Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል ኢስራዕ   አንቀፅ:

Al-israa

سُبۡحَٰنَ ٱلَّذِيٓ أَسۡرَىٰ بِعَبۡدِهِۦ لَيۡلٗا مِّنَ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ إِلَى ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡأَقۡصَا ٱلَّذِي بَٰرَكۡنَا حَوۡلَهُۥ لِنُرِيَهُۥ مِنۡ ءَايَٰتِنَآۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡبَصِيرُ
1. Waxaa xurmo oo dhan iska leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan) Kan (waa Alle'e) ka guureysiiyey addoonkiisa (Nabi Muxammad) goor habeen ah Masjidka Xaramka (Kacbada) xagga Masjidka shishe, ee aan barakaynay hareerahiisa [1], si aan wax uga tusno Calaamooyinkayaga. Hubaal (Alle) Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.
[1]. Masjidka Al-Aqsaa ee ku yaal Qudus iyo degaannada hareerahiisa ah uu Alle ku barakeeyey inuu ka soo bixiyey anbiyada badankood, deggaannadaas oo ah dhul wanaagsan oo khayr badan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ وَجَعَلۡنَٰهُ هُدٗى لِّبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ أَلَّا تَتَّخِذُواْ مِن دُونِي وَكِيلٗا
2. Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) oo aan uga yeelnay hanuun Ilmahii Israa’iil (Annagoo leh): Ha ka yeelannina cidaan Aniga (Alle) aheyn wakiil aad tala saarataan [2].
[2]. Waa inaad ku kalsoonaataan oo isku halleysaan Alle oo tala saarataan idinkoo yaqiinsan inuu Alle subxaanahu wa tacaalaa yahay Kan haya wax iyo arrin walba xilkood oo idin xafida.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ذُرِّيَّةَ مَنۡ حَمَلۡنَا مَعَ نُوحٍۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَبۡدٗا شَكُورٗا
3. Ubadka kuwa aan la qaadnayow Nuux! Hubaal (Nuux) wuxuu ahaa addoon aad u mahad naqid badan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقَضَيۡنَآ إِلَىٰ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ فِي ٱلۡكِتَٰبِ لَتُفۡسِدُنَّ فِي ٱلۡأَرۡضِ مَرَّتَيۡنِ وَلَتَعۡلُنَّ عُلُوّٗا كَبِيرٗا
4. Waxaan ugu sheegnay Ilmahii Israa'iil Kitaabka [3]: Waxaad fasahaadin arlada labo jeer oo isku kibrin iskibrin weyn.
[3]. Horay ugu sheegnay waxyi ahaan Kitaabka Towraadda waxay falayaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَإِذَا جَآءَ وَعۡدُ أُولَىٰهُمَا بَعَثۡنَا عَلَيۡكُمۡ عِبَادٗا لَّنَآ أُوْلِي بَأۡسٖ شَدِيدٖ فَجَاسُواْ خِلَٰلَ ٱلدِّيَارِۚ وَكَانَ وَعۡدٗا مَّفۡعُولٗا
5. Markuu yimid wacadkii hore (kii koowaad), waxaan idinku soo dirnay addoomo aan leennahay oo xoog badan [4] oo ku daran dagaalka. Markaasay galoo baxeen oo xuleen guryihiinna dhexdooda, wuxuuna ahaa wacad la fuliyey [5].
[4]. Jaaluut iyo ciidankiisa.
[5]. Cadaabka loogu gooddiyey midka hore labadoodii caasiyoobid, Iyagoo ku xadgudbaya xurmadda guryahooda, inay baaraan, wax dilaan oo baabbi’yiaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ثُمَّ رَدَدۡنَا لَكُمُ ٱلۡكَرَّةَ عَلَيۡهِمۡ وَأَمۡدَدۡنَٰكُم بِأَمۡوَٰلٖ وَبَنِينَ وَجَعَلۡنَٰكُمۡ أَكۡثَرَ نَفِيرًا
6. Misna Waxaan mar kale idiin soo celinnay markiinna inaad ka guuleysataan. Waxaana idinku taageernay maal iyo wiilal oo idinka dhignay ciidan tiro badan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنۡ أَحۡسَنتُمۡ أَحۡسَنتُمۡ لِأَنفُسِكُمۡۖ وَإِنۡ أَسَأۡتُمۡ فَلَهَاۚ فَإِذَا جَآءَ وَعۡدُ ٱلۡأٓخِرَةِ لِيَسُـُٔواْ وُجُوهَكُمۡ وَلِيَدۡخُلُواْ ٱلۡمَسۡجِدَ كَمَا دَخَلُوهُ أَوَّلَ مَرَّةٖ وَلِيُتَبِّرُواْ مَا عَلَوۡاْ تَتۡبِيرًا
7. Haddaad samo fashaan, waxaad u sama fashaan uun nafahiinna, haddaad xumaan fashaanna (idinkay idiin daran tahay oo denbigaa) leh. Markuu wacadkii dambe (kii labaad) yimid 'Waxaan soo dirnay cadowyadiinna' [6] si ay ugu dhigaan tiiraanyo ka muuqaato wajiyadiinna, oo ay u galaan masjidka Al-Aqsaa (ee Qudus ku yaal) siday markii horeba u galeen, oo ay u baabbi’iyaan wax kastoy awood u yeeshaan baabba' muuqda.
[6]. Bukhtanassar iyo ciidankiisa.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል ኢስራዕ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት