Check out the new design

Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub * - Mục lục các bản dịch

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ý nghĩa nội dung Chương Kinh: Al-Fat-h   Câu Kinh:

Alfatx

إِنَّا فَتَحۡنَا لَكَ فَتۡحٗا مُّبِينٗا
1. Waxaanu ku siinnay (Nabi Muxammadow) guul cad [1].
[1]. Al-Fatax: Furashada ama Guusha. Waxaana loola jeedaa heshiiskii Al-Xudaybiyah ee sababta u ahaa furashada Makkah iyo magaalooyin kaleba.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
لِّيَغۡفِرَ لَكَ ٱللَّهُ مَا تَقَدَّمَ مِن ذَنۢبِكَ وَمَا تَأَخَّرَ وَيُتِمَّ نِعۡمَتَهُۥ عَلَيۡكَ وَيَهۡدِيَكَ صِرَٰطٗا مُّسۡتَقِيمٗا
2. Si uu Alle kuugu dhaafo wixii horay kaaga dhacay oo denbi ah, iyo waxa dib kaaga dhici karaba, kuuguna dhammaysti- ro Nicmaddiisa, oo kuugu hanuuniyo Tub Toosan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَيَنصُرَكَ ٱللَّهُ نَصۡرًا عَزِيزًا
3. Oo kuu gargaaro Alle gargaar weyn.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
هُوَ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ ٱلسَّكِينَةَ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ لِيَزۡدَادُوٓاْ إِيمَٰنٗا مَّعَ إِيمَٰنِهِمۡۗ وَلِلَّهِ جُنُودُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمٗا
4. Alle waa Kan ku soo dejiyey xasillooni quluubta mu’miniinta, si ay iimaan ugu ziyaadsadaan iimaankoodii; Alle baana iska leh ciidammada samooyinka iyo arlada. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
لِّيُدۡخِلَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا وَيُكَفِّرَ عَنۡهُمۡ سَيِّـَٔاتِهِمۡۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عِندَ ٱللَّهِ فَوۡزًا عَظِيمٗا
5. Si uu u geliyo mu’miniinta iyo mu’minoo- yinka jannooyin (beero) ay webiyo hoos qul-qulaan iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood, oo uga tirtiro xume falkooda, (arrin)kaasina Alle agtiis waa Liibaan Weyn
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَيُعَذِّبَ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقَٰتِ وَٱلۡمُشۡرِكِينَ وَٱلۡمُشۡرِكَٰتِ ٱلظَّآنِّينَ بِٱللَّهِ ظَنَّ ٱلسَّوۡءِۚ عَلَيۡهِمۡ دَآئِرَةُ ٱلسَّوۡءِۖ وَغَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡ وَلَعَنَهُمۡ وَأَعَدَّ لَهُمۡ جَهَنَّمَۖ وَسَآءَتۡ مَصِيرٗا
6. Iyo si uu u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka ee ku maleeya malaha xun Alle, xumaanta korkooda ha ku wareegto, Alle ha u cadhoodo, hana naclado, wuxuuna u diyaariyey Naar - oo u xun meel la ahaado.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلِلَّهِ جُنُودُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًا
7. Allaah baana leh ciidammada samooyinka iyo arlada. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّآ أَرۡسَلۡنَٰكَ شَٰهِدٗا وَمُبَشِّرٗا وَنَذِيرٗا
8. Xaqiiq Annagaa (Alle ah) kuu soo dirnay (Nabi Muxammadow) inaad ahaato markhaati, bishaareeye, iyo digeba.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
لِّتُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَتُعَزِّرُوهُ وَتُوَقِّرُوهُۚ وَتُسَبِّحُوهُ بُكۡرَةٗ وَأَصِيلًا
9. Si aad (dadow) u rumeysaan Alle iyo Rasuulkiisa oo ugu gargaartaan oo aad u qaddarisaan, iyo inaad xurmo weyneysaan oo ugu tasbiixsataan subax iyo galabba.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
 
Ý nghĩa nội dung Chương Kinh: Al-Fat-h
Mục lục các chương Kinh Số trang
 
Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub - Mục lục các bản dịch

Người dịch 'Abdullah Hassan Ya'qub.

Đóng