Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: സ്സുഖ്റുഫ്   ആയത്ത്:
وَمَا نُرِيهِم مِّنۡ ءَايَةٍ إِلَّا هِيَ أَكۡبَرُ مِنۡ أُخۡتِهَاۖ وَأَخَذۡنَٰهُم بِٱلۡعَذَابِ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ
48. Ma jirin mucjiso aan tusinnay oo aan ka weyneyn eynigeed kale, waxaana ku qabannay cadaab [13] bal inay u soo laabtaan (Xaqa).
[13]. Cadaabkaas waa cadaab adduunka ah sida raashinka oo ku yaraaday, beeraha oo lagu salliday ayax tiro badan, xoolaha oo ay abaar ka leysey, iwm.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَقَالُواْ يَٰٓأَيُّهَ ٱلسَّاحِرُ ٱدۡعُ لَنَا رَبَّكَ بِمَا عَهِدَ عِندَكَ إِنَّنَا لَمُهۡتَدُونَ
49. Waxay yidhaahdeen: Kan Saaxirka (caalimka) ahow! Noo bari Rabbigaa wuxuu kuugula ballantamay. (Haddii nalaga feydo cadaabka) waanu hanuuni (raaci Xaqa).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَلَمَّا كَشَفۡنَا عَنۡهُمُ ٱلۡعَذَابَ إِذَا هُمۡ يَنكُثُونَ
50. Markiise aan ka faydnay cadaabka, mise, markiiba waxay ka baxeen ballankii.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَنَادَىٰ فِرۡعَوۡنُ فِي قَوۡمِهِۦ قَالَ يَٰقَوۡمِ أَلَيۡسَ لِي مُلۡكُ مِصۡرَ وَهَٰذِهِ ٱلۡأَنۡهَٰرُ تَجۡرِي مِن تَحۡتِيٓۚ أَفَلَا تُبۡصِرُونَ
51. Wuxuu ka dhawaaqay Fircoon dadkiisii dhexdood isagoo leh: Dadkaygiiyow! Miyaanan anigu iska lahayn boqortooyada Masar iyo webiyadan qul-qula hoosteyda. Ee miyeydaan arkeyn?.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَمۡ أَنَا۠ خَيۡرٞ مِّنۡ هَٰذَا ٱلَّذِي هُوَ مَهِينٞ وَلَا يَكَادُ يُبِينُ
52. Sow aniga kama fiicni midkani liita ee aan kareyn inuu caddeeyo hadalkiisa [14].
[14]. Waxay ula jeedaan Nabi Muuse c.s. Taasina dhab bay ahayd ka hor inta aan Muuse laga dhigin Nabi, markii la soo diray isagoo Nabi ah wuxuu Allaah ka furay guntinta carrabkiisa oo ka dhigay cod kar hadal cad.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَلَوۡلَآ أُلۡقِيَ عَلَيۡهِ أَسۡوِرَةٞ مِّن ذَهَبٍ أَوۡ جَآءَ مَعَهُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ مُقۡتَرِنِينَ
53. Maxaa loo siin waayey jinjimo dahab ah, ama maxay ula iman weydey malaa’ig raacsan oo taageerta?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَٱسۡتَخَفَّ قَوۡمَهُۥ فَأَطَاعُوهُۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمٗا فَٰسِقِينَ
54. Wuxuu fudaydsaday qolodiisii, wayna adeeceen: waxay ahaayeen qolo caasi ah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَلَمَّآ ءَاسَفُونَا ٱنتَقَمۡنَا مِنۡهُمۡ فَأَغۡرَقۡنَٰهُمۡ أَجۡمَعِينَ
55. Markay naga Cadheysiiyeen, waan ka aarsannay, waana harqinnay dhammaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَجَعَلۡنَٰهُمۡ سَلَفٗا وَمَثَلٗا لِّلۡأٓخِرِينَ
56. Waxaanu ka yeelnay wax tegay oo ay ku tusaale qaataan facyada dambe.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
۞ وَلَمَّا ضُرِبَ ٱبۡنُ مَرۡيَمَ مَثَلًا إِذَا قَوۡمُكَ مِنۡهُ يَصِدُّونَ
57. Markaan uga yeellayna ina Maryam (Ciise) tusaale, mise qolodaada (mushrikiinta ah) way ka jeesadeen 'tusaalahaa' [15].
[15]. Inuu ka mid yahay uunka Ilaahay, kuwaasoo lala barbar caabudo Allaah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَقَالُوٓاْ ءَأَٰلِهَتُنَا خَيۡرٌ أَمۡ هُوَۚ مَا ضَرَبُوهُ لَكَ إِلَّا جَدَلَۢاۚ بَلۡ هُمۡ قَوۡمٌ خَصِمُونَ
58. Waxay yidhaahdeen: Ma ilaahyadayada baa fiican mise isaga? Uma ayan soo qaadan tusaalahaa waxaan aheyn muran. Waase qolo dood badan [16].
[16]. Iyagoo qaba inay dhammaan isku mid yihiin.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنۡ هُوَ إِلَّا عَبۡدٌ أَنۡعَمۡنَا عَلَيۡهِ وَجَعَلۡنَٰهُ مَثَلٗا لِّبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ
59. Ma uu aheyn (Ciise) wax ka badan addoon aan ugu nicmaynay (Nabinnimo), waxaana uga yeelnay tusaale reer Israa’iil.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَلَوۡ نَشَآءُ لَجَعَلۡنَا مِنكُم مَّلَٰٓئِكَةٗ فِي ٱلۡأَرۡضِ يَخۡلُفُونَ
60. Haddaan doonno, waxaan idinka yeeli lahayn malaa'ig dhulka u hadha [17].
[17]. Ama idin xigsada idinka.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: സ്സുഖ്റുഫ്
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക