Check out the new design

Kur'an-ı Kerim Meal Tercümesi - Somalice Tercüme - Abdullah Hasan Yakup * - Mealler Fihristi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Meal Tercümesi Sure: Sûratu Âl-i İmrân   Ayet:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن تُطِيعُواْ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يَرُدُّوكُمۡ عَلَىٰٓ أَعۡقَٰبِكُمۡ فَتَنقَلِبُواْ خَٰسِرِينَ
149. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad adeecdaan gaalada, waxay dib idiinku celin cirbihiinna, markaas waxaad soo guddoomi idinkoo khasaaro ku sugan [28].
[28]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Anigu barii baan ka ahay muslim kasta oo ku nool gaalo dhexdood. Waxay yidhaahdeen: Rasuul Allow? Sidee? Wuxuu yidhi: Waa inay is arkin labadooda dab. W.w. Abuu Daawuud.
Arapça Tefsirler:
بَلِ ٱللَّهُ مَوۡلَىٰكُمۡۖ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلنَّٰصِرِينَ
150. Mayee! Alle baa ah Gargaarihiin, Isagaana u wanaagsan gargaarayaasha.
Arapça Tefsirler:
سَنُلۡقِي فِي قُلُوبِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱلرُّعۡبَ بِمَآ أَشۡرَكُواْ بِٱللَّهِ مَا لَمۡ يُنَزِّلۡ بِهِۦ سُلۡطَٰنٗاۖ وَمَأۡوَىٰهُمُ ٱلنَّارُۖ وَبِئۡسَ مَثۡوَى ٱلظَّٰلِمِينَ
151. Waxaan ku tuuri argagax quluubta kuwa gaalooba, sababta la wadaajintooda Alle waxaas uusan u soo dejin wax xujo ah; hoygooduna waa Naar. Xumaa hoyga daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
Arapça Tefsirler:
وَلَقَدۡ صَدَقَكُمُ ٱللَّهُ وَعۡدَهُۥٓ إِذۡ تَحُسُّونَهُم بِإِذۡنِهِۦۖ حَتَّىٰٓ إِذَا فَشِلۡتُمۡ وَتَنَٰزَعۡتُمۡ فِي ٱلۡأَمۡرِ وَعَصَيۡتُم مِّنۢ بَعۡدِ مَآ أَرَىٰكُم مَّا تُحِبُّونَۚ مِنكُم مَّن يُرِيدُ ٱلدُّنۡيَا وَمِنكُم مَّن يُرِيدُ ٱلۡأٓخِرَةَۚ ثُمَّ صَرَفَكُمۡ عَنۡهُمۡ لِيَبۡتَلِيَكُمۡۖ وَلَقَدۡ عَفَا عَنكُمۡۗ وَٱللَّهُ ذُو فَضۡلٍ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
152. Dhabtii Alle wuu idiin oofiyey Ballankiisii, markaad ku leyseen (cadowgiinna) Idankiisa, ilaa markaad qalbi jabteen oo aad isku qabsateen arrinka, oo aad caasideen [29] kaddib markuu idin tusiyey waxaad jeceshihiin. Waxaa idinka mid ahaa qaar rabay adduunyadan, waxaana idinka mid ahaa qaar rabay Aakhirada. Markaasuu idinka jeediyey xaggeeda, si uu idiin imtixaano. Dhabtiina wuu idiin cafiyey. Alle wuu u Roon yahay mu`miniinta.
[29]. Ganayaashii wixii uu amray Nabiga s.c.w oo ahaa inay ku sugnaadaan meeshooda la amray wax kastoo dhaca.
Arapça Tefsirler:
۞ إِذۡ تُصۡعِدُونَ وَلَا تَلۡوُۥنَ عَلَىٰٓ أَحَدٖ وَٱلرَّسُولُ يَدۡعُوكُمۡ فِيٓ أُخۡرَىٰكُمۡ فَأَثَٰبَكُمۡ غَمَّۢا بِغَمّٖ لِّكَيۡلَا تَحۡزَنُواْ عَلَىٰ مَا فَاتَكُمۡ وَلَا مَآ أَصَٰبَكُمۡۗ وَٱللَّهُ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ
153. Markaad cararteen idinkoo xiimaya aan cidna jalleeceyn, Rasuulkuna uu idiinka dhawaaqayey gadaashiinna [30], markaasuu Wuxuu idinku abaal mariyey hammi kale halkii hammigiinna [31], si aydaan uga murugoon waxa idin dhaafay, iyo waxa idinku dhacay midna. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
[30]. Muslimiinta kuma ayan guuleysan inay ka adkaadaan.
[31]. Waxay muslimiintii ka xumaadeen inayan adeecin amarka Rasuulka s.c.w. taasoo ahayd sababta jabkooda. Marka hammiga hore wuxuu ahaa jabka loo geystey, hammiga kalena markii la yidhi waa la dilay Rasuulka Alle, taasoo uga darneyd jabkii soo gaaray.
Arapça Tefsirler:
 
Meal Tercümesi Sure: Sûratu Âl-i İmrân
Sureler Fihristi Sayfa numarası
 
Kur'an-ı Kerim Meal Tercümesi - Somalice Tercüme - Abdullah Hasan Yakup - Mealler Fihristi

Abdullah Hasan Yakup tarafından tercüme edilmiştir.

Kapat