Check out the new design

แปล​ความหมาย​อัลกุรอาน​ - คำแปลภาษาโซมาเลีย - โดยอับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ * - สารบัญ​คำแปล

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

แปลความหมาย​ สูเราะฮ์: Al-An‘ām   อายะฮ์:
هَلۡ يَنظُرُونَ إِلَّآ أَن تَأۡتِيَهُمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ أَوۡ يَأۡتِيَ رَبُّكَ أَوۡ يَأۡتِيَ بَعۡضُ ءَايَٰتِ رَبِّكَۗ يَوۡمَ يَأۡتِي بَعۡضُ ءَايَٰتِ رَبِّكَ لَا يَنفَعُ نَفۡسًا إِيمَٰنُهَا لَمۡ تَكُنۡ ءَامَنَتۡ مِن قَبۡلُ أَوۡ كَسَبَتۡ فِيٓ إِيمَٰنِهَا خَيۡرٗاۗ قُلِ ٱنتَظِرُوٓاْ إِنَّا مُنتَظِرُونَ
158. Ma waxay sugi waxaan ahayn inay u timaaddo malaa’igtu, ama Rabbigaa yimaado, ama qaar ka mid ah calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan. Maalinta ay qaar ka mid ah Calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan, wax uma taro naf iimaankeedu iyadoo aan horay u rumeyn, ama aan ku kasban iimaankeeda khayr. Dheh: Suga idinku (mid ka mid ah waxyaalahan), innaguna 'sidoo kale' waan sugaynaa.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ فَرَّقُواْ دِينَهُمۡ وَكَانُواْ شِيَعٗا لَّسۡتَ مِنۡهُمۡ فِي شَيۡءٍۚ إِنَّمَآ أَمۡرُهُمۡ إِلَى ٱللَّهِ ثُمَّ يُنَبِّئُهُم بِمَا كَانُواْ يَفۡعَلُونَ
159. Hubaal, kuwa ku kala tagay diintooda oo noqday dariiqooyin (kala duwan), waxba isuma kiin gelin. Arrinkoodu wuxuu uun la jiraa Alle, markaasuu wuxuu u sheegi waxay falayeen.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
مَن جَآءَ بِٱلۡحَسَنَةِ فَلَهُۥ عَشۡرُ أَمۡثَالِهَاۖ وَمَن جَآءَ بِٱلسَّيِّئَةِ فَلَا يُجۡزَىٰٓ إِلَّا مِثۡلَهَا وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ
160. Qofkii la yimaada camal san, wuxuu heli toban laabkeed wax la mid ah, qofkiise la yimaada camal xun, waxaa lagu abaal marin mid la mid ah iyagoon la dulmeyn.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
قُلۡ إِنَّنِي هَدَىٰنِي رَبِّيٓ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ دِينٗا قِيَمٗا مِّلَّةَ إِبۡرَٰهِيمَ حَنِيفٗاۚ وَمَا كَانَ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
161. Dheh: Aniga hubaal Rabbigay wuxuu igu hanuuniyey Jid Toosan (Islaamka), diin aad u sugan, diintii Ibraahiim, toosnihii. Kama mid aheyn mushrikiinta.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
قُلۡ إِنَّ صَلَاتِي وَنُسُكِي وَمَحۡيَايَ وَمَمَاتِي لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
162. Dheh: Xaqiiq salaaddayda, gowracayga, hannaanka noolaanshaheyga, iyo geeridaydaba waxaa (dhammaan) iska leh Allaah, Rabbiga uumanka.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
لَا شَرِيكَ لَهُۥۖ وَبِذَٰلِكَ أُمِرۡتُ وَأَنَا۠ أَوَّلُ ٱلۡمُسۡلِمِينَ
163. Ma leh wax shariik ah. Oo (arrin)kan baa la I amray, Waxaana ahay anigu kan ugu horreeya kuwa (u) hoggaansan (Alle).
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
قُلۡ أَغَيۡرَ ٱللَّهِ أَبۡغِي رَبّٗا وَهُوَ رَبُّ كُلِّ شَيۡءٖۚ وَلَا تَكۡسِبُ كُلُّ نَفۡسٍ إِلَّا عَلَيۡهَاۚ وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٞ وِزۡرَ أُخۡرَىٰۚ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُم مَّرۡجِعُكُمۡ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ فِيهِ تَخۡتَلِفُونَ
164. Dheh: Ma waxaan doontaa Rabbi aan aheyn Alle? Isagoo ah Rabbiga wax walba; naf walbana waxay kasbato (oo denbi ah) waa dusheeda, nafna denbi naf kale ma qaaddo. Waa xagga (Alle) Rabbigiin meel noqodkiinnu, markaasuu wuxuu idiin sheegi waxaad isku khilaafi jirteen.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَهُوَ ٱلَّذِي جَعَلَكُمۡ خَلَٰٓئِفَ ٱلۡأَرۡضِ وَرَفَعَ بَعۡضَكُمۡ فَوۡقَ بَعۡضٖ دَرَجَٰتٖ لِّيَبۡلُوَكُمۡ فِي مَآ ءَاتَىٰكُمۡۗ إِنَّ رَبَّكَ سَرِيعُ ٱلۡعِقَابِ وَإِنَّهُۥ لَغَفُورٞ رَّحِيمُۢ
165. (Alle) waa Kan idinka yeelay kuwo isku xigsada dhulka oo ka taliya, kana sare mariyey qaarkiinba qaar derejooyin, si uu idiinku imtixaamo wuxuu idin siiyey. Hubaal Rabbigaa waa ku Dhaqso badan yahay Ciqaabka, waana Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
 
แปลความหมาย​ สูเราะฮ์: Al-An‘ām
สารบัญสูเราะฮ์ หมายเลข​หน้า​
 
แปล​ความหมาย​อัลกุรอาน​ - คำแปลภาษาโซมาเลีย - โดยอับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ - สารบัญ​คำแปล

แปลโดย อับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ

ปิด