Check out the new design

แปล​ความหมาย​อัลกุรอาน​ - คำแปลภาษาโซมาเลีย - โดยอับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ * - สารบัญ​คำแปล

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

แปลความหมาย​ สูเราะฮ์: Al-Ahzāb   อายะฮ์:
تَحِيَّتُهُمۡ يَوۡمَ يَلۡقَوۡنَهُۥ سَلَٰمٞۚ وَأَعَدَّ لَهُمۡ أَجۡرٗا كَرِيمٗا
44. Bariidadoodu Maalintay (Alle) la Kulmi waa Salaam: Nabad ahaada; Wuxuuna u diyaariyey abaal gud sharaf badan (Janno).
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِنَّآ أَرۡسَلۡنَٰكَ شَٰهِدٗا وَمُبَشِّرٗا وَنَذِيرٗا
45. Nabiyow! Hubaal waxaan Annagu kuu soo dirnay inaad ahaato markhaati, bishaareeye iyo dige ahaan [33].
[33]. Nabiga s.c.w. wuxuu ku odhan jirey asxaabtiisa: Bishaareeya, oo ha didinnina dadka, oo wax fududeeya oo ha adkeynina.”
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَدَاعِيًا إِلَى ٱللَّهِ بِإِذۡنِهِۦ وَسِرَاجٗا مُّنِيرٗا
46. Iyo inaad ahaato baaqe ugu yeedha (dadka) xagga Alle si Idankiisa ah iyo nal ifi.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَبَشِّرِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ بِأَنَّ لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ فَضۡلٗا كَبِيرٗا
47. Ugu bishaaree mu'miniinta inay xagga Alle ku leeyihiin deeq Weyn (beeraha Jannada).
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَلَا تُطِعِ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَدَعۡ أَذَىٰهُمۡ وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلٗا
48. Ha adeecin gaalada iyo munaafiqiinta, oo dan ha u gelin hadalkooda dhibta leh, oo talo saaro Alle. Ku Filan Alle wakiil ahaan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا نَكَحۡتُمُ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ ثُمَّ طَلَّقۡتُمُوهُنَّ مِن قَبۡلِ أَن تَمَسُّوهُنَّ فَمَا لَكُمۡ عَلَيۡهِنَّ مِنۡ عِدَّةٖ تَعۡتَدُّونَهَاۖ فَمَتِّعُوهُنَّ وَسَرِّحُوهُنَّ سَرَاحٗا جَمِيلٗا
49. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad guursataan dumar mu’minaat ah, markaas aad furtaan ka hor inta aydaan taaban (la aqal gelin), markaa kuma lihidin korkooda wax ciddo ah ay tirsan, ee siiya xoogaa sahay ah oo dira diritaan quruxsan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِنَّآ أَحۡلَلۡنَا لَكَ أَزۡوَٰجَكَ ٱلَّٰتِيٓ ءَاتَيۡتَ أُجُورَهُنَّ وَمَا مَلَكَتۡ يَمِينُكَ مِمَّآ أَفَآءَ ٱللَّهُ عَلَيۡكَ وَبَنَاتِ عَمِّكَ وَبَنَاتِ عَمَّٰتِكَ وَبَنَاتِ خَالِكَ وَبَنَاتِ خَٰلَٰتِكَ ٱلَّٰتِي هَاجَرۡنَ مَعَكَ وَٱمۡرَأَةٗ مُّؤۡمِنَةً إِن وَهَبَتۡ نَفۡسَهَا لِلنَّبِيِّ إِنۡ أَرَادَ ٱلنَّبِيُّ أَن يَسۡتَنكِحَهَا خَالِصَةٗ لَّكَ مِن دُونِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۗ قَدۡ عَلِمۡنَا مَا فَرَضۡنَا عَلَيۡهِمۡ فِيٓ أَزۡوَٰجِهِمۡ وَمَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُمۡ لِكَيۡلَا يَكُونَ عَلَيۡكَ حَرَجٞۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
50. Nabiyow! Waxaanu Annagu kaaga yeellay xalaal xaasaskaaga aad siisay maherradooda iyo kuwa ay gacantaadu midig hanato oo aad kala soo baxday kuwa uu Alle kuu siiyey qafaal ahaanta, iyo gabdhaha adeerradaa iyo gabdhaha eeddooyinkaa iyo gabdhaha abtiyadaa iyo gabdhaha habaryarahaa ee kula soo haajiray, iyo haweeney mu’minad ah hadday u hibeyso nafteeda Nabiga, Nabiguna rabo inuu guursado, waa siin iyo xaq adiga keliya gaar kuu ah, oo aan la siin (inta kale ee hadhay) ee mu’miniinta ah. Waxaan ognahay waxaan iyaga ku waajibinnay oo xaasaskooda ku saabsan iyo waxay gacmahoodu midig hantaan; waa si ayan dhibi u ahaan korkaaga. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
 
แปลความหมาย​ สูเราะฮ์: Al-Ahzāb
สารบัญสูเราะฮ์ หมายเลข​หน้า​
 
แปล​ความหมาย​อัลกุรอาน​ - คำแปลภาษาโซมาเลีย - โดยอับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ - สารบัญ​คำแปล

แปลโดย อับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ

ปิด