Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 穆资米拉   段:

Al-muzammil

يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡمُزَّمِّلُ
1. Kani isku duuduubayow maryaha [1].
[1]. Nabiga s.c.w. waxaa la amray halkii hurda macaansiga inuu xilkaa weyn qaado oo u kaco cibaado iyo Alle bari iyo inuu dadka amro (towxiidka) iyo camalka san oo kaga digo shirkiga iyo xuma falka.
阿拉伯语经注:
قُمِ ٱلَّيۡلَ إِلَّا قَلِيلٗا
2. U kac (salaad) habeenka in yar maahee.
阿拉伯语经注:
نِّصۡفَهُۥٓ أَوِ ٱنقُصۡ مِنۡهُ قَلِيلًا
3. Barkiis ama ka nusqaami in yar.
阿拉伯语经注:
أَوۡ زِدۡ عَلَيۡهِ وَرَتِّلِ ٱلۡقُرۡءَانَ تَرۡتِيلًا
4. Amaba ka badi, oo u akhri Qur’aanka si wanaagsan oo habboon.
阿拉伯语经注:
إِنَّا سَنُلۡقِي عَلَيۡكَ قَوۡلٗا ثَقِيلًا
5. Waxaanu kugu soo dejin Hadal culus [2].
[2].Waxaa loola jeedaa Waxyiga iyo xeerarka sharciga, oo ku soo degayey Nabiga s.c.w. ee ah xil culus.
阿拉伯语经注:
إِنَّ نَاشِئَةَ ٱلَّيۡلِ هِيَ أَشَدُّ وَطۡـٔٗا وَأَقۡوَمُ قِيلًا
6. Xaqiiq, habeenka saacadahiisa (oo la tukado) baa leh khushuuc badan aadna u toosan odhaah ahaan [3].
[3]. Tafsiir kale oo aqbal ah ee isla ereyadaa waa: Hubaal kicitaanka habeenka baa sii adag.
阿拉伯语经注:
إِنَّ لَكَ فِي ٱلنَّهَارِ سَبۡحٗا طَوِيلٗا
7. Waxaad xaqiiq leedahay inta maalinta ah howl dheer.
阿拉伯语经注:
وَٱذۡكُرِ ٱسۡمَ رَبِّكَ وَتَبَتَّلۡ إِلَيۡهِ تَبۡتِيلٗا
8. Ee xus Magaca Rabbigaa, oo u ahow daacad si dhan Isagoo Keliyana u go'.
阿拉伯语经注:
رَّبُّ ٱلۡمَشۡرِقِ وَٱلۡمَغۡرِبِ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ فَٱتَّخِذۡهُ وَكِيلٗا
9. Rabbiga bariga iyo galbeedka. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Isaga ee ka dhigo wakiil (maamula arrimahaaga oo dhan).
阿拉伯语经注:
وَٱصۡبِرۡ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَٱهۡجُرۡهُمۡ هَجۡرٗا جَمِيلٗا
10. U samir waxay (gaaladu) yidhaahdaan, oo uga dheerow si qurxoon.
阿拉伯语经注:
وَذَرۡنِي وَٱلۡمُكَذِّبِينَ أُوْلِي ٱلنَّعۡمَةِ وَمَهِّلۡهُمۡ قَلِيلًا
11. Isu kaanna daa Aniga iyo kuwa beeniya (Aayadaheyga) ee nicmeysan, una sug in xoogaa ah.
阿拉伯语经注:
إِنَّ لَدَيۡنَآ أَنكَالٗا وَجَحِيمٗا
12. Xaqiiq waxaa agtannada ah jeebbado iyo dab ololaya.
阿拉伯语经注:
وَطَعَامٗا ذَا غُصَّةٖ وَعَذَابًا أَلِيمٗا
13. Iyo cunno lagu margado, iyo cadaab xanuun badan.
阿拉伯语经注:
يَوۡمَ تَرۡجُفُ ٱلۡأَرۡضُ وَٱلۡجِبَالُ وَكَانَتِ ٱلۡجِبَالُ كَثِيبٗا مَّهِيلًا
14. (Waxay ku dhici arrintaasi) Maalinta dhulka iyo buuruhu gilgilan gil-gilasho xoog leh, buuruhuna ahaan (sida) bacaad la shubay.
阿拉伯语经注:
إِنَّآ أَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡكُمۡ رَسُولٗا شَٰهِدًا عَلَيۡكُمۡ كَمَآ أَرۡسَلۡنَآ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ رَسُولٗا
15. Waxaanu xaqiiq idiin soo dirnay Rasuul markhaati idinku ah, sidaan ugu soo dirnayba Rasuul xagga Fircoon.
阿拉伯语经注:
فَعَصَىٰ فِرۡعَوۡنُ ٱلرَّسُولَ فَأَخَذۡنَٰهُ أَخۡذٗا وَبِيلٗا
16. Fircoon se wuu caasiyey Rasuulka, markaasaan qabannay qabasho daran.
阿拉伯语经注:
فَكَيۡفَ تَتَّقُونَ إِن كَفَرۡتُمۡ يَوۡمٗا يَجۡعَلُ ٱلۡوِلۡدَٰنَ شِيبًا
17. Ee sidee baad isaga celin (cadaabka), haddaad gaalowdaan Maalin ka dhigi carruurta cirroole.
阿拉伯语经注:
ٱلسَّمَآءُ مُنفَطِرُۢ بِهِۦۚ كَانَ وَعۡدُهُۥ مَفۡعُولًا
18. Samada arrinkaa darti la dildillaaci. Yabooha (Alle) waa mid abad fula.
阿拉伯语经注:
إِنَّ هَٰذِهِۦ تَذۡكِرَةٞۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلًا
19. Hubaal tani wa waano, ee qofkii doonaa ha u samaysto xagga Rabbigi jid.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 穆资米拉
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭