Check out the new design

Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob * - Indise ng mga Salin

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Salin ng mga Kahulugan Surah: An-Noor   Ayah:
وَإِذَا بَلَغَ ٱلۡأَطۡفَٰلُ مِنكُمُ ٱلۡحُلُمَ فَلۡيَسۡتَـٔۡذِنُواْ كَمَا ٱسۡتَـٔۡذَنَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمۡ ءَايَٰتِهِۦۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٞ
59. Markay carruurtiinna qaan gaadhaan, ha idin weydiistaan idan, sida kuwii ka horreeyeyba ay idan u qaataan [33]. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadihiisa. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
[33]. Waa kuwii ka weynaa da’ ahaan ay idan u qaataan. Wiilka kurayga ah ama addoonka waa inuu idan qaato ka hor soo gelidda qolka.
Ang mga Tafsir na Arabe:
وَٱلۡقَوَٰعِدُ مِنَ ٱلنِّسَآءِ ٱلَّٰتِي لَا يَرۡجُونَ نِكَاحٗا فَلَيۡسَ عَلَيۡهِنَّ جُنَاحٌ أَن يَضَعۡنَ ثِيَابَهُنَّ غَيۡرَ مُتَبَرِّجَٰتِۭ بِزِينَةٖۖ وَأَن يَسۡتَعۡفِفۡنَ خَيۡرٞ لَّهُنَّۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٞ
60. Dumarka gaboobay ee ka fadhiistay (quustay dhalmada) ee aan rajaynin guur, ma saarna denbi hadday iska dhigaan (khafiifiyaan) maryahooda dusha kore ah [34] iyagoon isku muujineyn inay is qurxiyaan. Inay isdhowraan [35] baa u khayr badan. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
[34]. Xijaabka (cabbaayada) ay dusha ka xirtaan ee hadday iska dhigaan aanay muuqaneyn cowradooda bal uu kaga hooseeyo canbuur astura, iwm dhib ma leh xagga dumarka da’da ah ee duqoobay inayan dedin luqumahooda ama qayb ka mid ah gacmahooda.
[35]. Oo xijaabkooda kore dhigin oo wejiga dabooshaan.
Ang mga Tafsir na Arabe:
لَّيۡسَ عَلَى ٱلۡأَعۡمَىٰ حَرَجٞ وَلَا عَلَى ٱلۡأَعۡرَجِ حَرَجٞ وَلَا عَلَى ٱلۡمَرِيضِ حَرَجٞ وَلَا عَلَىٰٓ أَنفُسِكُمۡ أَن تَأۡكُلُواْ مِنۢ بُيُوتِكُمۡ أَوۡ بُيُوتِ ءَابَآئِكُمۡ أَوۡ بُيُوتِ أُمَّهَٰتِكُمۡ أَوۡ بُيُوتِ إِخۡوَٰنِكُمۡ أَوۡ بُيُوتِ أَخَوَٰتِكُمۡ أَوۡ بُيُوتِ أَعۡمَٰمِكُمۡ أَوۡ بُيُوتِ عَمَّٰتِكُمۡ أَوۡ بُيُوتِ أَخۡوَٰلِكُمۡ أَوۡ بُيُوتِ خَٰلَٰتِكُمۡ أَوۡ مَا مَلَكۡتُم مَّفَاتِحَهُۥٓ أَوۡ صَدِيقِكُمۡۚ لَيۡسَ عَلَيۡكُمۡ جُنَاحٌ أَن تَأۡكُلُواْ جَمِيعًا أَوۡ أَشۡتَاتٗاۚ فَإِذَا دَخَلۡتُم بُيُوتٗا فَسَلِّمُواْ عَلَىٰٓ أَنفُسِكُمۡ تَحِيَّةٗ مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِ مُبَٰرَكَةٗ طَيِّبَةٗۚ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمُ ٱلۡأٓيَٰتِ لَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ
61. Ma saarna wax denbi ah Indhoolaha, iyo laan garaha, iyo bukaanka midna, iyo nafahiinnaba inaad wax ka cuntaan guryihiinna, ama guryaha aabbayaashiin, ama guryaha hooyooyinkiin, ama guryaha walaalihiin, ama guryaha walaalooyinkiin, ama guryaha adeerradiin, ama guryaha eeddooyinkiin, ama guryaha abtiyaashiin, ama guryaha habaryarahiin, ama waxaad hanataan furayaashooda [36], ama (guryaha) saaxiibkiin, idinkumana saarna denbi haddaad wax u cuntaan wadajir ama kala jir. Markase aad galeysaan guryaha, ku salaama dadkiinna salaan xagga Alle ah, barakaysan (oo) wanaagsan [37]. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadaha si aad u fahantaan.
[36]. Guryaha aad deggan tihiin.
[37]. Waa inaad dhahdaan “Assalaamu Calaykum (Nabad dushiinna ha ahaato).
Ang mga Tafsir na Arabe:
 
Salin ng mga Kahulugan Surah: An-Noor
Indise ng mga Surah Numero ng Pahina
 
Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob - Indise ng mga Salin

Isinalin ito ni Abdullah Hasan Yakub.

Isara