Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: ഗാഫിർ   ആയത്ത്:
قَالُوٓاْ أَوَلَمۡ تَكُ تَأۡتِيكُمۡ رُسُلُكُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِۖ قَالُواْ بَلَىٰۚ قَالُواْ فَٱدۡعُواْۗ وَمَا دُعَٰٓؤُاْ ٱلۡكَٰفِرِينَ إِلَّا فِي ضَلَٰلٍ
50. Waxay odhan: Miyeyna Rusushiinnii idiinla iman Xujooyin cad? Waxay odhan: Haah, Waxay odhan: Marka barya idinku. Baryada gaaladuna ma aha waxaan aheyn baadi iyo khasaaro.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنَّا لَنَنصُرُ رُسُلَنَا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَيَوۡمَ يَقُومُ ٱلۡأَشۡهَٰدُ
51. Annagaa xaqiiq u gargaari Rusuhayada iyo mu'miniinta noloshan adduunka iyo Maalintay markhaatiyadu istaagi.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
يَوۡمَ لَا يَنفَعُ ٱلظَّٰلِمِينَ مَعۡذِرَتُهُمۡۖ وَلَهُمُ ٱللَّعۡنَةُ وَلَهُمۡ سُوٓءُ ٱلدَّارِ
52. Maalinta aysan waxba u tareyn daalimiinta cudur daarashadoodu. Waxayna leeyihiin nacalad oo waxay leeyihiin Daarta xun (Naar).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡهُدَىٰ وَأَوۡرَثۡنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱلۡكِتَٰبَ
53. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse hanuun, dhaxalsiinnayna ilmahii Israa’iil Kitaabka (Towraadda),
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
هُدٗى وَذِكۡرَىٰ لِأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ
54. Hanuun iyo waano u ah waxgaradka.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَٱصۡبِرۡ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ وَٱسۡتَغۡفِرۡ لِذَنۢبِكَ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ بِٱلۡعَشِيِّ وَٱلۡإِبۡكَٰرِ
55. Ee samir yeelo; hubaal Ballan qaadka Alle waa Xaq, oo ka istiqfaarso denbigaaga [10], kuna tasbiixso ammaanaha iyo mahdinta Rabbigaa galab iyo aroorba.
[10]. Waxaa loola jeedaa wixii gef kaa dhaca xagga garsoorka, Waxaa laga qaadanayaa in dhammaan mu’miniinta weydiistaan denbi dhaaf Alle.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُجَٰدِلُونَ فِيٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ بِغَيۡرِ سُلۡطَٰنٍ أَتَىٰهُمۡ إِن فِي صُدُورِهِمۡ إِلَّا كِبۡرٞ مَّا هُم بِبَٰلِغِيهِۚ فَٱسۡتَعِذۡ بِٱللَّهِۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡبَصِيرُ
56. Hubaal, kuwa ka dooda Aayadaha Alle xujo la’aan u timid ma ku jiro laabahooda waxaan ahayn (doonis) is weyneyn ayan weligood gaadheyn ee magan gal weydiiso Allaah, hubaal waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
لَخَلۡقُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ أَكۡبَرُ مِنۡ خَلۡقِ ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
57. Abuuridda samooyinka iyo arlada baa xaqiiq ka weyn abuuridda dadka, laakiinse dadka badankiisu ma oga.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَمَا يَسۡتَوِي ٱلۡأَعۡمَىٰ وَٱلۡبَصِيرُ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَلَا ٱلۡمُسِيٓءُۚ قَلِيلٗا مَّا تَتَذَكَّرُونَ
58. Ma sinna kan indhaha la’ iyo kan wax arka, iyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala iyo kuwa xumaanta fala. Wax yar weeye intaad waantowdaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: ഗാഫിർ
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക