Check out the new design

د قرآن کریم د معناګانو ژباړه - صومالي ژباړه - عبد الله حسن یعقوب * - د ژباړو فهرست (لړلیک)

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

د معناګانو ژباړه سورت: بقره   آیت:

Al-baqarah

الٓمٓ
1. Alif laam miim [1].
[1]. Suuradaha Qur’aanka qaarkood waxay ku billowdaan xarfaha alifbeetada, sida alif laam miim, alif laam raa, iwm waxay ka mid yihiin afar iyo toban xaraf oo ku billaabasho iyo furitaan ahaan ku soo arooray sagaal iyo labaatan suuradood oo ku jira Qur’aanka.Waxaa la yidhi xuruuftaas waa magacyada suuradaha, waxaa sidoo kale la yidhi waa baraarujin iyo soo jeedin ahaan dadka, waxaa kaloo la yidhi, waa tilmaan in Qur’aanka uu ku soo degay afka Carabiga ee ka kooban xarfaha alifbeetada sidaas oy tahay ma jiro cid la imaan karta isagoo kale oo keeni karta oo waa kitaab mucjiz ah. Inkastoo siyaabahaas kala duwan loo fasiray, dhabta waxaa weeye Alle keliya baa u cilm u leh oo ogsoon macaanidooda, oo og muraadka uu ka leeyahay iyo wuxuu ula jeedo.
عربي تفسیرونه:
ذَٰلِكَ ٱلۡكِتَٰبُ لَا رَيۡبَۛ فِيهِۛ هُدٗى لِّلۡمُتَّقِينَ
2. Kitaabkaa (Qur’aanka), shaki kuma jiro, waa u hanuun dhowrsanayaasha [2].
[2]. Waa kuwa dhowra amarrada Alle ee iska jira shirkiga iyo xumaha kale sida gaalnimada, ku caasinta waalidka, xumeynta qaraabada iyo deriska, ku daadinta dhiig xaq darro, zinada, xatooyada, ribada, kibirka, sixirka, beenta, khiyaanada, qadafka, xasadka, xanta, diradirada, iwm.
عربي تفسیرونه:
ٱلَّذِينَ يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡغَيۡبِ وَيُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَمِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ يُنفِقُونَ
3. Ee ah kuwa rumeysan Ghaybka [3], ooga salaadda, waxaan siinnayna wax ka bixiya.
[3]. Waxa aan muuqan ee qarsoon sida malaa’igta, Jannada, Naarta, iwm.
عربي تفسیرونه:
وَٱلَّذِينَ يُؤۡمِنُونَ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكَ وَمَآ أُنزِلَ مِن قَبۡلِكَ وَبِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ يُوقِنُونَ
4. Ee (ah) kuwa rumeysan waxa (Qur’aanka) lagugu soo dejiyey (Nabi Muxammadow), iyo waxa la soo dejiyey (oo Waxyi ah) adiga hortaa [4], Aakhirona yaqiinsan.
[4]. Kutubta la soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w hortiis waa Towraadda, Injiilka, Zabuurka iyo Suxuftii Ibraahiim iyo kuwo kaleba.
عربي تفسیرونه:
أُوْلَٰٓئِكَ عَلَىٰ هُدٗى مِّن رَّبِّهِمۡۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ
5. Kuwaasaa ku sugan hanuun (toosan) xagga Rabbigood ah, waana kuwaa kuwa ah liibaanayaasha.
عربي تفسیرونه:
 
د معناګانو ژباړه سورت: بقره
د سورتونو فهرست (لړلیک) د مخ نمبر
 
د قرآن کریم د معناګانو ژباړه - صومالي ژباړه - عبد الله حسن یعقوب - د ژباړو فهرست (لړلیک)

د عبدالله حسن یعقوب لخوا ژباړل شوې ده.

بندول