Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: അൻആം   ആയത്ത്:
وَلَوۡ جَعَلۡنَٰهُ مَلَكٗا لَّجَعَلۡنَٰهُ رَجُلٗا وَلَلَبَسۡنَا عَلَيۡهِم مَّا يَلۡبِسُونَ
9. Haddaan ka yeello malag, waxaan ka yeeli laheyn nin, markaasaan iskaga dari lahayn arrinka siday iyaguba isaga daraan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَلَقَدِ ٱسۡتُهۡزِئَ بِرُسُلٖ مِّن قَبۡلِكَ فَحَاقَ بِٱلَّذِينَ سَخِرُواْ مِنۡهُم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
10. Waxaa dhab ahaan lagu jees jeesay Rusul kaa horreysey, waxaa se ku digtayaashii ka midka ahaa ku dhacay (Ciqaabtii) waxay ku jeesjeesayeen.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قُلۡ سِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ ثُمَّ ٱنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُكَذِّبِينَ
11. Dheh: Mara dhulka, markaas fiiriya siday aheyd cidhibta (Xaq) beeniyayaasha.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قُل لِّمَن مَّا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ قُل لِّلَّهِۚ كَتَبَ عَلَىٰ نَفۡسِهِ ٱلرَّحۡمَةَۚ لَيَجۡمَعَنَّكُمۡ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ لَا رَيۡبَ فِيهِۚ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ فَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
12. Dheh: Kumaa leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Wuxuu ku waajibiyey Naftiisa Naxariis; wuxuu idiin soo kulmin Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro. Kuwa khasaariyey nafahooda, ma rumeynayaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
۞ وَلَهُۥ مَا سَكَنَ فِي ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
13. Alle baa iska leh waxa ku xasilan habeenka iyo maalinta, waana wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قُلۡ أَغَيۡرَ ٱللَّهِ أَتَّخِذُ وَلِيّٗا فَاطِرِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَهُوَ يُطۡعِمُ وَلَا يُطۡعَمُۗ قُلۡ إِنِّيٓ أُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ أَوَّلَ مَنۡ أَسۡلَمَۖ وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
14. Dheh: Ma waxaan yeeshaa wali (sokeeye, gargaare, ilaah, rabbi) aan aheyn Alle, askumaha samooyinka iyo arlada? Isagaa wax quudiya, lamana quudiyo. Dheh: Waxaa la i amray inaan ahaado kan u horreeya ee u hoggaansama (Alle). Ha ka mid noqoninna mushrikiinta.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قُلۡ إِنِّيٓ أَخَافُ إِنۡ عَصَيۡتُ رَبِّي عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٖ
15. Dheh: waxaan ka cabsan, haddaan ku caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin Weyn.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
مَّن يُصۡرَفۡ عَنۡهُ يَوۡمَئِذٖ فَقَدۡ رَحِمَهُۥۚ وَذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡمُبِينُ
16. Kan laga duwo Maalinkaas (Cadaabka). Alle wuu u Naxariisatay, taasina waa Liibaanta Cad (ee muuqata).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَإِن يَمۡسَسۡكَ ٱللَّهُ بِضُرّٖ فَلَا كَاشِفَ لَهُۥٓ إِلَّا هُوَۖ وَإِن يَمۡسَسۡكَ بِخَيۡرٖ فَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
17. Hadduu Alle ku taabsiiyo dhib, ma jiro wax kaa kor qaadi karaa aan Isaga ahayn, hadduu ku taabsiiyona khayr, Isagaa wax walba Kara.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَهُوَ ٱلۡقَاهِرُ فَوۡقَ عِبَادِهِۦۚ وَهُوَ ٱلۡحَكِيمُ ٱلۡخَبِيرُ
18. Waa Maquuniyaha (sandulleeya daalimiinta iyo isla weynayaasha) ee ka korreeya addoomahiisa, waana Xakiimka, Xog Ogaalka ah Xeesha dheer.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: അൻആം
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക