Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-ማኢዳህ   አንቀፅ:
لُعِنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۢ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ عَلَىٰ لِسَانِ دَاوُۥدَ وَعِيسَى ٱبۡنِ مَرۡيَمَۚ ذَٰلِكَ بِمَا عَصَواْ وَّكَانُواْ يَعۡتَدُونَ
78. Kuwii gaaloobay ee ka midka ahaa Ilmahii Is’raaiil waxaa lagu nacladay carrabka Daawuud iyo Ciise ina Maryam. Waxaa arrinkani ugu wacnaa inay caasi-yeen darteed oo xadugudub sameyn jireen.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
كَانُواْ لَا يَتَنَاهَوۡنَ عَن مُّنكَرٖ فَعَلُوهُۚ لَبِئۡسَ مَا كَانُواْ يَفۡعَلُونَ
79. Iskama ay reebi jirin waxyaalaha xun ay falaan. Xumaan badanaa waxay falayeen.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
تَرَىٰ كَثِيرٗا مِّنۡهُمۡ يَتَوَلَّوۡنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۚ لَبِئۡسَ مَا قَدَّمَتۡ لَهُمۡ أَنفُسُهُمۡ أَن سَخِطَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡ وَفِي ٱلۡعَذَابِ هُمۡ خَٰلِدُونَ
80. Waxaad arki in badan oo ka mid ah oo ka dhiganaya sokeeye iyo gacallo gaalada. Xumaa waxay naftoodu u hormarisay iyaga oo ah inuu Alle u cadhooday, oo cadaabtay ku waari weligood.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَوۡ كَانُواْ يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلنَّبِيِّ وَمَآ أُنزِلَ إِلَيۡهِ مَا ٱتَّخَذُوهُمۡ أَوۡلِيَآءَ وَلَٰكِنَّ كَثِيرٗا مِّنۡهُمۡ فَٰسِقُونَ
81. Hadday yihiin kuwo rumeysan Alle iyo Nabiga iyo waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah, kama ay dhigteen sokeeyayaal iyo saaxiibbo (gaalada), in badanse oo ka mid ah waa caasiyaal.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
۞ لَتَجِدَنَّ أَشَدَّ ٱلنَّاسِ عَدَٰوَةٗ لِّلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱلۡيَهُودَ وَٱلَّذِينَ أَشۡرَكُواْۖ وَلَتَجِدَنَّ أَقۡرَبَهُم مَّوَدَّةٗ لِّلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ إِنَّا نَصَٰرَىٰۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّ مِنۡهُمۡ قِسِّيسِينَ وَرُهۡبَانٗا وَأَنَّهُمۡ لَا يَسۡتَكۡبِرُونَ
82. Waxaad heli kuwa uga cadaawad qaad badan mu’miniinta inay yihiin Yuhuudda iyo kuwa ah mushrikiinta, waxaadna heli kuwa ugu jaceyl dhow mu’miniinta inay yihiin kuwa yidhaahda: Waxaanu nahay Nasaaro. Waxaa arrinkani ugu wacan inay ka mid yihiin qaysas iyo ruhbaan, iyo inaysan iskibrin darteed.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِذَا سَمِعُواْ مَآ أُنزِلَ إِلَى ٱلرَّسُولِ تَرَىٰٓ أَعۡيُنَهُمۡ تَفِيضُ مِنَ ٱلدَّمۡعِ مِمَّا عَرَفُواْ مِنَ ٱلۡحَقِّۖ يَقُولُونَ رَبَّنَآ ءَامَنَّا فَٱكۡتُبۡنَا مَعَ ٱلشَّٰهِدِينَ
83. Markay maqlaan waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah Rasuulka, waxaad arki indhahooda oo ay ka qubanayso ilmadu Xaqa ay garteen awgii.Waxay yidhaahdaan: Rabbigayow! Waan rumeynay; ee nagu qor la jirka kuwa ka marag kaca Xaqa.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-ማኢዳህ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት