Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ጣሃ   አንቀጽ:
وَأَنَا ٱخۡتَرۡتُكَ فَٱسۡتَمِعۡ لِمَا يُوحَىٰٓ
13. Aniga (Alle ah) baana ku doortay (Muusow) ee dhegayso waxa laguu Waxyoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّنِيٓ أَنَا ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱعۡبُدۡنِي وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ لِذِكۡرِيٓ
14. Anigu waxaan ahay Allaah. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Aniga, ee Anigoo Keliya i caabud, una oog salaadda Xuskayga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلسَّاعَةَ ءَاتِيَةٌ أَكَادُ أُخۡفِيهَا لِتُجۡزَىٰ كُلُّ نَفۡسِۭ بِمَا تَسۡعَىٰ
15. Hubaal Saacadda (Qiyaame) waa imaanaysaa - waxaana u dhowahay inaan qariyo [3] si naf walba loogu abaal mariyo waxay camal fashay.
[3]. Macnaha waxaa weeye in Alle subxaanahu watacaalaa uu ka qariyo cid walba ogaanshaha waqtiga Saacadda Qiyaame dhaceyso, oo Isaga uun baa Ogsoon Keliya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَا يَصُدَّنَّكَ عَنۡهَا مَن لَّا يُؤۡمِنُ بِهَا وَٱتَّبَعَ هَوَىٰهُ فَتَرۡدَىٰ
16. “Yaanu kaa weecin xaggeeda [4] mid aan Rumaysnayn oo raaca hawadiisa, markaas waad halaagsami.
[4].Waa inaad isugu diyaariso iimaan iyo ca- mallo wanaagsan Saacaddaa (Aakhirada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا تِلۡكَ بِيَمِينِكَ يَٰمُوسَىٰ
17. Waa maxay taasi ku jirta midigtaada Muusow?”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ هِيَ عَصَايَ أَتَوَكَّؤُاْ عَلَيۡهَا وَأَهُشُّ بِهَا عَلَىٰ غَنَمِي وَلِيَ فِيهَا مَـَٔارِبُ أُخۡرَىٰ
18. Wuxuu yidhi: “Waa ushayda, waan cuskadaa, oo ugu lulaa caleemaha si ay ugu soo daataan arigayga dushiisa, waxaana iigu jira dano kale.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ أَلۡقِهَا يَٰمُوسَىٰ
19. (Alle) wuxuu yidhi: “Bal hoos u tuur Muusow!”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَلۡقَىٰهَا فَإِذَا هِيَ حَيَّةٞ تَسۡعَىٰ
20. Markaasuu tuuray, mise! Waa abeeso ordaysa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ خُذۡهَا وَلَا تَخَفۡۖ سَنُعِيدُهَا سِيرَتَهَا ٱلۡأُولَىٰ
21. (Alle) wuxuu yidhi: “Qaado, hana cabsan, Waxaanu ku celin sideedii hore.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱضۡمُمۡ يَدَكَ إِلَىٰ جَنَاحِكَ تَخۡرُجۡ بَيۡضَآءَ مِنۡ غَيۡرِ سُوٓءٍ ءَايَةً أُخۡرَىٰ
22. Ku qabo gacantaada dhinacaaga, waxay soo bixi iyadoo cad (ifeysa) iin la’aan, waa calaamad kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِنُرِيَكَ مِنۡ ءَايَٰتِنَا ٱلۡكُبۡرَى
23. “Si aanu kuu tusinno wax ka mid ah Aayadahayaga waaweyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱذۡهَبۡ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ
24. “Ee aad xagga Fircoon! Waa uu xad gudbaye.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبِّ ٱشۡرَحۡ لِي صَدۡرِي
25. (Muuse) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii waasici (deji) laabtayda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَسِّرۡ لِيٓ أَمۡرِي
26. “Ii fududee arrinkayga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱحۡلُلۡ عُقۡدَةٗ مِّن لِّسَانِي
27. Ka fur guntintana carrabkayga,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَفۡقَهُواْ قَوۡلِي
28. “Si ay u fahmaan hadalkayga .
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱجۡعَل لِّي وَزِيرٗا مِّنۡ أَهۡلِي
29. “Ii yeelna wasiir (caawiye) ka mid ah ehelkayga,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَٰرُونَ أَخِي
30. Haaruun, walaalkay,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱشۡدُدۡ بِهِۦٓ أَزۡرِي
31. “Ku adkee (xooji) tabarteyda (dhabarkeyga),
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَشۡرِكۡهُ فِيٓ أَمۡرِي
32. Igala qayb geli (wadaaji) arrinkayga ( Nabinnimada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَيۡ نُسَبِّحَكَ كَثِيرٗا
33. Si aan kuugu tasbiixsanno in badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَنَذۡكُرَكَ كَثِيرًا
34. Oo aan kuu xusno in badan,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّكَ كُنتَ بِنَا بَصِيرٗا
35. Hubaal, waxaad Adigu tahay Mid mar walba na Arka".
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ قَدۡ أُوتِيتَ سُؤۡلَكَ يَٰمُوسَىٰ
36. (Alle) wuxuu yidhi” “Waa lagu siiyey codsigaaga Muusow!
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ مَنَنَّا عَلَيۡكَ مَرَّةً أُخۡرَىٰٓ
37. Waxaanuna dhab ahaan kuu nicmeennay waqti kale (oo hore),
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ጣሃ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት