Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አን-ኒሳዕ   አንቀፅ:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ سَنُدۡخِلُهُمۡ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٗاۚ وَمَنۡ أَصۡدَقُ مِنَ ٱللَّهِ قِيلٗا
122. Kuwa se (xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaan galin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waari weligood. Waa Ballan Alle oo Xaq ah. Yaa ka run badan Alle Hadalkiisa (waa cidna).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَّيۡسَ بِأَمَانِيِّكُمۡ وَلَآ أَمَانِيِّ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِۗ مَن يَعۡمَلۡ سُوٓءٗا يُجۡزَ بِهِۦ وَلَا يَجِدۡ لَهُۥ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا
123. Ma aha hididdiillooyinkiinna [48] iyo hididdiillooyinka ehlu Kitaabka midna, qofkii falaa xumaan, waa laga goyn, mana u helayo naftiisa Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.
[48]. “Kum” halkan waxaa la yidhi waxaa loola jeedaa muslimiinta, sidoo kale waxaa la yidhi waxaa loola jeedaa gaalada mushrikiinta ah, gunta Aayaddana waxaa weeye in abaalgudka aakhiro aan lagu helin ididdiilo iyo iska rajeyn, laakiinse lagu helo iimaanka iyo sama falka.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَمَن يَعۡمَلۡ مِنَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ مِن ذَكَرٍ أَوۡ أُنثَىٰ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَأُوْلَٰٓئِكَ يَدۡخُلُونَ ٱلۡجَنَّةَ وَلَا يُظۡلَمُونَ نَقِيرٗا
124. Qofkii fala camallo wanaaagsan lab ahaayaa ama dheddig oo mu'min ah, waxay kuwaa geli Jannada, lagamana dulmiyo dalool laf timireed wax le’eg.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَمَنۡ أَحۡسَنُ دِينٗا مِّمَّنۡ أَسۡلَمَ وَجۡهَهُۥ لِلَّهِ وَهُوَ مُحۡسِنٞ وَٱتَّبَعَ مِلَّةَ إِبۡرَٰهِيمَ حَنِيفٗاۗ وَٱتَّخَذَ ٱللَّهُ إِبۡرَٰهِيمَ خَلِيلٗا
125. Yaa ka diin fiican mid isu wada dhiiba Alle isagoo sama fale ah oo raaca diintii Ibraahiim, toosnihii. Wuxuu Alle ka yeeshay Ibraahiim saaxiib u gaar ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٖ مُّحِيطٗا
126. Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle waa wax walba koobe.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَيَسۡتَفۡتُونَكَ فِي ٱلنِّسَآءِۖ قُلِ ٱللَّهُ يُفۡتِيكُمۡ فِيهِنَّ وَمَا يُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ فِي يَتَٰمَى ٱلنِّسَآءِ ٱلَّٰتِي لَا تُؤۡتُونَهُنَّ مَا كُتِبَ لَهُنَّ وَتَرۡغَبُونَ أَن تَنكِحُوهُنَّ وَٱلۡمُسۡتَضۡعَفِينَ مِنَ ٱلۡوِلۡدَٰنِ وَأَن تَقُومُواْ لِلۡيَتَٰمَىٰ بِٱلۡقِسۡطِۚ وَمَا تَفۡعَلُواْ مِنۡ خَيۡرٖ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِهِۦ عَلِيمٗا
127. Waxay ku weydiin xukun ku saabsan haweenka (iyo maalkooda dhaxalka ah), dheh: Alle baa idiin sheegi xukunka arrinkooda [49], iyo arrinka waxa la idiinku akhriyo Kitaabka oo ku saabsan gabdhaha agoomaha ah oo aydaan siin saamiyadii loo gooyey [50], xagga arrinka kuwa tabarta yar ee ka mid ah carruurta (waa inaad siisaan xuquuqdooda) iyo inaad ku dhaqdaan caddaalad agoomaha. Waxaad fashaan oo khayr ahna, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay.
[49]. Eeg Suuradda An-Nisaa Aayadda : 3.
[50]. Ee dhaxalka, idinkoo dooneyn inaad guursataan, una diidaya inay guursadaan rag kale damac idiinka jira maalkooda darteed, marka waa inaydaan sidaasi yeelin. Caadada Carabta waagii jaahiliyadda waxay ahayd in waliga uu xaq u leeyahay inuu guursado gabdhaha agoomaha ee mas’uulka uu ka yahay, iyo inuu xaq ku leeyahay maalkooda. Hadday qurxoon tahay wuu guursanayey, si uu wax uga qaato maalkeeda , haddayse fool xun tahay waa uu diidaa inay guursato nin kale si uu u hanto maalkeeda. Aayaddani waxay reebtay arrintaas.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አን-ኒሳዕ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት