Check out the new design

قۇرئان كەرىم مەنىلىرىنىڭ تەرجىمىسى - سۇمالىيچە تەرجىمىسى-ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ. * - تەرجىمىلەر مۇندەرىجىسى

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

مەنالار تەرجىمىسى سۈرە: كەھپ   ئايەت:
إِنَّا مَكَّنَّا لَهُۥ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَءَاتَيۡنَٰهُ مِن كُلِّ شَيۡءٖ سَبَبٗا
84. Waxaan ku awood siinnay dhulka, waxaana u siinnay wax walba sabab
(cilmi).
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
فَأَتۡبَعَ سَبَبًا
85. Wuxuu raacay waddo.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ مَغۡرِبَ ٱلشَّمۡسِ وَجَدَهَا تَغۡرُبُ فِي عَيۡنٍ حَمِئَةٖ وَوَجَدَ عِندَهَا قَوۡمٗاۖ قُلۡنَا يَٰذَا ٱلۡقَرۡنَيۡنِ إِمَّآ أَن تُعَذِّبَ وَإِمَّآ أَن تَتَّخِذَ فِيهِمۡ حُسۡنٗا
86. Ilaa, markuu gaaray meeshay u dhacdo qorraxdu, wuxuu helay iyadoo ku dhaceysa il dhoobo madow ah [18], oo ka helay agteeda qolo. Waxaanu nidhi: Dul Qarnaynow! Ama waa inaad cadaabto (hadday diidaan inay Xaqa rumeeyaan) ama u axsaan fasho (oo barto Islaamka).
[18]. Macno kale waa il biyo kulul.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
قَالَ أَمَّا مَن ظَلَمَ فَسَوۡفَ نُعَذِّبُهُۥ ثُمَّ يُرَدُّ إِلَىٰ رَبِّهِۦ فَيُعَذِّبُهُۥ عَذَابٗا نُّكۡرٗا
87. Wuxuu yidhi: Qofkii dulmi fala 'oo fallaagooba' [19], waa aanu cadaabi (dili), haddana waxaa loo celin xagga Rabbigiis; wuxuuna ku cadaabi cadaab daran.
[19]. Ku adkeysta shirki, gaalnimo, denbi, iwm oo aan dooneyn inuu hanuuno oo qaato Islaamka.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
وَأَمَّا مَنۡ ءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَلَهُۥ جَزَآءً ٱلۡحُسۡنَىٰۖ وَسَنَقُولُ لَهُۥ مِنۡ أَمۡرِنَا يُسۡرٗا
88. Qofkii se (Xaqa) rumeeya oo sama fala, wuxuu leeyahay abaal gud wanaagsan (Janno). Waxaana kula hadli ereyo nugul oo amarkayaga ah.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
ثُمَّ أَتۡبَعَ سَبَبًا
89. Markaasuu raacay waddo (kale),
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ مَطۡلِعَ ٱلشَّمۡسِ وَجَدَهَا تَطۡلُعُ عَلَىٰ قَوۡمٖ لَّمۡ نَجۡعَل لَّهُم مِّن دُونِهَا سِتۡرٗا
90. Ilaa markuu gaaray meeshay ka soo baxdo qorraxda wuxuu helay iyadoo ay u soo baxaysa qolo aynu siin wax ay isaga asturaan [20].
[20]. Dad masaakiin ah aan waxba heysan.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
كَذَٰلِكَۖ وَقَدۡ أَحَطۡنَا بِمَا لَدَيۡهِ خُبۡرٗا
91. Sidaas weeyee! Waxaana ku koobnay ogaansho waxa uu heystay.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
ثُمَّ أَتۡبَعَ سَبَبًا
92. Markaasuu raacay waddo (kale),
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ بَيۡنَ ٱلسَّدَّيۡنِ وَجَدَ مِن دُونِهِمَا قَوۡمٗا لَّا يَكَادُونَ يَفۡقَهُونَ قَوۡلٗا
93. Ilaa markuu gaaray (meel) labo buurood dhexdooda ah; wuxuu sokodooda ka helay qolo dhib ku fahma hadalba [21].
[21]. Waxay ahaayeen dad aan garaneyn af aan ahayn afkooda, waayo afkooda wuu ka duwanaa afafka qeyrkood, mana caddeyn karin muraadkooda aqoon yari darteed.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
قَالُواْ يَٰذَا ٱلۡقَرۡنَيۡنِ إِنَّ يَأۡجُوجَ وَمَأۡجُوجَ مُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَهَلۡ نَجۡعَلُ لَكَ خَرۡجًا عَلَىٰٓ أَن تَجۡعَلَ بَيۡنَنَا وَبَيۡنَهُمۡ سَدّٗا
94. Waxay yidhaahdeen: Dul Qarnaynow! Waxay Yuug iyo yamaayuug [22] ku falaan fasahaad arlada. Ee ma kuu yeellaa kharash waxaase shardi ah inaad yeesho dhexdeenna innaga iyo iyaga xidh gidaar ah?
[22]. Ya’juuj iyo Ma’juuj waa labo qolo oo waxshi ah oo deggan qaybo ballaaran oo ka mid ah Aasiyada dhexe, kuwaasoo fala nooc kasta oo fasahaad ah.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
قَالَ مَا مَكَّنِّي فِيهِ رَبِّي خَيۡرٞ فَأَعِينُونِي بِقُوَّةٍ أَجۡعَلۡ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُمۡ رَدۡمًا
95. Wuxuu yidhi: Wuxuu awood I siiyey Rabbigay baa igu filan oo khayr roon, ee igu caawiya xoog (shaqaale) waxaan yeeli moos xir weyn dhexdiinna idinka iyo iyaga.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
ءَاتُونِي زُبَرَ ٱلۡحَدِيدِۖ حَتَّىٰٓ إِذَا سَاوَىٰ بَيۡنَ ٱلصَّدَفَيۡنِ قَالَ ٱنفُخُواْۖ حَتَّىٰٓ إِذَا جَعَلَهُۥ نَارٗا قَالَ ءَاتُونِيٓ أُفۡرِغۡ عَلَيۡهِ قِطۡرٗا
96. Ii keena goosimo bir ah; jeer markuu simay dhinacyada labada buurood dhexdooda, wuxuu yidhi: Buufiya, ilaa markuu ka yeelay (sida) dab, wuxuu yidhi: Ii keena maar la dhalaaliyey aan ku shubee.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
فَمَا ٱسۡطَٰعُوٓاْ أَن يَظۡهَرُوهُ وَمَا ٱسۡتَطَٰعُواْ لَهُۥ نَقۡبٗا
97. Ma ay karin (Ya'juuj iyo Ma'juuj) inay ka soo kor baxaan mana karin inay duleeliyaan.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
 
مەنالار تەرجىمىسى سۈرە: كەھپ
سۈرە مۇندەرىجىسى بەت نومۇرى
 
قۇرئان كەرىم مەنىلىرىنىڭ تەرجىمىسى - سۇمالىيچە تەرجىمىسى-ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ. - تەرجىمىلەر مۇندەرىجىسى

ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ تەرجىمە قىلغان.

تاقاش