Check out the new design

আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব * - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

অৰ্থানুবাদ ছুৰা: আল-ক্বামাৰ   আয়াত:
خُشَّعًا أَبۡصَٰرُهُمۡ يَخۡرُجُونَ مِنَ ٱلۡأَجۡدَاثِ كَأَنَّهُمۡ جَرَادٞ مُّنتَشِرٞ
7. Iyagoo arag dulleysan, waxay ka soo baxayaan qubuurahooda iyagoo la moodo ayax faafay.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
مُّهۡطِعِينَ إِلَى ٱلدَّاعِۖ يَقُولُ ٱلۡكَٰفِرُونَ هَٰذَا يَوۡمٌ عَسِرٞ
8. U degdegaya dhinaca baaqaha, gaaladu waxay odhan: Kani waa Maalin daran.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
۞ كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٖ فَكَذَّبُواْ عَبۡدَنَا وَقَالُواْ مَجۡنُونٞ وَٱزۡدُجِرَ
9. Waxaa (Xaqa) beeniyey iyaga hortood Qolodii Nuux, waxay beeniyeen addoonkayagii (Nuux) oo yidhaahdeen: waa jinnoole, oo la handaday.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنِّي مَغۡلُوبٞ فَٱنتَصِرۡ
10. Markaasuu baryey Rabbigi (isagoo leh): Waa la iga adkaadaye ii soo hiilli.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
فَفَتَحۡنَآ أَبۡوَٰبَ ٱلسَّمَآءِ بِمَآءٖ مُّنۡهَمِرٖ
11. Markaasaan ka soo furnay albaabadii daruuraha biyo da’aya oo badan.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَفَجَّرۡنَا ٱلۡأَرۡضَ عُيُونٗا فَٱلۡتَقَى ٱلۡمَآءُ عَلَىٰٓ أَمۡرٖ قَدۡ قُدِرَ
12. Kana soo burqinnay dhulka ilo (biyo ah), markaasay biyihii (cirka iyo dhulka) is qabteen oo ku kulmeen arrin la qaddaray .
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَحَمَلۡنَٰهُ عَلَىٰ ذَاتِ أَلۡوَٰحٖ وَدُسُرٖ
13. Waxaana (Nuux) ku qaadnay (Doonni) laga sameeyey Alwaax iyo masaamiir.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
تَجۡرِي بِأَعۡيُنِنَا جَزَآءٗ لِّمَن كَانَ كُفِرَ
14. Ku socota indhahayaga hortood (waxaana harqinnay gaaladii) ka jaazeyn gaalnimadooda (iyo u hiillin ahaan Nuux).
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَلَقَد تَّرَكۡنَٰهَآ ءَايَةٗ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ
15. Waxaana uga tagnay si ay u ahaato Calaamad (lagu waantoobo), ee ma jiraa mid ku waantoobi?
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ
16. Ee Sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii?
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ
17. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
كَذَّبَتۡ عَادٞ فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ
18. Reer Caad waxay beeniyeen (Xaqa), ee sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ رِيحٗا صَرۡصَرٗا فِي يَوۡمِ نَحۡسٖ مُّسۡتَمِرّٖ
19. Waxaan ku soo dirnay dushood dabeyl qabow badan maalin baaskeedu is daba joogo.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
تَنزِعُ ٱلنَّاسَ كَأَنَّهُمۡ أَعۡجَازُ نَخۡلٖ مُّنقَعِرٖ
20. Iyadoo u majaxaabineysa dadka [3] sida inay ahaayeen geedo timir jirriddoodii la rujiyey.
[3]. Ka soo bixineysa halkay ku gabbanaayeen.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ
21. Ee sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ
22. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
كَذَّبَتۡ ثَمُودُ بِٱلنُّذُرِ
23. Reer Thamuud waxay beeniyeen digniinihii.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
فَقَالُوٓاْ أَبَشَرٗا مِّنَّا وَٰحِدٗا نَّتَّبِعُهُۥٓ إِنَّآ إِذٗا لَّفِي ضَلَٰلٖ وَسُعُرٍ
24. Waxay yidhaahdeen: Ma qof keliya oo naga mid ah (Saalix) yaan raaceynaa, markaas waxaanu ku sugannahay habow iyo heehaab (waalli).
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
أَءُلۡقِيَ ٱلذِّكۡرُ عَلَيۡهِ مِنۢ بَيۡنِنَا بَلۡ هُوَ كَذَّابٌ أَشِرٞ
25. Ma waxaa Wacdiga lagu soo dejiyey isaga oo nalaga dhex doortay? Mayee, waa beenlow isla weyn [4].
[4]. Waxay ula jeedaan Nabi Saalix.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
سَيَعۡلَمُونَ غَدٗا مَّنِ ٱلۡكَذَّابُ ٱلۡأَشِرُ
26. Berri bay ogaan, waa kee beenalaha, islaweynaha ah?
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
إِنَّا مُرۡسِلُواْ ٱلنَّاقَةِ فِتۡنَةٗ لَّهُمۡ فَٱرۡتَقِبۡهُمۡ وَٱصۡطَبِرۡ
27. Waxaan soo direynaa Hal lagu imtixaani ee sug oo samir yeelo [5].
[5]. Aayaddan iyo tan xigta waxay ku socdaan Saalix c.s.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
 
অৰ্থানুবাদ ছুৰা: আল-ক্বামাৰ
ছুৰাৰ তালিকা পৃষ্ঠা নং
 
আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

অনুবাদ কৰিছে আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব চাহাবে।

বন্ধ