Check out the new design

ශුද්ධවූ අල් කුර්ආන් අර්ථ කථනය - සෝමාලියානු පරිවර්තනය - අබ්දුල්ලා හසන් යඃකූබ් * - පරිවර්තන පටුන

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

අර්ථ කථනය වාක්‍යය: (1) පරිච්ඡේදය: අල් මසද්

Al-masad

تَبَّتۡ يَدَآ أَبِي لَهَبٖ وَتَبَّ
1. Ha hoogeen labada gacmood ee Abuu-Lahab [1], hoogyeyna [2].
[1]. Waa Nabiga adeerki oo ahaa cadow Islaam, waxaana la mid ah oo soo galaya cadow Islaam kasta.
[2]. Markay soo degtay Aayadda Qur'aanka ee leh: "U dig xigaaladaada kuu dhow". Nabigu s.c.w. wuxuu billaabay inuu u yeeraa ( qabaa'isha Carbeed): Reer Banii Fihirow, Reer Banii Cadiyow, isagoo mid mid u xusaya jilbaha iyo laamaha ay ka kooban yihiin Quraysh. Xitaa ninkii aan imaan karin wuxuu soo dirsaday cid ka socota isaga si uu u soo eego waxa jira. Markaasaa waxaa yimid Abuu Lahab iyo odayaashii Quraysh. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ka warrama haddaan idiin sheego ciidan fardooley ah oo soo socda toggan gadaashiisa ee dooneysa inay idin weeraraan ma iga rumeysan laheydeen? Waxay yidhaahdeen: Haa , kuguma baran waxaan run aheyn.. markaasuu Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Haddaba waxaan idiinka digayaa cadaab daran oo idinku soo fool leh haddii aydaan Allaah rumeyn iyo Rusushiisa. Abuu Lahab wuxuu yidhi: Hoog oo ba' maanta oo idil, ma waxaan baad isugu kaaya yeertay? Markaasaa waxaa soo degay Tabbat Yadaa Abii Lahab….
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
 
අර්ථ කථනය වාක්‍යය: (1) පරිච්ඡේදය: අල් මසද්
සූරා පටුන පිටු අංක
 
ශුද්ධවූ අල් කුර්ආන් අර්ථ කථනය - සෝමාලියානු පරිවර්තනය - අබ්දුල්ලා හසන් යඃකූබ් - පරිවර්තන පටුන

මෙය අබ්දුල්ලාහ් හසන් යඃකූබ් විසින් පරිවර්තනය කරන ලදී.

වසන්න