Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ዩሱፍ   አንቀፅ:
يَٰبَنِيَّ ٱذۡهَبُواْ فَتَحَسَّسُواْ مِن يُوسُفَ وَأَخِيهِ وَلَا تَاْيۡـَٔسُواْ مِن رَّوۡحِ ٱللَّهِۖ إِنَّهُۥ لَا يَاْيۡـَٔسُ مِن رَّوۡحِ ٱللَّهِ إِلَّا ٱلۡقَوۡمُ ٱلۡكَٰفِرُونَ
87. Maandhooyinow! Taga oo soo wareysta arrinka Yuusuf iyo walaalki, hana ka quusannina Naxariista Alle. Hubaal cidina kama quusato Naxariista Alle aan aheyn qoloda gaalada ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَلَمَّا دَخَلُواْ عَلَيۡهِ قَالُواْ يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡعَزِيزُ مَسَّنَا وَأَهۡلَنَا ٱلضُّرُّ وَجِئۡنَا بِبِضَٰعَةٖ مُّزۡجَىٰةٖ فَأَوۡفِ لَنَا ٱلۡكَيۡلَ وَتَصَدَّقۡ عَلَيۡنَآۖ إِنَّ ٱللَّهَ يَجۡزِي ٱلۡمُتَصَدِّقِينَ
88. Markay u soo galeen (Yuusuf), waxay yidhaahdeen: Mudanow! Dhib baa na taabtay innaga iyo ehelkayagaba, waxaana la nimid badeecad liidata, ee na sii beeg dhan oo wax nagu sadaqeyso. Hubaal, Alle baa u abaal guda kuwa wax sadaqeysta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ هَلۡ عَلِمۡتُم مَّا فَعَلۡتُم بِيُوسُفَ وَأَخِيهِ إِذۡ أَنتُمۡ جَٰهِلُونَ
89. Wuxuu yidhi: Ma ogtihiin sidaad u gasheen Yuusuf iyo walaalkiis idinkoo markaas ahaa jaahiliin?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُوٓاْ أَءِنَّكَ لَأَنتَ يُوسُفُۖ قَالَ أَنَا۠ يُوسُفُ وَهَٰذَآ أَخِيۖ قَدۡ مَنَّ ٱللَّهُ عَلَيۡنَآۖ إِنَّهُۥ مَن يَتَّقِ وَيَصۡبِرۡ فَإِنَّ ٱللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجۡرَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ
90. Waxay yidhaahdeen: Adigu ma Yuusuf baa tahay? Wuxuu yidhi: Waa aniga Yuusuf, kanina waa walaalkay. Alle baa runtii noo nicmeeyey. Hubaal, kii isagu iska dhowra (xume) oo samir yeesha (waa loo abaal gudaa), hubaal Alle ma dayaco abaalka sama falayaasha.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُواْ تَٱللَّهِ لَقَدۡ ءَاثَرَكَ ٱللَّهُ عَلَيۡنَا وَإِن كُنَّا لَخَٰطِـِٔينَ
91. Waxay yidhaahdeen: Tallaahi! Waxaa runtii naga kaa doortay Alle, innaguna waa gefsaneyn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ لَا تَثۡرِيبَ عَلَيۡكُمُ ٱلۡيَوۡمَۖ يَغۡفِرُ ٱللَّهُ لَكُمۡۖ وَهُوَ أَرۡحَمُ ٱلرَّٰحِمِينَ
92. (Yuusuf) wuxuu yidhi: Canaan korkiinna ma aha maanta, Allaha idiin dembi dhaafo, Isagaana u Naxariis Badan inta naxariisata.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ٱذۡهَبُواْ بِقَمِيصِي هَٰذَا فَأَلۡقُوهُ عَلَىٰ وَجۡهِ أَبِي يَأۡتِ بَصِيرٗا وَأۡتُونِي بِأَهۡلِكُمۡ أَجۡمَعِينَ
93. Qaata shaarkaygaan oo ku tuura wajiga aabbahay, wuxuu noqon mid wax arka, oo ii keena ehelediinna oo dhan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَمَّا فَصَلَتِ ٱلۡعِيرُ قَالَ أَبُوهُمۡ إِنِّي لَأَجِدُ رِيحَ يُوسُفَۖ لَوۡلَآ أَن تُفَنِّدُونِ
94. Markuu safarkii soo ambabaxay, aabbahood wuxuu yidhi: Anigu waxaan heli caraftii Yuusuf, haddaydaan i dhaliileyn [30].
[30]. Intii la joogtay, oo ahaa qaar ka mid ah ilmahiisa ama qaraabadiisa kale.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُواْ تَٱللَّهِ إِنَّكَ لَفِي ضَلَٰلِكَ ٱلۡقَدِيمِ
95. Waxay yidhaahdeen: Tallaahi! Waxaad ku sugan tahay gefkaagii hore.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ዩሱፍ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት