u rumeyn jeer ay arkaan Cadaabka Xanuunka Badan.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Yūnus
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close