Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: യാസീൻ   ആയത്ത്:

Yaasiin

يسٓ
1. Yaasiin [1].
[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَٱلۡقُرۡءَانِ ٱلۡحَكِيمِ
2. Waxaan ku dhaartay Qur’aanka, Xikmadda Badan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنَّكَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
3. Hubaal adigu (Muxammadow) waxaad ka mid tahay (Rususha Alle) soo diray.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
4. Waxaad ku sugan tahay Jid Toosan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
تَنزِيلَ ٱلۡعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ
5. (Qur’aankani waa) Waxyi ka soo degay (xagga Alle) Adkaadaha, Naxariista Badan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
لِتُنذِرَ قَوۡمٗا مَّآ أُنذِرَ ءَابَآؤُهُمۡ فَهُمۡ غَٰفِلُونَ
6. Inaad u digto qolo aan aabbayaashood loo digin, ee iyagu ah kuwo dhoohan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
لَقَدۡ حَقَّ ٱلۡقَوۡلُ عَلَىٰٓ أَكۡثَرِهِمۡ فَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
7. Waxaa dhab ahaan ku rumoobay badankood Qowlka (Cadaabka), marka ma ay rumeeyaan (Xaqa).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنَّا جَعَلۡنَا فِيٓ أَعۡنَٰقِهِمۡ أَغۡلَٰلٗا فَهِيَ إِلَى ٱلۡأَذۡقَانِ فَهُم مُّقۡمَحُونَ
8. (Waa sida) inaan yeelnay mareegyo bir ah luqumahooda oo gaadha ilaa gararkooda, sidaa awgeed madaxyadooda kor u taagan yihiin [2].
[2]. Marka way ka xidhan yihiin khayr oo dhan, Xaqana ma arkaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَجَعَلۡنَا مِنۢ بَيۡنِ أَيۡدِيهِمۡ سَدّٗا وَمِنۡ خَلۡفِهِمۡ سَدّٗا فَأَغۡشَيۡنَٰهُمۡ فَهُمۡ لَا يُبۡصِرُونَ
9. Waxaan yeellay hortooda xidh, gadaashoodana xidh kale, waana arag daboolnay marka ma arkaan (Xaqa).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَسَوَآءٌ عَلَيۡهِمۡ ءَأَنذَرۡتَهُمۡ أَمۡ لَمۡ تُنذِرۡهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
10. Waa isugu mid haddaad u digto ama aad u digin, (marna) ma rumeeyaan (Xaqa).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنَّمَا تُنذِرُ مَنِ ٱتَّبَعَ ٱلذِّكۡرَ وَخَشِيَ ٱلرَّحۡمَٰنَ بِٱلۡغَيۡبِۖ فَبَشِّرۡهُ بِمَغۡفِرَةٖ وَأَجۡرٖ كَرِيمٍ
11.Waxaad uun u digi (oo ay anfaci digadu) kan raaca Qur’aanka oo ka baqa Raxmaan- ka sir (iyo saaqba). Ee ugu bishaaree denbi dhaaf iyo abaalgud sharaf leh (Janno).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنَّا نَحۡنُ نُحۡيِ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَنَكۡتُبُ مَا قَدَّمُواْ وَءَاثَٰرَهُمۡۚ وَكُلَّ شَيۡءٍ أَحۡصَيۡنَٰهُ فِيٓ إِمَامٖ مُّبِينٖ
12. Xaqiiq waa Annaga kuwa nooleyn meytida, oo qora waxay hormarsadaan iyo raadadkoodaba (waxay gadaal uga soo tagaan khayr ama shar). Wax walba waxaynu ku koobnay [3] (oo qornay) Kitaab cad (Looxa Maxfuudka).
[3]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofka markuu dhinto wuu go’aa camalkiisu seddex mooyee: Cilmi lagu intifaaco, ilmo wanaagsan oo u soo duceeya iyo sadaqo u socota (waqaf)”.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: യാസീൻ
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക