Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አን-ኒሳዕ   አንቀፅ:
أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ يَزۡعُمُونَ أَنَّهُمۡ ءَامَنُواْ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكَ وَمَآ أُنزِلَ مِن قَبۡلِكَ يُرِيدُونَ أَن يَتَحَاكَمُوٓاْ إِلَى ٱلطَّٰغُوتِ وَقَدۡ أُمِرُوٓاْ أَن يَكۡفُرُواْ بِهِۦۖ وَيُرِيدُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَن يُضِلَّهُمۡ ضَلَٰلَۢا بَعِيدٗا
60. Miyaadan arag kuwa sheegta inay rumeysan yihiin waxa laguu soo dejiyey oo Waxyi ah iyo wixii la soo dejiyey oo Waxyi ah hortaa? Waxay rabaan inay u xukunta- maan Shaydaanka iyagoo la amray inay ku gaaloobaan, wuxuuna rabaa Shaydaanka inuu lumiyo lumitaan fog.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِذَا قِيلَ لَهُمۡ تَعَالَوۡاْ إِلَىٰ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ وَإِلَى ٱلرَّسُولِ رَأَيۡتَ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ يَصُدُّونَ عَنكَ صُدُودٗا
61. Marka lagu yidhaahdo: U kaalaya wuxuu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah (Qur’aanka) iyo xagga Rasuulka (Nabi Muxammad), waxaad arki munaafiqiinta oo kaa jeesanaya jeesasho muuqata.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَكَيۡفَ إِذَآ أَصَٰبَتۡهُم مُّصِيبَةُۢ بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيهِمۡ ثُمَّ جَآءُوكَ يَحۡلِفُونَ بِٱللَّهِ إِنۡ أَرَدۡنَآ إِلَّآ إِحۡسَٰنٗا وَتَوۡفِيقًا
62. Ee sidee bay noqon markay ku dhacdo musiibo waxay gacmahoodu horey u geysteen awgii (oo denbiyo ah)? Markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaranaya Alle: Ma aanaan dooneyn waxaan aheyn wanaag iyo towfiiq.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ يَعۡلَمُ ٱللَّهُ مَا فِي قُلُوبِهِمۡ فَأَعۡرِضۡ عَنۡهُمۡ وَعِظۡهُمۡ وَقُل لَّهُمۡ فِيٓ أَنفُسِهِمۡ قَوۡلَۢا بَلِيغٗا
63. Kuwaa waa kuwa uu Alle og yahay waxa ku jira quloobtooda; ee iskaga jeeso, waanina, oo kala hadal nafahooda hadal saameyn weyn leh.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا مِن رَّسُولٍ إِلَّا لِيُطَاعَ بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَلَوۡ أَنَّهُمۡ إِذ ظَّلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ جَآءُوكَ فَٱسۡتَغۡفَرُواْ ٱللَّهَ وَٱسۡتَغۡفَرَ لَهُمُ ٱلرَّسُولُ لَوَجَدُواْ ٱللَّهَ تَوَّابٗا رَّحِيمٗا
64. Uma aanu soo dirin Rasuul waxaan aheyn in lagu adeeco Idanka Alle. Hadday markay dulmiyeen nafahooda kuu imaan lahaayeen oo ay weydiisan lahaayeen denbi dhaaf Alle, oo Rasuulku (sidoo kale) denbi dhaaf u dalbi lahaa; waxay heli lahaayeen Alle oo tawbad aqbal Badan, Naxariis Badan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَلَا وَرَبِّكَ لَا يُؤۡمِنُونَ حَتَّىٰ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيۡنَهُمۡ ثُمَّ لَا يَجِدُواْ فِيٓ أَنفُسِهِمۡ حَرَجٗا مِّمَّا قَضَيۡتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسۡلِيمٗا
65. Mayee, waa igu Rabbigaaye, ma aysan rumeyn (dhab ahaan) jeer ay kaaga dhigtaan garsoore waxay isku qabtaan, markaasna ayan ka helin wax dhibsi ah nafahooda waxaad guddoomiso, oo ay u hoggaansamaan hoggaansamid dhan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አን-ኒሳዕ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት