Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: ജാഥിയഃ   ആയത്ത്:
أَفَرَءَيۡتَ مَنِ ٱتَّخَذَ إِلَٰهَهُۥ هَوَىٰهُ وَأَضَلَّهُ ٱللَّهُ عَلَىٰ عِلۡمٖ وَخَتَمَ عَلَىٰ سَمۡعِهِۦ وَقَلۡبِهِۦ وَجَعَلَ عَلَىٰ بَصَرِهِۦ غِشَٰوَةٗ فَمَن يَهۡدِيهِ مِنۢ بَعۡدِ ٱللَّهِۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
23. Ka warran mid ka yeesha hawadiisa ilaahiisa, oo Alle u lumiyey ogaal oo daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa, yeelayna caad araggiisa. Yaa hanuunin Alle kaddib? Miyeydaan waansameyn?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَقَالُواْ مَا هِيَ إِلَّا حَيَاتُنَا ٱلدُّنۡيَا نَمُوتُ وَنَحۡيَا وَمَا يُهۡلِكُنَآ إِلَّا ٱلدَّهۡرُۚ وَمَا لَهُم بِذَٰلِكَ مِنۡ عِلۡمٍۖ إِنۡ هُمۡ إِلَّا يَظُنُّونَ
24. Waxay yidhaahdeen: Ma jirto waxaan ahayn noloshayada adduunkan, waa iska noolaannaa [6] oo dhimannaa namana halaagaan waxaan aheyn waayaha. Uma laha (arrin)kaasi wax cilmi ah, way uun iska malo awaali.
[6]. Macnaha waa dad baa dhinta qaar kale dhashaan, oo lagu beddelaa.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٖ مَّا كَانَ حُجَّتَهُمۡ إِلَّآ أَن قَالُواْ ٱئۡتُواْ بِـَٔابَآئِنَآ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
25. Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, dooddoodu ma aha wax kale aan aheyn inay yidhaahdaan: (Dib) Noogu keena aabbayaashayo (meytan) haddaad run sheegaysaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قُلِ ٱللَّهُ يُحۡيِيكُمۡ ثُمَّ يُمِيتُكُمۡ ثُمَّ يَجۡمَعُكُمۡ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ لَا رَيۡبَ فِيهِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
26. Dheh: Alle baa idin nooleyn, haddana idin dhinsiin, haddana idiin soo kulmin Maalinta Qiyaamaha aan shaki ku jirin, dadka badankiisuse ma oga.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَلِلَّهِ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَيَوۡمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يَوۡمَئِذٖ يَخۡسَرُ ٱلۡمُبۡطِلُونَ
27. Allaah ba iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Maalintay Saacadda (Qiyaame) dhacdo, Maalintaasay khasaari ehlu baadilka.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَتَرَىٰ كُلَّ أُمَّةٖ جَاثِيَةٗۚ كُلُّ أُمَّةٖ تُدۡعَىٰٓ إِلَىٰ كِتَٰبِهَا ٱلۡيَوۡمَ تُجۡزَوۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
28. Waxaad arki ummad waliba iyagoo jilbo jabsan, ummad kasta waxaa loogu yeedhi Kitaabkii (camalkeeda); Maanta waxaa la idinku abaal marin waxaad fasheen.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
هَٰذَا كِتَٰبُنَا يَنطِقُ عَلَيۡكُم بِٱلۡحَقِّۚ إِنَّا كُنَّا نَسۡتَنسِخُ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
29. Kani waa Kitaabkayaga oo idiinka hadlaya si xaq ah, Waanu qoraynay waxaad camal faleyseen [7].
[7]. Malaa’igta wax qorta baa qoreysey acmaashooda oo dhan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَيُدۡخِلُهُمۡ رَبُّهُمۡ فِي رَحۡمَتِهِۦۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡمُبِينُ
30. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama falay, Rabbigood wuxuu galin Naxariistiisa (Jannada), taasina waa Liibaanta Cad.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَأَمَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَفَلَمۡ تَكُنۡ ءَايَٰتِي تُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ فَٱسۡتَكۡبَرۡتُمۡ وَكُنتُمۡ قَوۡمٗا مُّجۡرِمِينَ
31. Kuwase gaaloobay (waxaa lagu dhihi): Sow ma ahayn Aayadahayga kuwo la idiin akhriyo? Waxaadse aheydeen kuwo isla weyn oo aheydeen qolo denbiilayaal ah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَإِذَا قِيلَ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ وَٱلسَّاعَةُ لَا رَيۡبَ فِيهَا قُلۡتُم مَّا نَدۡرِي مَا ٱلسَّاعَةُ إِن نَّظُنُّ إِلَّا ظَنّٗا وَمَا نَحۡنُ بِمُسۡتَيۡقِنِينَ
32. Marka la yidhaahdo: Ballan qaadka Alle waa Xaq, Saacadda (Qiyaamana) shaki kuma jiro, waxaad tidhaahdeen: Ma naqaan waxay Saacaddu tahay, waan maleyn uun malo (aan xag jirin), mana nihin kuwo huba (arrinkaasi).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: ജാഥിയഃ
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക