Check out the new design

แปล​ความหมาย​อัลกุรอาน​ - คำแปลภาษาโซมาเลีย - โดยอับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ * - สารบัญ​คำแปล

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

แปลความหมาย​ สูเราะฮ์: An-Nahl   อายะฮ์:
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ إِلَّا رِجَالٗا نُّوحِيٓ إِلَيۡهِمۡۖ فَسۡـَٔلُوٓاْ أَهۡلَ ٱلذِّكۡرِ إِن كُنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ
43. Ma aanu soo dirin adiga hortaa (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn rag aan u waxyoonno (oo ma soo dirin malaa’ig). Ee weydiiya ehlu Dikirka (yaqaan Towraadda iyo Injiilka), haddaydaan ogeyn.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
بِٱلۡبَيِّنَٰتِ وَٱلزُّبُرِۗ وَأَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ٱلذِّكۡرَ لِتُبَيِّنَ لِلنَّاسِ مَا نُزِّلَ إِلَيۡهِمۡ وَلَعَلَّهُمۡ يَتَفَكَّرُونَ
44. Xujooyin cad iyo Kutub (baan la soo dirnay Rususha). Waxaana kugu soo dejinnay Waanada (Qur’aanka), si aad ugu caddaysid dadka waxa loo soo dejiyey, bal inay u fiiro yeeshaan oo ay wax ku qaataan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
أَفَأَمِنَ ٱلَّذِينَ مَكَرُواْ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن يَخۡسِفَ ٱللَّهُ بِهِمُ ٱلۡأَرۡضَ أَوۡ يَأۡتِيَهُمُ ٱلۡعَذَابُ مِنۡ حَيۡثُ لَا يَشۡعُرُونَ
45. Ma waxay kuwa qoola xumaha aamin ka yihiin in Alle la gooyo dhulka, ama uga yimaado cadaabka meel aanay ka fileyn?
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
أَوۡ يَأۡخُذَهُمۡ فِي تَقَلُّبِهِمۡ فَمَا هُم بِمُعۡجِزِينَ
46. Ama qabto iyagoo ku jira howlahooda, markaas ma ka baxsan karaan (Ciqaabka)?
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
أَوۡ يَأۡخُذَهُمۡ عَلَىٰ تَخَوُّفٖ فَإِنَّ رَبَّكُمۡ لَرَءُوفٞ رَّحِيمٌ
47. Ama qabto iyagoo ku sugan cabsi isa soo tarta. Rabbiggiinna waa Turid Badane, Naxariis Badan [9].
[9]. Isagoo dib ugu dhiga ciqaabka ay mudan yihiin oo siiya fursad ay ku toobad keenaan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَىٰ مَا خَلَقَ ٱللَّهُ مِن شَيۡءٖ يَتَفَيَّؤُاْ ظِلَٰلُهُۥ عَنِ ٱلۡيَمِينِ وَٱلشَّمَآئِلِ سُجَّدٗا لِّلَّهِ وَهُمۡ دَٰخِرُونَ
48. Miyeyna u fiirsan wax kastoo uu Alle abuuray, (sida) hoosaskoodu ugu iishaan midig iyo bidix, oo ugu sujuudaan Alle iyagoo u khushuucsan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَلِلَّهِۤ يَسۡجُدُۤ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ مِن دَآبَّةٖ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ وَهُمۡ لَا يَسۡتَكۡبِرُونَ
49. Alle waxaa u sujuuda waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada oo nafley dhul socod ah iyo malaa’igta, iskamana weyneeyaan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
يَخَافُونَ رَبَّهُم مِّن فَوۡقِهِمۡ وَيَفۡعَلُونَ مَا يُؤۡمَرُونَ۩
50. Waxay ka cabasadaan Rabbigood ka korreeya, waxayna falaan waxa la amro.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
۞ وَقَالَ ٱللَّهُ لَا تَتَّخِذُوٓاْ إِلَٰهَيۡنِ ٱثۡنَيۡنِۖ إِنَّمَا هُوَ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞ فَإِيَّٰيَ فَٱرۡهَبُونِ
51. Alle wuxuu yidhi: Ha yeelannina labo ilaah. Waa uun Ilaah Keliya (Allaah). Ee Anigoo Keliya iga cabsada [10].
[10]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii qiraa inuusan jirin ilaah Xaq ah aan aheyn Alle iyo inuusan laheyn wax shariik ah, iyo in Muxmmad yahay addoon Alle iyo Rasuulki, iyo in Ciise yahay addoon Alle iyo Rasuulki, iyo Kelmeddiisii uu Jabriil ku afuufay Maryam iyo ruux uu abuuray Alle, iyo in Jannadu run tahay, Naartuna run tahay, Alle wuxuu gelin Jannada si kastaba camalkiisa ha u yaraadee. W.w. Al-Bukhaari.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَلَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلَهُ ٱلدِّينُ وَاصِبًاۚ أَفَغَيۡرَ ٱللَّهِ تَتَّقُونَ
52. Alle baa iska leh Waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Waa in Isaga (Alle Keliya) loo gaar iyo gooni yeelo cibaadada oo la adeeco si joogta ah. Ee Ma waxaad ka cabsan waxaan ahayn Alle.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَمَا بِكُم مِّن نِّعۡمَةٖ فَمِنَ ٱللَّهِۖ ثُمَّ إِذَا مَسَّكُمُ ٱلضُّرُّ فَإِلَيۡهِ تَجۡـَٔرُونَ
53. Wax kastoo nicmo ah ee (lagu galladeystey) dushiinna waa xagga Alle, haddana marka dhibaato idin ku dhacdo, Xaggiisaad u calaacashaan idinkoo gargaar doon ah.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
ثُمَّ إِذَا كَشَفَ ٱلضُّرَّ عَنكُمۡ إِذَا فَرِيقٞ مِّنكُم بِرَبِّهِمۡ يُشۡرِكُونَ
54. Markuu idinka faydo dhibaatadana, mise qaar idin ka mid ahi ayaa Rabbigood (Alle) la wadaajiya cibaadada cid kale.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
 
แปลความหมาย​ สูเราะฮ์: An-Nahl
สารบัญสูเราะฮ์ หมายเลข​หน้า​
 
แปล​ความหมาย​อัลกุรอาน​ - คำแปลภาษาโซมาเลีย - โดยอับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ - สารบัญ​คำแปล

แปลโดย อับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ

ปิด