Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ዩሱፍ   አንቀፅ:
قَالَ يَٰبُنَيَّ لَا تَقۡصُصۡ رُءۡيَاكَ عَلَىٰٓ إِخۡوَتِكَ فَيَكِيدُواْ لَكَ كَيۡدًاۖ إِنَّ ٱلشَّيۡطَٰنَ لِلۡإِنسَٰنِ عَدُوّٞ مُّبِينٞ
5. (Yacquub) wuxuu yidhi: Maandhow! Ha uga qisoon riyadaada walaalahaa, si aanay kuugu dhigin shir qool iyo dabin kaa dhan ah: hubaal Shaydaanku wuxuu u yahay aadmiga cadow cad.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَكَذَٰلِكَ يَجۡتَبِيكَ رَبُّكَ وَيُعَلِّمُكَ مِن تَأۡوِيلِ ٱلۡأَحَادِيثِ وَيُتِمُّ نِعۡمَتَهُۥ عَلَيۡكَ وَعَلَىٰٓ ءَالِ يَعۡقُوبَ كَمَآ أَتَمَّهَا عَلَىٰٓ أَبَوَيۡكَ مِن قَبۡلُ إِبۡرَٰهِيمَ وَإِسۡحَٰقَۚ إِنَّ رَبَّكَ عَلِيمٌ حَكِيمٞ
6. Sidaasuu kuu dooran Rabbigaa oo kuu bari fasirka 'riyooyinka iyo' dhacdooyinka, kuuna dhammeystiri Nicmaddiisa adiga iyo reer Yacquubba, siduu ugu dhammeystiray horey aabbayaashaa Ibraahiim iyo Isxaaq. Hubaal Rabbigaa waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah (odhaah iyo fal san).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
۞ لَّقَدۡ كَانَ فِي يُوسُفَ وَإِخۡوَتِهِۦٓ ءَايَٰتٞ لِّلسَّآئِلِينَ
7. Xaqiiq Yuusuf iyo walaalihi, waxaa ugu sugan calaamooyin (waano) kuwa weydiin.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِذۡ قَالُواْ لَيُوسُفُ وَأَخُوهُ أَحَبُّ إِلَىٰٓ أَبِينَا مِنَّا وَنَحۡنُ عُصۡبَةٌ إِنَّ أَبَانَا لَفِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ
8. Markay yidhaahdeen: Yuusuf iyo walaalki [3] buu naga jecel yahay aabbaheen innagoo koox ah (toban rag ah). Hubaal aabbaheen wuu gefsan yahay.
[3]. Binyaamiin, oo ay isku hooyo ahaayeen Yuusuf c.s.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ٱقۡتُلُواْ يُوسُفَ أَوِ ٱطۡرَحُوهُ أَرۡضٗا يَخۡلُ لَكُمۡ وَجۡهُ أَبِيكُمۡ وَتَكُونُواْ مِنۢ بَعۡدِهِۦ قَوۡمٗا صَٰلِحِينَ
9. Dila Yuusuf ama ku tuura alro (uun), si uu idiinku gaar noqdo Wejiga aabbahiin, oo taasi ka dambow aad ahaataan dad wanaagsan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ قَآئِلٞ مِّنۡهُمۡ لَا تَقۡتُلُواْ يُوسُفَ وَأَلۡقُوهُ فِي غَيَٰبَتِ ٱلۡجُبِّ يَلۡتَقِطۡهُ بَعۡضُ ٱلسَّيَّارَةِ إِن كُنتُمۡ فَٰعِلِينَ
10. Hadlaa ka mid ah (Judah) baa wuxuu yidhi: Ha dilina Yusuuf ee ku tuura ceel salkiis, ha qaateen qaar safar ahe, haddaad wax falaysaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُواْ يَٰٓأَبَانَا مَا لَكَ لَا تَأۡمَ۬نَّا عَلَىٰ يُوسُفَ وَإِنَّا لَهُۥ لَنَٰصِحُونَ
11. Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaad noogu aamini la'dahay Yusuuf? Innagoo daacad u ah, wanaag la jecel.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَرۡسِلۡهُ مَعَنَا غَدٗا يَرۡتَعۡ وَيَلۡعَبۡ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَٰفِظُونَ
12. Nala dir berri si uu u miro cuno oo u cayaaro, innagaana ilaalin oo gaar ka heyn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ إِنِّي لَيَحۡزُنُنِيٓ أَن تَذۡهَبُواْ بِهِۦ وَأَخَافُ أَن يَأۡكُلَهُ ٱلذِّئۡبُ وَأَنتُمۡ عَنۡهُ غَٰفِلُونَ
13. (Yacquub) wuxuu yidhi: "Waxaa i walbahaarin inaad la tagtaan, waxaana ka cabsan inay yey cunto idinkoo mooggan".
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُواْ لَئِنۡ أَكَلَهُ ٱلذِّئۡبُ وَنَحۡنُ عُصۡبَةٌ إِنَّآ إِذٗا لَّخَٰسِرُونَ
14. Waxay yidhaahdeen: 'Hadday yey cunto innagoo waliba koox ah, markaa hubaal, waa inaanu nahay kuwo khasaaray".
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ዩሱፍ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት