Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 杜哈尼   段:
إِنَّ يَوۡمَ ٱلۡفَصۡلِ مِيقَٰتُهُمۡ أَجۡمَعِينَ
40. Maalinta kala Baxa yaa u ballan ah dhammaan.
阿拉伯语经注:
يَوۡمَ لَا يُغۡنِي مَوۡلًى عَن مَّوۡلٗى شَيۡـٔٗا وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ
41. Maalintaan qaraabannimo waxba laysugu tareyn laysuna gargaareyn.
阿拉伯语经注:
إِلَّا مَن رَّحِمَ ٱللَّهُۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
42. Mid uu Alle u Naxariisto ma’ahee: hubaal waa Adkaadaha, Naxariista Badan.
阿拉伯语经注:
إِنَّ شَجَرَتَ ٱلزَّقُّومِ
43. Hubaal geedka Zaquumka,
阿拉伯语经注:
طَعَامُ ٱلۡأَثِيمِ
44. Waa cunnada denbiilaha,
阿拉伯语经注:
كَٱلۡمُهۡلِ يَغۡلِي فِي ٱلۡبُطُونِ
45. Sida laami buu ugu kar-kari caloolaha (gaalada).
阿拉伯语经注:
كَغَلۡيِ ٱلۡحَمِيمِ
46. Sida kar-karka biyo aad u kulul.
阿拉伯语经注:
خُذُوهُ فَٱعۡتِلُوهُ إِلَىٰ سَوَآءِ ٱلۡجَحِيمِ
47. (Waxaa la dhihi): Qabta (gaalka), oo u jiida Naarta bartankeeda.
阿拉伯语经注:
ثُمَّ صُبُّواْ فَوۡقَ رَأۡسِهِۦ مِنۡ عَذَابِ ٱلۡحَمِيمِ
48. Markaas ku shuba madaxiisa korkiisa cadaabka biyo kar-karaya.
阿拉伯语经注:
ذُقۡ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡكَرِيمُ
49. (Waxaa lagu dhihi): Dhadhami (Cadaabka), Waxaad (iska yeeleysay) inaad tahay adkaadaha, sharafta leh [10].
[10]. Waa sida uu sheeganayey intii uu joogay arlada. Waxaa lagu odhanayaa ereyadan digasho ahaan si loo xusuusiyo oo loo liido iyo cadaab dheeri ah ahaan.
阿拉伯语经注:
إِنَّ هَٰذَا مَا كُنتُم بِهِۦ تَمۡتَرُونَ
50. Hubaal kanu (Cadaabka) waa waxaad ka shaki qabteen oo ka doodeyseen.
阿拉伯语经注:
إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي مَقَامٍ أَمِينٖ
51. Hubaap kuwa (u) hoggaansan (Amarrada Alle) ee iska jira (xumaha) waxay ku sugnaan meel aamin ah (Janno).
阿拉伯语经注:
فِي جَنَّٰتٖ وَعُيُونٖ
52. Beero dhexdood iyo ilo.
阿拉伯语经注:
يَلۡبَسُونَ مِن سُندُسٖ وَإِسۡتَبۡرَقٖ مُّتَقَٰبِلِينَ
53. Waxay xidhan xariir jilicsan iyo mid adagba, iyagoo u fadhiya fool ka fool (si farxad iyo reyn reyn leh).
阿拉伯语经注:
كَذَٰلِكَ وَزَوَّجۡنَٰهُم بِحُورٍ عِينٖ
54. Waa sidaase, Waxaanu u guurin xuurul ceyn.
阿拉伯语经注:
يَدۡعُونَ فِيهَا بِكُلِّ فَٰكِهَةٍ ءَامِنِينَ
55. Waxay u yeedhan midho nooc kasta ah, iyagoo nabdoon [11].
[11]. Aan ka cabsaneyn inay ka dhammaadaan, oo ka cabsaneyn jirro.
阿拉伯语经注:
لَا يَذُوقُونَ فِيهَا ٱلۡمَوۡتَ إِلَّا ٱلۡمَوۡتَةَ ٱلۡأُولَىٰۖ وَوَقَىٰهُمۡ عَذَابَ ٱلۡجَحِيمِ
56. Ma ku dhadhaminayaan (jannada) dhexdeeda dhimasho aan aheyn dhimashadii hore, wuxuuna (Alle) ka dhowray cadaabka Naarta Ololka badan.
阿拉伯语经注:
فَضۡلٗا مِّن رَّبِّكَۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ
57. Waa fadli xagga Rabbigaa ah. (Arrin)kani weeye Liibaanta Weyni.
阿拉伯语经注:
فَإِنَّمَا يَسَّرۡنَٰهُ بِلِسَانِكَ لَعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ
58. Waxaan uun ugu fududaynay Qur’aanka carrabkaaga inay ku waantoobaan.
阿拉伯语经注:
فَٱرۡتَقِبۡ إِنَّهُم مُّرۡتَقِبُونَ
59. Ee dhowr (oo eeg xaalkooda); iyaguna waxay dhowrayaan (waxaad ku dambeysaan).
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 杜哈尼
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭