Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ጣሃ   አንቀፅ:
إِذۡ أَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰٓ أُمِّكَ مَا يُوحَىٰٓ
38. Markaan u waxyoonnay hooyadaa waxaan u waxyoonnay.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَنِ ٱقۡذِفِيهِ فِي ٱلتَّابُوتِ فَٱقۡذِفِيهِ فِي ٱلۡيَمِّ فَلۡيُلۡقِهِ ٱلۡيَمُّ بِٱلسَّاحِلِ يَأۡخُذۡهُ عَدُوّٞ لِّي وَعَدُوّٞ لَّهُۥۚ وَأَلۡقَيۡتُ عَلَيۡكَ مَحَبَّةٗ مِّنِّي وَلِتُصۡنَعَ عَلَىٰ عَيۡنِيٓ
39.(Waxaan ku nidhi): Ku rid isaga sanduuq oo ku tuur webiga (Niil), kolkaasna webigu wuxuu ku tuuri xeebta, halkaas waxaa qaadan mid cadow ii ah, isagana cadow u ah! Waxaan yeelay dushaada jaceyl lagu jeclaado Xaggeyga ah [5], iyo in lagugu barbaariyo Ishayda horteed (waa Ilaalinteyda iyo Ogaanshaheyga),
[5]. Alle wuxuu jeclaanta Muuse geliyey quluubta dadka.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِذۡ تَمۡشِيٓ أُخۡتُكَ فَتَقُولُ هَلۡ أَدُلُّكُمۡ عَلَىٰ مَن يَكۡفُلُهُۥۖ فَرَجَعۡنَٰكَ إِلَىٰٓ أُمِّكَ كَيۡ تَقَرَّ عَيۡنُهَا وَلَا تَحۡزَنَۚ وَقَتَلۡتَ نَفۡسٗا فَنَجَّيۡنَٰكَ مِنَ ٱلۡغَمِّ وَفَتَنَّٰكَ فُتُونٗاۚ فَلَبِثۡتَ سِنِينَ فِيٓ أَهۡلِ مَدۡيَنَ ثُمَّ جِئۡتَ عَلَىٰ قَدَرٖ يَٰمُوسَىٰ
40. (Waxaan kuu galnay wanaag mar kale) markay u tagtay walaashaa iyadoo leh: Ma idin tusaa cid idiin korin (nuujineysa)? Markaas baan kuu soo celinnay hooyadaa si ay u raalli noqoto oo aysan u murugoon. Waxaadna dishay nin [6], waanse kaa badbaadinnay walbahaar weyn, oo aan ku imtixaannay imtixaan culus, Waxaad ku negaatay sanooyin tirsan reer Madyan dhexdood. Waxaadna halkaan ku timid Qaddar Alle, Muusow!.
[6]. Waa qibidigii Masriga ahaa ee dhintay kaddib markuu Muuse ku dhuftay Qibidigaa hal feedh.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱصۡطَنَعۡتُكَ لِنَفۡسِي
41. Waxaan kuu doortay Nafteyda [7].
[7]. Alle baa doortay Muuse oo ka yeelay mid xoog leh jidh iyo shakshi ahaanba si uu u qaado xilka gaarsiinta diinta ilmaha Israa’iil.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ٱذۡهَبۡ أَنتَ وَأَخُوكَ بِـَٔايَٰتِي وَلَا تَنِيَا فِي ذِكۡرِي
42. “La taga adiga iyo walaalkaa Aayadahayga, hana ka daalina Xuskayga.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ٱذۡهَبَآ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ
43. Aada xagga Fircoon, wuu xadgudbaye.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَقُولَا لَهُۥ قَوۡلٗا لَّيِّنٗا لَّعَلَّهُۥ يَتَذَكَّرُ أَوۡ يَخۡشَىٰ
44. Kula hadlana hadal nugul, waa intaasoo uu waansamo ama ka baqo (Alle).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَا رَبَّنَآ إِنَّنَا نَخَافُ أَن يَفۡرُطَ عَلَيۡنَآ أَوۡ أَن يَطۡغَىٰ
45.Waxay yidhaahdeen: “Rabbigayow! Waxaanu ka cabsan inuu ku degdego inuu na ciqaabo ama nagu xadgudbo.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ لَا تَخَافَآۖ إِنَّنِي مَعَكُمَآ أَسۡمَعُ وَأَرَىٰ
46. (Alle) Wuxuu yidhi: Ha cabsannina, Anigaa idin la jira, waan maqli oo arkaa.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَأۡتِيَاهُ فَقُولَآ إِنَّا رَسُولَا رَبِّكَ فَأَرۡسِلۡ مَعَنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ وَلَا تُعَذِّبۡهُمۡۖ قَدۡ جِئۡنَٰكَ بِـَٔايَةٖ مِّن رَّبِّكَۖ وَٱلسَّلَٰمُ عَلَىٰ مَنِ ٱتَّبَعَ ٱلۡهُدَىٰٓ
47. U taga (Fircoon) oo dhahaya: Waxaanu nahay Rususha Rabbigaa, ee nagu dar ilmaha Israa'iil hana caddabin, waxaan kuu keennay calaamad xagga Rabbigaa ah. Nabadna korkiisa ha ahaato [8] kan raaca hunuunka (Alle, Islaamka oo ku dhaqma).
[8]. Ammaan iyo nabad uu ka ahaado cadaabka Alle.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّا قَدۡ أُوحِيَ إِلَيۡنَآ أَنَّ ٱلۡعَذَابَ عَلَىٰ مَن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ
48. Waxaa xaqiiq naloo waxyooday in cadaab ku dhici qofkii (Xaqa) beeniya oo ka jeesta.”.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ فَمَن رَّبُّكُمَا يَٰمُوسَىٰ
49. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Waa Kuma Rabbigiin, Muusow?”
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ رَبُّنَا ٱلَّذِيٓ أَعۡطَىٰ كُلَّ شَيۡءٍ خَلۡقَهُۥ ثُمَّ هَدَىٰ
50. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbigayo waa kan siiyey wax walba qaabka uu leeyahay oo u tilmaamay (yoolkeed).”
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ فَمَا بَالُ ٱلۡقُرُونِ ٱلۡأُولَىٰ
51. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ka warran xaalka facyadii hore?.”
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ጣሃ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት