Check out the new design

Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub * - Mục lục các bản dịch

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Tawbah   Câu:
كَيۡفَ يَكُونُ لِلۡمُشۡرِكِينَ عَهۡدٌ عِندَ ٱللَّهِ وَعِندَ رَسُولِهِۦٓ إِلَّا ٱلَّذِينَ عَٰهَدتُّمۡ عِندَ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِۖ فَمَا ٱسۡتَقَٰمُواْ لَكُمۡ فَٱسۡتَقِيمُواْ لَهُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلۡمُتَّقِينَ
7. Sidee bay ugu lahaan karaan gaalada mushrikiinta ah axdi Alle agti iyo Rasuulkiisa aan aheyn kuwa aad kula gasheen axdiga Masjidka xurmadda leh (Kacbada)? Intay idiin toosnaadaan, idinkuna u toosnaada. Hubaal, Alle wuu jecel yahay kuwa ka cabsada (ee dhowra amarradiisa oo iska jira xumaha).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
كَيۡفَ وَإِن يَظۡهَرُواْ عَلَيۡكُمۡ لَا يَرۡقُبُواْ فِيكُمۡ إِلّٗا وَلَا ذِمَّةٗۚ يُرۡضُونَكُم بِأَفۡوَٰهِهِمۡ وَتَأۡبَىٰ قُلُوبُهُمۡ وَأَكۡثَرُهُمۡ فَٰسِقُونَ
8. Sidee (baad axdi ula yeelan) halka markay idinka awood bataan, aysan dhowrin wax xiriir ah ha ahaado mid wada dhalasho ama axdi aad leedihiin midna? Waxay idinku raalli galiyaan afafkooda, halka quluubtoodu ayan oggolaan (inay oofiyaan), intooda badanina waa caasiyaal.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
ٱشۡتَرَوۡاْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ ثَمَنٗا قَلِيلٗا فَصَدُّواْ عَن سَبِيلِهِۦٓۚ إِنَّهُمۡ سَآءَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
9. Waxay siistaan qiimo yar Aayadaha Alle, markaasay ka duwaan (dadka) Jidkiisa (Islaamka). Xumaa waxay falaan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
لَا يَرۡقُبُونَ فِي مُؤۡمِنٍ إِلّٗا وَلَا ذِمَّةٗۚ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُعۡتَدُونَ
10. Uma dhowraan mu'min qaraabinnimo iyo axdi midna. Waa kuwaa kuwa ahi xad gudbayaasha.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
فَإِن تَابُواْ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَوُاْ ٱلزَّكَوٰةَ فَإِخۡوَٰنُكُمۡ فِي ٱلدِّينِۗ وَنُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ
11. Hadday tawbad keenaan oo oogaan salaadda, bixiyaanna Sakada waa walaalihiinna diinta. Waxaanu uga dhignaa Aayadaha caddaan ciddii garasho leh.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَإِن نَّكَثُوٓاْ أَيۡمَٰنَهُم مِّنۢ بَعۡدِ عَهۡدِهِمۡ وَطَعَنُواْ فِي دِينِكُمۡ فَقَٰتِلُوٓاْ أَئِمَّةَ ٱلۡكُفۡرِ إِنَّهُمۡ لَآ أَيۡمَٰنَ لَهُمۡ لَعَلَّهُمۡ يَنتَهُونَ
12. Haddayse (gaaladu) jabiyaan dhaarahooda axdigooda kaddib, oo (si cad) u duraan diintiinna, markaa la dagaallama hoggaamiyayaasha kufriga – hubaal waa kuwo aan axdi tixgelin - waa intaasoo ay joojiyaan (colaadda ay wadaan).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أَلَا تُقَٰتِلُونَ قَوۡمٗا نَّكَثُوٓاْ أَيۡمَٰنَهُمۡ وَهَمُّواْ بِإِخۡرَاجِ ٱلرَّسُولِ وَهُم بَدَءُوكُمۡ أَوَّلَ مَرَّةٍۚ أَتَخۡشَوۡنَهُمۡۚ فَٱللَّهُ أَحَقُّ أَن تَخۡشَوۡهُ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ
13. Miyeydaan la dagaallamayn qolo burisay dhaarahooda (ballamahay idinla galeenna ka baxay) oo ku hammiyey saaridda Rasuulka, idinkuna billaabay weerarka markii hore? Miyaad ka baqeysaan? Alle baase mudan inaad ka baqdaan, haddaad tihiin mu’miniin.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
 
Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Tawbah
Mục lục các chương Kinh Số trang
 
Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub - Mục lục các bản dịch

Người dịch 'Abdullah Hassan Ya'qub.

Đóng lại