Check out the new design

Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub * - Mục lục các bản dịch

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Baqarah   Câu:
وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱتَّبِعُواْ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ قَالُواْ بَلۡ نَتَّبِعُ مَآ أَلۡفَيۡنَا عَلَيۡهِ ءَابَآءَنَآۚ أَوَلَوۡ كَانَ ءَابَآؤُهُمۡ لَا يَعۡقِلُونَ شَيۡـٔٗا وَلَا يَهۡتَدُونَ
170. Marka (gaalada) lagu yidhaahdo, raaca waxa uu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah, waxay yidhaahdaan: Mayee! Waxaanu raaci waxaan ka hellay aabbayaashayo. Ma walow aanay aabbayaashood waxba garaneyn, oo ayan hanuunsanayn.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَمَثَلُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ كَمَثَلِ ٱلَّذِي يَنۡعِقُ بِمَا لَا يَسۡمَعُ إِلَّا دُعَآءٗ وَنِدَآءٗۚ صُمُّۢ بُكۡمٌ عُمۡيٞ فَهُمۡ لَا يَعۡقِلُونَ
171. Mataalka gaalada waa sida mataalka mid u dhawaaqa (xoolo) aan maqlayn waxaan ahayn qaylo iyo dhawaaq. Waa kuwo (gaalada Xaqa ka) dhego la’, af la’, oo indho la’. Marka ma garowsadaan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ كُلُواْ مِن طَيِّبَٰتِ مَا رَزَقۡنَٰكُمۡ وَٱشۡكُرُواْ لِلَّهِ إِن كُنتُمۡ إِيَّاهُ تَعۡبُدُونَ
172. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan [36] oo aan idinku galladeysannay, una mahad naqa Alle, hadduu Isagu yahay Kan aad caabuddaan.
[36]. Xadiis wuxuu leeyahay: “Alle wuu wanaagsan yahay, mana aqbalo waxaan ahayn wax xalaal lagu shaqeystey oo wanaagsan”.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّمَا حَرَّمَ عَلَيۡكُمُ ٱلۡمَيۡتَةَ وَٱلدَّمَ وَلَحۡمَ ٱلۡخِنزِيرِ وَمَآ أُهِلَّ بِهِۦ لِغَيۡرِ ٱللَّهِۖ فَمَنِ ٱضۡطُرَّ غَيۡرَ بَاغٖ وَلَا عَادٖ فَلَآ إِثۡمَ عَلَيۡهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٌ
173. Wuxuu uun idinka xaaraameeyay xoolaha iskood u dhinta (baqtiga), dhiig, hilib doofaar, iyo waxaa dushooda lagu xusay magac kale aan ahayn kaa Alle. Qofkiise ay dani ku qabato isagoo aanan dooneyn oo aan xad gudbeyn, ma jiro wax denbi ah oo saaran korkiisa. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَكۡتُمُونَ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلۡكِتَٰبِ وَيَشۡتَرُونَ بِهِۦ ثَمَنٗا قَلِيلًا أُوْلَٰٓئِكَ مَا يَأۡكُلُونَ فِي بُطُونِهِمۡ إِلَّا ٱلنَّارَ وَلَا يُكَلِّمُهُمُ ٱللَّهُ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَلَا يُزَكِّيهِمۡ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٌ
174. Xaqiiq kuwa qariya waxa Alle soo dejiyey oo Kitaabka ah, siistana qiimo yar, kuwaas ma cunaan oo geliyaan caloolahooda waxaan dab ahayn. Alle lama hadlayo Maalinta Qiyaame, mana daahirinayo, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ ٱشۡتَرَوُاْ ٱلضَّلَٰلَةَ بِٱلۡهُدَىٰ وَٱلۡعَذَابَ بِٱلۡمَغۡفِرَةِۚ فَمَآ أَصۡبَرَهُمۡ عَلَى ٱلنَّارِ
175. Kuwaa weeye kuwa iibsada habow halkii Hanuunka, iyo cadaab halkii Denbi Dhaafka. Ee ku dhiirranaa (denbiyada lagu galo) Naarta dabka 'aan dameyn' ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ نَزَّلَ ٱلۡكِتَٰبَ بِٱلۡحَقِّۗ وَإِنَّ ٱلَّذِينَ ٱخۡتَلَفُواْ فِي ٱلۡكِتَٰبِ لَفِي شِقَاقِۭ بَعِيدٖ
176. Arrinkaasi waxaa ugu wacan in Alle u soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka) Xaq. Kuwase isku khilaafa Kitaabka waxay ku sugan yihiin khilaaf fog.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
 
Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Baqarah
Mục lục các chương Kinh Số trang
 
Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub - Mục lục các bản dịch

Người dịch 'Abdullah Hassan Ya'qub.

Đóng lại