Check out the new design

Kur'an-ı Kerim meal tercümesi - Somalice Tercüme - Abdullah Hasan Yakup * - Mealler fihristi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Anlam tercümesi Sure: Sûratu'l-Ahzâb   Ayet:

Al-axzaab

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ ٱتَّقِ ٱللَّهَ وَلَا تُطِعِ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقِينَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمٗا
1. Nabiyow! Ku sugnow ka cabsashada Alle (iyo caabuddidi), ha adeecinna gaalada iyo munaafiqiinta. Hubaal, Alle waa wax kasta Ogsoone, Xikmad Badan.
Arapça tefsirler:
وَٱتَّبِعۡ مَا يُوحَىٰٓ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٗا
2. Raac waxa laguu waxyoodo ee kaaga yimaada Rabbigaa. Hubaal, Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
Arapça tefsirler:
وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلٗا
3. Oo talo saaro Alle, Alle ku Filan wakiil (taliye) ahaan.
Arapça tefsirler:
مَّا جَعَلَ ٱللَّهُ لِرَجُلٖ مِّن قَلۡبَيۡنِ فِي جَوۡفِهِۦۚ وَمَا جَعَلَ أَزۡوَٰجَكُمُ ٱلَّٰٓـِٔي تُظَٰهِرُونَ مِنۡهُنَّ أُمَّهَٰتِكُمۡۚ وَمَا جَعَلَ أَدۡعِيَآءَكُمۡ أَبۡنَآءَكُمۡۚ ذَٰلِكُمۡ قَوۡلُكُم بِأَفۡوَٰهِكُمۡۖ وَٱللَّهُ يَقُولُ ٱلۡحَقَّ وَهُوَ يَهۡدِي ٱلسَّبِيلَ
4. Uma yeelin Alle ninna labo qalbi oo ku jira gudahiisa, kamana yeelin xaasaskiinna aad ku sheegtaan inay idinka yihiin xaaraan sida hooyooyinkiin, hooyooyinkiin oo kale [1], kamana uu dhigin kuwaad u soo korsateen ilmahiinna ahaan inay la mid yihiin ilmahiinna runta ah aad dhasheen [2]. Taasi wax kale maahee waa hadal uun aad ka tidhaahdaan afka. Alle wuxuu ku hadlaa runta, Isagaana wax ku hanuunsha Jidka (Toosan ee Islaamka).
[1]. Waa ninka oo ku yidhaahda xaaskiisa waxaad iga tahay hooyaday oo kale, waxayna sidaas xaaska kaga noqoneysey ninkeeda xaaraan abadki. Waxaase lagu nasakhay Islaamka, waxayna xaaska u noqon xalaal kaddib markuu baxsho kafaaro gudka lagu xusay Suuradda 58: Aayadaha 3-4.
[2]. Carruurta aad idinka koriseen oo dar yeesheen. Mowla waa addoonka la xoreeyey ama uu abbaankiisa ka dhigtay wiil uu dhalay ahaan, sida Saalim, wuxuu ka dhigtay Xudayfa wiilkiisa oo kale, waxaana loo yiqiin mowlaa Xudeyfa.
Arapça tefsirler:
ٱدۡعُوهُمۡ لِأٓبَآئِهِمۡ هُوَ أَقۡسَطُ عِندَ ٱللَّهِۚ فَإِن لَّمۡ تَعۡلَمُوٓاْ ءَابَآءَهُمۡ فَإِخۡوَٰنُكُمۡ فِي ٱلدِّينِ وَمَوَٰلِيكُمۡۚ وَلَيۡسَ عَلَيۡكُمۡ جُنَاحٞ فِيمَآ أَخۡطَأۡتُم بِهِۦ وَلَٰكِن مَّا تَعَمَّدَتۡ قُلُوبُكُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمًا
5. Ugu abtiriya (ilmahaas aad soo korsateen uun) aabbayaashood dhalay, sidaasaa caddaaladsan Alle agtiisa. Haddiise aydaan garanayn aabbayaashood, waa walaalihiin diinta iyo kuwaad ka xoreyseen addoonnimada 'aad xidhiidhka adag wadaagtaan iyo isu hiillinta,' kumana lihidin eed wixii gef idiinka dhaca, (waxaase eed ku leedihiin waxay) kas iyo ula kac u sameeyaan quluubtiinnu [3]. Alle waa Denbi dhaaf Badane, Naxariis Badan.
[3]. Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: “Alle kor ahaaye wuxuu ummaddan ka saamaxay wixii uga dhaca gef aan ula kac ahayn, hilmaanka, iyo wixii lagu qasbo.”
Arapça tefsirler:
ٱلنَّبِيُّ أَوۡلَىٰ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ مِنۡ أَنفُسِهِمۡۖ وَأَزۡوَٰجُهُۥٓ أُمَّهَٰتُهُمۡۗ وَأُوْلُواْ ٱلۡأَرۡحَامِ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلَىٰ بِبَعۡضٖ فِي كِتَٰبِ ٱللَّهِ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُهَٰجِرِينَ إِلَّآ أَن تَفۡعَلُوٓاْ إِلَىٰٓ أَوۡلِيَآئِكُم مَّعۡرُوفٗاۚ كَانَ ذَٰلِكَ فِي ٱلۡكِتَٰبِ مَسۡطُورٗا
6.Nabiga isagaa uga xaq leh mu’miniinta nafahooda [4], xaasaskiisuna waa hooyooyinkood (oo kale). Qaraabaduna iyagaa qaarkood qaarka kale kaga mudan oo xaq leh (dhaxalka) Kitaabka Alle xagga mu’miniinta (kale) iyo (xagga) muhaajiriinta, in maahee aad u fashaan wanaag saaxiibbadiin, kaasi wuxuu ku qoran yahay Kitaabka [5].
[4]. Nabiga s.c.w. baa sii mudan in la maqlo oo daacad loo ahaado. Mu’miniinta dhabta ahna waxay jecel yihiin Nabiga s.c.w. wax ka badan nafahooda arrin kasta oo la soo gudboonaada.
[5]. Waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka. Waxaa halkan loola jeedaa siismada cidaan waraso ahayn in loo dardaarmo wax aan ka badneyn seddex meeloodoo meel dhaxalka laga tagey.
Arapça tefsirler:
 
Anlam tercümesi Sure: Sûratu'l-Ahzâb
Surelerin fihristi Sayfa numarası
 
Kur'an-ı Kerim meal tercümesi - Somalice Tercüme - Abdullah Hasan Yakup - Mealler fihristi

Abdullah Hasan Yakup tarafından tercüme edilmiştir.

Kapat