Check out the new design

Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub * - Mục lục các bản dịch

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ý nghĩa nội dung Chương: Ali 'Imran   Câu:
ٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَآ إِنَّنَآ ءَامَنَّا فَٱغۡفِرۡ لَنَا ذُنُوبَنَا وَقِنَا عَذَابَ ٱلنَّارِ
16. Kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Waanu rumeynay (Xaqa), ee noo dhaaf dunuubtayada, nagana dhowr cadaabka Naarta.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
ٱلصَّٰبِرِينَ وَٱلصَّٰدِقِينَ وَٱلۡقَٰنِتِينَ وَٱلۡمُنفِقِينَ وَٱلۡمُسۡتَغۡفِرِينَ بِٱلۡأَسۡحَارِ
17. Ee ah kuwa samra, runlowyada ah, adeeca Alle, oo wax sadaqaysta, oo (Alle) weydiista denbi dhaaf waqtiyada suxuurta.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
شَهِدَ ٱللَّهُ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ وَأُوْلُواْ ٱلۡعِلۡمِ قَآئِمَۢا بِٱلۡقِسۡطِۚ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
18. Alle wuxuu marag ka yahay inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, malaa’igtuna (sidoo kale bay ka marag kacaan) iyo kuwa cilmiga leh; Wuxuu (Alle) ku maamulaa uunkiisa si caddaalad ah. Ma jiro Ilaah xaq ah aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Xakiimka ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّ ٱلدِّينَ عِندَ ٱللَّهِ ٱلۡإِسۡلَٰمُۗ وَمَا ٱخۡتَلَفَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلۡعِلۡمُ بَغۡيَۢا بَيۡنَهُمۡۗ وَمَن يَكۡفُرۡ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلۡحِسَابِ
19. Hubaal diinta Xaqa ahi Alle agtiisa waa Islaamka. Ismana khilaafin kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) markuu u yimid cilmiga mooyee, xasad dhexdooda ah darti. Qofkii ku gaalooba Aayadaha Alle, hubaal Alle waa degdeg xisaabtiisu dhaqso ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
فَإِنۡ حَآجُّوكَ فَقُلۡ أَسۡلَمۡتُ وَجۡهِيَ لِلَّهِ وَمَنِ ٱتَّبَعَنِۗ وَقُل لِّلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡأُمِّيِّـۧنَ ءَأَسۡلَمۡتُمۡۚ فَإِنۡ أَسۡلَمُواْ فَقَدِ ٱهۡتَدَواْۖ وَّإِن تَوَلَّوۡاْ فَإِنَّمَا عَلَيۡكَ ٱلۡبَلَٰغُۗ وَٱللَّهُ بَصِيرُۢ بِٱلۡعِبَادِ
20. Hadday kula doodaan dheh: Waxaan anigu isugu dhiibay si dhan oo u hoggaansanahay Alle, waana sidaas qofkii I raaca. Ku dheh kuwa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo kuwa ah mushrikiinta:Miyaad hoggaansameysaan? [4]. Hadday hoggaansamaan, markaa waa hanuunsan yihiin; haddayse (ka) jeesadaan (Iimaanka), waxaa uun ku saaran Gaarsiin cad (ee Xaqa) lagula soo diray. Alle wuu arkaa addoomahiisa.
[4]. Marba hadday hoggaansamaan dadka ehlu kitaabka waxaa loo dhowraa xuquuqdooda iyo sharaftooda inkastoo ay jirto diiddadooda Xaqa, waase inay bixiyaan jizyo halkii sakada iyo difaaca laga rabo muslimiinta. Kaddib waxaa mas’uul ka ah ilaalintooda dawladda Islaamka.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَكۡفُرُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَيَقۡتُلُونَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ بِغَيۡرِ حَقّٖ وَيَقۡتُلُونَ ٱلَّذِينَ يَأۡمُرُونَ بِٱلۡقِسۡطِ مِنَ ٱلنَّاسِ فَبَشِّرۡهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ
21. Hubaal kuwa ku gaalooba Aayadaha Alle, oo u dila Nabiyada xaq darro, oo dila kuwa amra caddaaladda ee dadka ka mid ah [5]. Ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
[5]. Waxaa la weydiiyey Nabiga s.c.w. yaa dadka ugu cadaab daran Maalinta Qiyaamaha. Wuxuu yidhi: Qof dilay Nabi ama dilay qof faraya wanaag oo ka reebaya xumaan. W.w. Ibnu Abii Xaatim.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ حَبِطَتۡ أَعۡمَٰلُهُمۡ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِ وَمَا لَهُم مِّن نَّٰصِرِينَ
22. Kuwaas waa kuwa ay burtay acmaashooda adduun iyo Aakhiraba, mana laha wax u soo gargaari (Aakhirada).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
 
Ý nghĩa nội dung Chương: Ali 'Imran
Mục lục các chương Kinh Số trang
 
Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub - Mục lục các bản dịch

Người dịch 'Abdullah Hassan Ya'qub.

Đóng lại