Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-ማኢዳህ   አንቀፅ:
قَالُواْ يَٰمُوسَىٰٓ إِنَّا لَن نَّدۡخُلَهَآ أَبَدٗا مَّا دَامُواْ فِيهَا فَٱذۡهَبۡ أَنتَ وَرَبُّكَ فَقَٰتِلَآ إِنَّا هَٰهُنَا قَٰعِدُونَ
24. Waxay yidhaahdeen: Muusow! Innagu ma galeyno weligayo intay ku jiraan. Ee taga adiga iyo Rabbigaa oo dagaal gala labadiinnu, innagu halkan baanu fadhin.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ رَبِّ إِنِّي لَآ أَمۡلِكُ إِلَّا نَفۡسِي وَأَخِيۖ فَٱفۡرُقۡ بَيۡنَنَا وَبَيۡنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡفَٰسِقِينَ
25. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Anigu ma hanto waxaan ahayn nafteyda iyo walaalkay (Haaruun), ee na kala saar innaga iyo qolodaa caasiyiinta ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ فَإِنَّهَا مُحَرَّمَةٌ عَلَيۡهِمۡۛ أَرۡبَعِينَ سَنَةٗۛ يَتِيهُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِۚ فَلَا تَأۡسَ عَلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡفَٰسِقِينَ
26. (Alle) wuxuu yidhi: Iyadu (dhulkan daahirka ah) waa ka xaaraan iyaga afartan sannadood, ay ku jaha wareeri dhulka. Ee ha u murugoon qoloda caasiyiinta ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
۞ وَٱتۡلُ عَلَيۡهِمۡ نَبَأَ ٱبۡنَيۡ ءَادَمَ بِٱلۡحَقِّ إِذۡ قَرَّبَا قُرۡبَانٗا فَتُقُبِّلَ مِنۡ أَحَدِهِمَا وَلَمۡ يُتَقَبَّلۡ مِنَ ٱلۡأٓخَرِ قَالَ لَأَقۡتُلَنَّكَۖ قَالَ إِنَّمَا يَتَقَبَّلُ ٱللَّهُ مِنَ ٱلۡمُتَّقِينَ
27. Uga warran qisada labadii wiil ee Aadam oo xaq ah; markay labaduba bixiyeen qurbaan ee laga aqbalay midkood [5], oo aan laga aqbalin kii kale [6]. (Qaabiil) wuxuu (ku) yidhi (Haabiil): Waan ku dili. (Haabiil) wuxuu yidhi: Sideedaba wuxuu Alle wax ka aqbalaa kuwa dhowrsoon ee u hoggaansan.
[5]. Waa Haabiil, oo ahaa xoolaley isagoo la baxay xoolihiisii inta u fiican sadaqo ahaan.
[6]. Qaabiil, oo ahaa beeralay isagoo la baxay dalaggiisii inta u xun.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَئِنۢ بَسَطتَ إِلَيَّ يَدَكَ لِتَقۡتُلَنِي مَآ أَنَا۠ بِبَاسِطٖ يَدِيَ إِلَيۡكَ لِأَقۡتُلَكَۖ إِنِّيٓ أَخَافُ ٱللَّهَ رَبَّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
28. Haddaad iigu soo fidiso gacantaada xaggeyga inaad I disho, Anigu kuugu soo fidin maayo gacantayda xaggaaga inaan ku dilo, waxaan anigu ka cabsan Alle, Rabbiga caalamka.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنِّيٓ أُرِيدُ أَن تَبُوٓأَ بِإِثۡمِي وَإِثۡمِكَ فَتَكُونَ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلنَّارِۚ وَذَٰلِكَ جَزَٰٓؤُاْ ٱلظَّٰلِمِينَ
29. Waxaan dooni inaad la gaddoonto denbigaad iga gasho iyo denbigaagaba, markaas waxaad ka mid noqon ehlu Naarka, taasina waa abaalka daalimiinta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَطَوَّعَتۡ لَهُۥ نَفۡسُهُۥ قَتۡلَ أَخِيهِ فَقَتَلَهُۥ فَأَصۡبَحَ مِنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ
30. Markaasay u qurxisay naftiisii dilka walaalki (Haabiil); oo uu dilay [7], wuxuuna ka mid noqday kuwa ku jira khasaaraha cad.
[7]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ma jirto naf lagu dilo xaq darro uusan wiilkii Aadam ee hore (Qaabiil) qayb ku lahayn denbigaa.” W.w. Al- Bukhaari.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَبَعَثَ ٱللَّهُ غُرَابٗا يَبۡحَثُ فِي ٱلۡأَرۡضِ لِيُرِيَهُۥ كَيۡفَ يُوَٰرِي سَوۡءَةَ أَخِيهِۚ قَالَ يَٰوَيۡلَتَىٰٓ أَعَجَزۡتُ أَنۡ أَكُونَ مِثۡلَ هَٰذَا ٱلۡغُرَابِ فَأُوَٰرِيَ سَوۡءَةَ أَخِيۖ فَأَصۡبَحَ مِنَ ٱلنَّٰدِمِينَ
31. Markaasuu Alle soo diray tuke fagaya dhulka si uu u tuso siduu u aasi lahaa maydka walaalki. Wuxuu yidhi: Hoogaye! Miyaan kari waayey inaan noqdo tukahaan oo kale oo aaso maydka walaalkay? Wuxuuna ahaaday mid ka qoomameeya.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-ማኢዳህ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት