Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: ന്നജ്മ്   ആയത്ത്:

An-najm

وَٱلنَّجۡمِ إِذَا هَوَىٰ
1. Waxaan ku dhaartay xiddigaha markay dhacaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمۡ وَمَا غَوَىٰ
2. Saaxibkiin (Nabi Muxammad s.c.w.) ma ka habaabin (Jidka Toosan iyo hanuunka), (Xaqana) kama uusan lumin.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَمَا يَنطِقُ عَنِ ٱلۡهَوَىٰٓ
3. Ma ku hadlo hawadiisa.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنۡ هُوَ إِلَّا وَحۡيٞ يُوحَىٰ
4. Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyooday.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
عَلَّمَهُۥ شَدِيدُ ٱلۡقُوَىٰ
5. Waxaa baray (oo xagga Alle ka soo gaarsiiyey) mid xoog weyn.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ذُو مِرَّةٖ فَٱسۡتَوَىٰ
6. Ee muuqaal san, abuuraddiisuna dhan tahay 'waa Jabriil c.s.' [1].
[1]. Jabriil wuxuu ugu muuqday Nabi Muxammad s.c.w. muuqaalkiisa dhabta ah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَهُوَ بِٱلۡأُفُقِ ٱلۡأَعۡلَىٰ
7. Isagoo ku sugan halka ugu sarreysa jihada sare [2].
[2]. Cirka, halka ka korreysa jihada bari ee qorrax soo baxa.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ثُمَّ دَنَا فَتَدَلَّىٰ
8. Markaasuu (Jabriil) soo dhowaaday oo in yar u soo jirsaday.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَكَانَ قَابَ قَوۡسَيۡنِ أَوۡ أَدۡنَىٰ
9. In le’eg labo qaanso xadhigeed ama ka dhow.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَأَوۡحَىٰٓ إِلَىٰ عَبۡدِهِۦ مَآ أَوۡحَىٰ
10. Markaasuu (Alle) u Waxyooday addoonkiisa (Nabi Muxammad s.c.w.) wuxuu u waxyooday [3].
[3]. Waa Qur'aanka.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
مَا كَذَبَ ٱلۡفُؤَادُ مَا رَأَىٰٓ
11. Kama been sheegin Qalbiga wuxuu arkay [4].
[4]. Nabigu s.c.w habeenkii micraajka ee Calaamooyinka waaweyn ah ee Rabbi.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَفَتُمَٰرُونَهُۥ عَلَىٰ مَا يَرَىٰ
12. Ma waxaad kala murmi wuxuu arkay (habeenkii Israha iyo Micraajka).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَلَقَدۡ رَءَاهُ نَزۡلَةً أُخۡرَىٰ
13. Wuxuuna dhab ahaan ku arkay (Jabriil) soo degid kale.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
عِندَ سِدۡرَةِ ٱلۡمُنتَهَىٰ
14. Dhammaadka xadka geedka gobka [5].
[5]. Sidratal muntahaa, waa halka u sarreysa samada toddobaad.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
عِندَهَا جَنَّةُ ٱلۡمَأۡوَىٰٓ
15. Waxaa agteeda ah Jannada hoyashada.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِذۡ يَغۡشَى ٱلسِّدۡرَةَ مَا يَغۡشَىٰ
16. Markuu daboolay gobka waxa daboolay (oo qurux ah).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
مَا زَاغَ ٱلۡبَصَرُ وَمَا طَغَىٰ
17. Aragga (Nabiga s.c .w) uma iilan dhinacna, mana dhaafin xadkii loo dhigay.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
لَقَدۡ رَأَىٰ مِنۡ ءَايَٰتِ رَبِّهِ ٱلۡكُبۡرَىٰٓ
18. Wuxuu xaqiiq wax ka arkay Calaamooyinka Rabbigi ee waaweyn.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَفَرَءَيۡتُمُ ٱللَّٰتَ وَٱلۡعُزَّىٰ
19. Ee (gaaloy) ka warrama (sanamyada) Al-Laat iyo Al-Cuzza.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَمَنَوٰةَ ٱلثَّالِثَةَ ٱلۡأُخۡرَىٰٓ
20. Iyo Manaat, tan seddexaad ee kale [6]?
[6]. Seddexdan magac ee lagu xusay halkan iyo Aayadda ka horreysa waa ilaahyo caan ahaa oo dheddig ah ay caabudi jireen mushrikiintii Carbeed.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَلَكُمُ ٱلذَّكَرُ وَلَهُ ٱلۡأُنثَىٰ
21. idinku ma waxaad leedihiin labka Isaguna dheddigga?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
تِلۡكَ إِذٗا قِسۡمَةٞ ضِيزَىٰٓ
22. Tanu waa qayb dulun ah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنۡ هِيَ إِلَّآ أَسۡمَآءٞ سَمَّيۡتُمُوهَآ أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ بِهَا مِن سُلۡطَٰنٍۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَمَا تَهۡوَى ٱلۡأَنفُسُۖ وَلَقَدۡ جَآءَهُم مِّن رَّبِّهِمُ ٱلۡهُدَىٰٓ
23. Ma aha wax kale aan aheyn magacyo aad bixiseen - idinka iyo aabbayaashiin - oo uusan Alle u soo dejin wax Xujo ah. Ma raacaan waxba aan ahayn male iyo waxa xun ay naftoodu u iilato, waxaana uga yimid xagga Rabbigood hanuun wacan (Islaamka).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَمۡ لِلۡإِنسَٰنِ مَا تَمَنَّىٰ
24. Mise Aadmigu wuxuu leeyahay wuxuu jecleystoba?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَلِلَّهِ ٱلۡأٓخِرَةُ وَٱلۡأُولَىٰ
25. Mayee, Alle baa iska leh tan dambe 'Aakhirada' iyo 'nolosha' horeba 'Adduunka'.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
۞ وَكَم مِّن مَّلَكٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ لَا تُغۡنِي شَفَٰعَتُهُمۡ شَيۡـًٔا إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ أَن يَأۡذَنَ ٱللَّهُ لِمَن يَشَآءُ وَيَرۡضَىٰٓ
26. Badanaa inta malag jooga samooyinka, aysan shafeecadoodu waxba taraynin in Alle u idmo maahee cidduu doono oo ka Raalli yahay.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: ന്നജ്മ്
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക