Check out the new design

আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব * - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

অৰ্থানুবাদ ছুৰা: ইয়াছীন   আয়াত:
وَءَايَةٞ لَّهُمۡ أَنَّا حَمَلۡنَا ذُرِّيَّتَهُمۡ فِي ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ
41. Waxaa Calaamo ugu filan inaan ku qaadnay ubadkoodii [7] Doonidii buuxday.
[7]. Weedha durriyad halkan waxaa loola jeedaa fir (waa inay yihiin firkii Nuux) ee laga badbaadshay daadkii weynaa ee lagu halaagay qoonkii Nuux.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَخَلَقۡنَا لَهُم مِّن مِّثۡلِهِۦ مَا يَرۡكَبُونَ
42. Waxaana uga abuurnay wax caynkeed ah waxay fuulaan.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَإِن نَّشَأۡ نُغۡرِقۡهُمۡ فَلَا صَرِيخَ لَهُمۡ وَلَا هُمۡ يُنقَذُونَ
43. Haddaan doonnona waanu harqin, markaa ma helaan wax u soo gurmada, lamana badbaadiyo.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
إِلَّا رَحۡمَةٗ مِّنَّا وَمَتَٰعًا إِلَىٰ حِينٖ
44. Naxariis Xaggayaga ah mooyee iyo raaxo ilaa muddo ah.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱتَّقُواْ مَا بَيۡنَ أَيۡدِيكُمۡ وَمَا خَلۡفَكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ
45. Marka (gaalada) lagu yidhaahdo: Iska jira waxa ah hortiinna iyo waxa ah gadaashiinna [8] si la idiinkugu naxariisto 'ma maqlaan' [9].
[8]. Waxaa loola jeedaa Aakhirada iyo cadaabkeeda iyo adduunka iyo xaaladahiisa kala duwan.
[9]. Macnaha way iska dhego tiraan waanooyinka oo dan u geli waayaan digniinaha.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَمَا تَأۡتِيهِم مِّنۡ ءَايَةٖ مِّنۡ ءَايَٰتِ رَبِّهِمۡ إِلَّا كَانُواْ عَنۡهَا مُعۡرِضِينَ
46. Uma timaaddo calaamad ka mid ah calaamooyinka Rabbigood, wayse ka sii jeesadaan.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَإِذَا قِيلَ لَهُمۡ أَنفِقُواْ مِمَّا رَزَقَكُمُ ٱللَّهُ قَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَنُطۡعِمُ مَن لَّوۡ يَشَآءُ ٱللَّهُ أَطۡعَمَهُۥٓ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
47. Marka lagu yidhaahdo: Wax ka bixiya waxa uu Alle idinku irsaaqay, kuwa gaalooba waxay ku yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeeyey: Ma waxaan quudinnaa`mid hadduu doono Alle uu quudin lahaa? Idinku kuma sugnidin waxaan ahayn habow cad.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
48.Waxay (gaaladu) odhan: Goormay gooddintani fuli, haddaad run sheegaysaan?
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
مَا يَنظُرُونَ إِلَّا صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ تَأۡخُذُهُمۡ وَهُمۡ يَخِصِّمُونَ
49. Ma sugayaan (gaaladu) wax kale aan aheyn hal Qaylo [10], qabaneysa iyagoo murmi.
[10]. Erey ahaan macnaha waa dhawaaq ama qeylo daran, waxaana loola jeedaa afuufka koowaad ee Buunka uu dhiman noole kasta oo dhulka jooga digniin hore la’aan.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ تَوۡصِيَةٗ وَلَآ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِمۡ يَرۡجِعُونَ
50. Markaas ma karaan dardaaran, ehelkoodiina uma soo noqdaan.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَنُفِخَ فِي ٱلصُّورِ فَإِذَا هُم مِّنَ ٱلۡأَجۡدَاثِ إِلَىٰ رَبِّهِمۡ يَنسِلُونَ
51. Buunkaa la aafuufi [11], mise kolkaa bay qubuurahooda ka soo yaaci iygoo u degdegaya xagga Rabbigood.
[11]. Waxaa loola jeedaa afuufka labaad ee Buunka, markaasoo ay ka soo bixi doonaan qubuuraha iyagoo la soo nooleeyey.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
قَالُواْ يَٰوَيۡلَنَا مَنۢ بَعَثَنَا مِن مَّرۡقَدِنَاۜۗ هَٰذَا مَا وَعَدَ ٱلرَّحۡمَٰنُ وَصَدَقَ ٱلۡمُرۡسَلُونَ
52. Waxay odhan: Hoognaye! Yaa naga soo kiciyey meeshayadii aan hurudnay? (Waxaa lagu odhan): Kanu waa wuxuu Raxmaan- ku ballan qaaday, Rusushuna run bay sheegeen.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
إِن كَانَتۡ إِلَّا صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ فَإِذَا هُمۡ جَمِيعٞ لَّدَيۡنَا مُحۡضَرُونَ
53. Ma ahaaneyso wax kale aan aheyn hal Qaylo keliya, Mise kolkaa! Waxay dham-
maan ahaan kuwo Hortayada la keeno.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
فَٱلۡيَوۡمَ لَا تُظۡلَمُ نَفۡسٞ شَيۡـٔٗا وَلَا تُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
54. Marka Maanta (Qiyaamada) lagama dulmiyo nafna waxba, la idinkana abaal marin maayo waxaad camal fasheen mooyee.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
 
অৰ্থানুবাদ ছুৰা: ইয়াছীন
ছুৰাৰ তালিকা পৃষ্ঠা নং
 
আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

অনুবাদ কৰিছে আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব চাহাবে।

বন্ধ