Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: ശ്ശൂറാ   ആയത്ത്:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِ ٱلۡجَوَارِ فِي ٱلۡبَحۡرِ كَٱلۡأَعۡلَٰمِ
32. Waxaa ka mid ah Calaamooyinka Alle doonyaha badda maaxa buuro oo kale ah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِن يَشَأۡ يُسۡكِنِ ٱلرِّيحَ فَيَظۡلَلۡنَ رَوَاكِدَ عَلَىٰ ظَهۡرِهِۦٓۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّكُلِّ صَبَّارٖ شَكُورٍ
33. Hadduu doono, Wuxuu xasiliyaa (joojiyaa) dabeysha, markaasay fadhiistaan biyaha korkooda. Hubaal (arrin)kani waxaa ugu sugan calaamooyin mid kasta oo samir iyo mahad naq badan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَوۡ يُوبِقۡهُنَّ بِمَا كَسَبُواْ وَيَعۡفُ عَن كَثِيرٖ
34. Ama waa intaasoo uu u halligo [13] waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah),
wax badanna (Alle) wuu ka cafiyaa.
[13]. Macnaha waxaa weeye wuxuu Alle awoodaa inuu harqiyo doomaha isagoo ku keenayo dabeylo daran.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَيَعۡلَمَ ٱلَّذِينَ يُجَٰدِلُونَ فِيٓ ءَايَٰتِنَا مَا لَهُم مِّن مَّحِيصٖ
35. Waxayna ogaan kuwa ka dooda Aayadahayaga inaysan u sugnaanin meel ay magan galaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَمَآ أُوتِيتُم مِّن شَيۡءٖ فَمَتَٰعُ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۚ وَمَا عِندَ ٱللَّهِ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ
36. Wixii la idin siiyo oo wuxuun ah waa uun sahay dhammaaneysa ee nolosha adduunkan, waxase Alle agtiisa ah baa u khayr badan oo daa’insan kuwa (Xaqa) rumeysan ee Rabbigood tala saarta.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَٱلَّذِينَ يَجۡتَنِبُونَ كَبَٰٓئِرَ ٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡفَوَٰحِشَ وَإِذَا مَا غَضِبُواْ هُمۡ يَغۡفِرُونَ
37. Ee ah kuwa ka fogaada denbiyada waaweyn iyo xumaha, markay cadhoodaanna wax iska cafiya.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَٱلَّذِينَ ٱسۡتَجَابُواْ لِرَبِّهِمۡ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَمۡرُهُمۡ شُورَىٰ بَيۡنَهُمۡ وَمِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ يُنفِقُونَ
38. Ee ah kuwa ajiiba Rabbigood oo ooga salaadda, xukunkooduna wada tashi yahay dhexdooda, waxaan ku irsaaqnayna wax ka bixiya.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَٱلَّذِينَ إِذَآ أَصَابَهُمُ ٱلۡبَغۡيُ هُمۡ يَنتَصِرُونَ
39. Ee ah kuwa marka la dulmiyo is difaaca [14] 'xad gudub la'aan'.
[14]. Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: “Saamaxaadda wuxuu Alle ugu ziyaadiyaa qofka sharaf iyo ciso.”
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَجَزَٰٓؤُاْ سَيِّئَةٖ سَيِّئَةٞ مِّثۡلُهَاۖ فَمَنۡ عَفَا وَأَصۡلَحَ فَأَجۡرُهُۥ عَلَى ٱللَّهِۚ إِنَّهُۥ لَا يُحِبُّ ٱلظَّٰلِمِينَ
40. Abaalka hal xume waa xume la mid ah, qofkii se iska cafiya oo wax hagaajiya, wuxuu ka heli ajarkiisa xagga Alle. Hubaal Alle ma uu jecla daalimiinta (gar diidka).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَلَمَنِ ٱنتَصَرَ بَعۡدَ ظُلۡمِهِۦ فَأُوْلَٰٓئِكَ مَا عَلَيۡهِم مِّن سَبِيلٍ
41. Qofkii is difaaca kaddib marka la dulmiyey, kuwan weeye kuwa aan lagu lahayn jid (lagu eedo).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنَّمَا ٱلسَّبِيلُ عَلَى ٱلَّذِينَ يَظۡلِمُونَ ٱلنَّاسَ وَيَبۡغُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّۚ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
42. Waxaa sideedaba jid lagu leeyahay (oo eed leh) kuwa dulmiya dadka, oo ku fallaagooba arlada xaq darro, kuwani waxay leeyihiin (Maalinta Qiyaamaha) cadaab xanuun badan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَلَمَن صَبَرَ وَغَفَرَ إِنَّ ذَٰلِكَ لَمِنۡ عَزۡمِ ٱلۡأُمُورِ
43.Qofkii sabra oo wax iska cafiya, kaasi [15] waa arrin loo qasdo (la go'aansado).
[15]. Xagga kuwa doonaya abaalgduka Alle.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِن وَلِيّٖ مِّنۢ بَعۡدِهِۦۗ وَتَرَى ٱلظَّٰلِمِينَ لَمَّا رَأَوُاْ ٱلۡعَذَابَ يَقُولُونَ هَلۡ إِلَىٰ مَرَدّٖ مِّن سَبِيلٖ
44. Qofkii uu Alle lumiyo, ma uu laha gargaare Isaga kaddib. Waxaadna arki daalimiinta markay arkaan cadaabka, iyagoo leh: Miyey jirtaa jid loogu laabto (adduunkii si aan u tawbad keenno).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: ശ്ശൂറാ
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക