Check out the new design

Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub * - Mục lục các bản dịch

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ý nghĩa nội dung Chương: Ghafir   Câu:
هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن تُرَابٖ ثُمَّ مِن نُّطۡفَةٖ ثُمَّ مِنۡ عَلَقَةٖ ثُمَّ يُخۡرِجُكُمۡ طِفۡلٗا ثُمَّ لِتَبۡلُغُوٓاْ أَشُدَّكُمۡ ثُمَّ لِتَكُونُواْ شُيُوخٗاۚ وَمِنكُم مَّن يُتَوَفَّىٰ مِن قَبۡلُۖ وَلِتَبۡلُغُوٓاْ أَجَلٗا مُّسَمّٗى وَلَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ
67. (Alle) waa Kan idinka abuuray carro, haddana dhibic mino ah, haddana xinjir, haddana wuxuu idin soo bixiyaa idinkoo ilmo ah, haddana (idinka yeelaa inaad kortaan) si aad u gaadhaan da'da xooggiinna dhan, haddana si aad u noqotaan odayo da’ ah, waxaase jira qaar idinka mid ah oo la oofsado intaas ka hor, iyo inaad gaadhaan muddo magacaaban [13] inaad garataan (inuusan jirin cid kaloo mudan cibaado Isaga Alle mooyaane).
[13]. Waa waqtiga loo qabtay dhimashadiinna.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
هُوَ ٱلَّذِي يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۖ فَإِذَا قَضَىٰٓ أَمۡرٗا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ
68. (Alle) waa Kan wax nooleeya, waxna dhinsiiya, markuu arrin guddoomiyo wuxuu uun ku yidhaahdaa: Ahow, wuuna yahay.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ يُجَٰدِلُونَ فِيٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ أَنَّىٰ يُصۡرَفُونَ
69. Miyaadan arag kuwaa ka dooda Aayadaha Alle: Xaggee baa loo iilay?
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِٱلۡكِتَٰبِ وَبِمَآ أَرۡسَلۡنَا بِهِۦ رُسُلَنَاۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
70. Kuwa beeniyay Kitaabka (Qur’aanka) iyo waxa aan la soo dirnay Rusushayada, wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِذِ ٱلۡأَغۡلَٰلُ فِيٓ أَعۡنَٰقِهِمۡ وَٱلسَّلَٰسِلُ يُسۡحَبُونَ
71. Marka mareegyada birta ah iyo silsiladaha la yeelo luqumahooda; waxaa lagu jiidi.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
فِي ٱلۡحَمِيمِ ثُمَّ فِي ٱلنَّارِ يُسۡجَرُونَ
72. Biyo kulul oo karaya dhexdood, haddana Naar baa laga buuxin oo hurin.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
ثُمَّ قِيلَ لَهُمۡ أَيۡنَ مَا كُنتُمۡ تُشۡرِكُونَ
73. Markaas baa lagu odhan, Meeye waxaad u shariik yeeli jirteen?
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
مِن دُونِ ٱللَّهِۖ قَالُواْ ضَلُّواْ عَنَّا بَل لَّمۡ نَكُن نَّدۡعُواْ مِن قَبۡلُ شَيۡـٔٗاۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ ٱلۡكَٰفِرِينَ
74. Alle ka sokow? Waxay odhan: Way naga tageen: mayee, umaba aanu yeedhan jirin waxna kal hore. Sidaasuu Alle u lumiyaa gaalada.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
ذَٰلِكُم بِمَا كُنتُمۡ تَفۡرَحُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّ وَبِمَا كُنتُمۡ تَمۡرَحُونَ
75. (Cadaab)kaasi waxaa idiinku wacan waxaad ugu farxi jirteen dhulka dhexdiisa xaq darro iyo waxaad la kibri jirteen.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
ٱدۡخُلُوٓاْ أَبۡوَٰبَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَاۖ فَبِئۡسَ مَثۡوَى ٱلۡمُتَكَبِّرِينَ
76. Gala albaabbada Naarta idinkoo ku waaraya dhexdeeda. Maxay meel baas tahay rugta isla weynayaasha.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
فَٱصۡبِرۡ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞۚ فَإِمَّا نُرِيَنَّكَ بَعۡضَ ٱلَّذِي نَعِدُهُمۡ أَوۡ نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِلَيۡنَا يُرۡجَعُونَ
77. Ee samir (adkayso Nabiyow), hubaal Ballan qaadka Alle waa Xaq, oo haddaanu ku tusinno qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno, ama aan ku oofsanno (intaas ka hor),waa Xaggayaga halka loo soo celin.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
 
Ý nghĩa nội dung Chương: Ghafir
Mục lục các chương Kinh Số trang
 
Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub - Mục lục các bản dịch

Người dịch 'Abdullah Hassan Ya'qub.

Đóng lại