Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አጥ ጡር   አንቀጽ:

Ad-duur

وَٱلطُّورِ
1. Waxaan ku dhaartay Buurta 'Siinaay' [1].
[1]. Ad-Duur: Buurta, waxaa loola jeedaa Buurtii uu Alle kula hadlay Nabi Muuse c.s.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكِتَٰبٖ مَّسۡطُورٖ
2. Iyo Kitaab qoran [2].
[2]. Waxaa lagu fasiray Looxa Maxfuudka, ama Qur’aanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فِي رَقّٖ مَّنشُورٖ
3. Ku qoran xaashiyo (maqaar ido khafiif ah) fidsan oo furan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلۡبَيۡتِ ٱلۡمَعۡمُورِ
4. Iyo Guriga (Kacbada) la siyaarto [3].
[3]. Waa Beytka Alle ay ku caabudaan malaa’igta ee ku yaal samada toddobaad, abbaarta Kacbada ama Kacbada Makkah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلسَّقۡفِ ٱلۡمَرۡفُوعِ
5. Iyo saqafka la kor yeelay (samada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلۡبَحۡرِ ٱلۡمَسۡجُورِ
6. Iyo badda lagu huriyey 'dabka ama soo fatahda' [4].
[4]. Badahoo sidaas noqon Maalinta Qiyaamaha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ عَذَابَ رَبِّكَ لَوَٰقِعٞ
7. Hubaal, cadaabka Rabbigaa waa wax dhici oo sugan -
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَّا لَهُۥ مِن دَافِعٖ
8. Ma jiro wax celin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ تَمُورُ ٱلسَّمَآءُ مَوۡرٗا
9. Maalinta markuu cirku hadba dhinac u wareegi,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَسِيرُ ٱلۡجِبَالُ سَيۡرٗا
10. Buuruhuna socon socosho (yaab) leh [5].
[5]. Oo noqon sida boor oo u socon sida daruuraha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَوَيۡلٞ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُكَذِّبِينَ
11. Hoog waxaa leh Maalinkaas kuwa (Xaqa) beeniya (ee nabad diidka ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي خَوۡضٖ يَلۡعَبُونَ
12. Kuwa iska cayaara ee dhex gala xumaanta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ يُدَعُّونَ إِلَىٰ نَارِ جَهَنَّمَ دَعًّا
13. Maalinka loogu tuuri Naarta Jahannama si daran oo xoog leh (waxaa lagu dhihi):
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَٰذِهِ ٱلنَّارُ ٱلَّتِي كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ
14. Waa tan Naartii aad beenin jirteen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አጥ ጡር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት