Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል ኢስራዕ   አንቀፅ:
مَّن كَانَ يُرِيدُ ٱلۡعَاجِلَةَ عَجَّلۡنَا لَهُۥ فِيهَا مَا نَشَآءُ لِمَن نُّرِيدُ ثُمَّ جَعَلۡنَا لَهُۥ جَهَنَّمَ يَصۡلَىٰهَا مَذۡمُومٗا مَّدۡحُورٗا
18. Qofkii raba noloshatan dhaqso dhammaaneysa (adduunyada), Waan ugu soo dedejinnaa dhexdeeda waxaan doonno ciddaan doonno. Markaas kaddib waxaan ka yeellaa mid gala Jahannama isagoo dulleysan oo dayro ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَمَنۡ أَرَادَ ٱلۡأٓخِرَةَ وَسَعَىٰ لَهَا سَعۡيَهَا وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَأُوْلَٰٓئِكَ كَانَ سَعۡيُهُم مَّشۡكُورٗا
19. Qofkiise raba Aakhirada oo u dadaala dadaalkeeda lagu helayo oo mu’min ah, kuwaa dadaalkooda waa mid la tixgeliyo [10].
[10]. Kuwa doonaya wanaagga, toosnaanta, u degdegidda ka tawbad keenidda denbiyada iyo gefefka uu galay dacfiga aadmiga awgeed, Alle subxaanahu watacaalaa wuxuu u ballan qaaday cafis iyo masaamax.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
كُلّٗا نُّمِدُّ هَٰٓؤُلَآءِ وَهَٰٓؤُلَآءِ مِنۡ عَطَآءِ رَبِّكَۚ وَمَا كَانَ عَطَآءُ رَبِّكَ مَحۡظُورًا
20. Dhammaan waan siinnaa deeq - kuwaan (dooni adduun) iyo sidoo kale kuwaa (dooni Aakhiro) - ka mid ah deeqda Rabbigaa. Ma aha deeqda Rabbigaa mid reebban.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ٱنظُرۡ كَيۡفَ فَضَّلۡنَا بَعۡضَهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖۚ وَلَلۡأٓخِرَةُ أَكۡبَرُ دَرَجَٰتٖ وَأَكۡبَرُ تَفۡضِيلٗا
21. Fiiri, sidaan uga fadilnay qaarkoodba qaar (adduunkan gudihi), Aakhirada baana lagu sii kala derejo weyn yahay oo lagu sii kala fadli badan yahay.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَّا تَجۡعَلۡ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ فَتَقۡعُدَ مَذۡمُومٗا مَّخۡذُولٗا
22. Ha yeelin la jirka Alle ilaah kale, si aadan u fadhiisan (cadaab dhexdi) adigoo dulleysan deyro ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
۞ وَقَضَىٰ رَبُّكَ أَلَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّآ إِيَّاهُ وَبِٱلۡوَٰلِدَيۡنِ إِحۡسَٰنًاۚ إِمَّا يَبۡلُغَنَّ عِندَكَ ٱلۡكِبَرَ أَحَدُهُمَآ أَوۡ كِلَاهُمَا فَلَا تَقُل لَّهُمَآ أُفّٖ وَلَا تَنۡهَرۡهُمَا وَقُل لَّهُمَا قَوۡلٗا كَرِيمٗا
23. Wuxuu guddoonshay Rabbigaa inaydaan caabudin cidna Isaga maahee iyo u sama fal labada waalid. Hadduu midkood ama labadoodaba ku soo gaaro agtaada da' weyni, ha ku odhan erey xurmo darro ah haba ahaatee “uf” [11], hana ku qeylin, oo kula hadal, hadal wanaagsan oo xurmo leh.
[11]: Waxaa la isu diiday in lagu yidhaahdo waalidka : "Uf aan la maqleyn ” marka wixii ka sii weyn oo qowl ama ficil ah ka daran oo ka denbi weyn, mana bannaana. Bal wuxuu Alle amray in la xurmeeyo oo la xaq dhowro oo si fiican loo xiriiriyo oo la wanaajiyo oo loogu adeego si farxad iyo laab furni leh. Uf waa muujin diiddo ama nac.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱخۡفِضۡ لَهُمَا جَنَاحَ ٱلذُّلِّ مِنَ ٱلرَّحۡمَةِ وَقُل رَّبِّ ٱرۡحَمۡهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرٗا
24. U raarici ( waalidkaa oo nuglee) garab naxariiseed (u muuji naxariis), oo dheh: Rabbiyow! Ugu Naxariiso siday ii soo koriyeen anigoo yar.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
رَّبُّكُمۡ أَعۡلَمُ بِمَا فِي نُفُوسِكُمۡۚ إِن تَكُونُواْ صَٰلِحِينَ فَإِنَّهُۥ كَانَ لِلۡأَوَّٰبِينَ غَفُورٗا
25. Rabbigiin baa dhab u ogsoon waxa ku jira nafahiinna. Haddaad wanaagsan tihiin, markaa hubaal, wuu u denbi dhaafaa kuwa tawbad keenka badan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَءَاتِ ذَا ٱلۡقُرۡبَىٰ حَقَّهُۥ وَٱلۡمِسۡكِينَ وَٱبۡنَ ٱلسَّبِيلِ وَلَا تُبَذِّرۡ تَبۡذِيرًا
26. Sii kan qaraabada ah xaqiisa iyo miskiinka iyo socotada (go’doonsan), hana ku bixinnina maalka wax xun oo dayac ah [12].
[12].Macnaha waa ha ku bixin wax xaaraan ah ama kuu caasiyoobid Alle.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّ ٱلۡمُبَذِّرِينَ كَانُوٓاْ إِخۡوَٰنَ ٱلشَّيَٰطِينِۖ وَكَانَ ٱلشَّيۡطَٰنُ لِرَبِّهِۦ كَفُورٗا
27. Hubaal kuwa dayaca ee wax xun ku bixiya maalka waa walaalaha shayaadiinta, Shaydaanna waa mid ka abaal dhaca Rabbigi.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል ኢስራዕ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት