Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: സ്സബഅ്   ആയത്ത്:
قُلۡ جَآءَ ٱلۡحَقُّ وَمَا يُبۡدِئُ ٱلۡبَٰطِلُ وَمَا يُعِيدُ
49. Dheh: Xaqu (Qur’aanka) waa yimid, Baadilkuna (Ibliis) waxna ma abuuri karo mana soo nooleyn karo [20].
[20]. Weedhan waxaa laga qaadanayaa inuu baadilku si dhan u awood beelayo, macnaha waa in la tirtirayo baadilka oo gebigaba meesha laga saarayo. Marka uu xaqu hirgalo, baadilka wuu hoobtaa.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
قُلۡ إِن ضَلَلۡتُ فَإِنَّمَآ أَضِلُّ عَلَىٰ نَفۡسِيۖ وَإِنِ ٱهۡتَدَيۡتُ فَبِمَا يُوحِيٓ إِلَيَّ رَبِّيٓۚ إِنَّهُۥ سَمِيعٞ قَرِيبٞ
50. Dheh: Haddaan gefo waxaan uun u gefaa nafteyda. haddaan hanuunana, waa sababta wuxuu ii waxyoodo Rabbigay. Hubaal waa wax kasta Maqle, aad u Dhow.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذۡ فَزِعُواْ فَلَا فَوۡتَ وَأُخِذُواْ مِن مَّكَانٖ قَرِيبٖ
51. Haddaad arki lahayd [21] markay (gaalada) noqon kuwo qarracansan, oo meelay u cararaan lahayn, waxaana laga soo qabqaban meel dhow.
[21]. Waxaad arki lahayd wax weyn.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَقَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِهِۦ وَأَنَّىٰ لَهُمُ ٱلتَّنَاوُشُ مِن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ
52. Waxay (markay arkaan cadaabka Aakhiro) odhan: Waanu rumeynay (haatan). Sidee bayse qaadashada (Iimaanka) uga suura gali meel fog (inay u soo laabtaan noloshii adduunka)?
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَقَدۡ كَفَرُواْ بِهِۦ مِن قَبۡلُۖ وَيَقۡذِفُونَ بِٱلۡغَيۡبِ مِن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ
53. Waxay dhab ahaan horey [22] ugu gaaloobeen (Xaqa), waxayna kaga sheegayeen been waxyaalaha aan muuqan ee Ghaybka ahaa xagga meel fog [23].
[22]. Noloshoodii hore ee arlada, ay ku heysteen fursad kasta, ha yeeshee hadda dhaaftay, waana fursad aan marnaba soo laabanayn.
[23]. Af ahaan, iyagoo wax iska mala awaalayey, oo inkirayey Xaqa sida Aakhirada, Naarta, Jannada, Iska soo bixinta qubuuraha, iwm.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَحِيلَ بَيۡنَهُمۡ وَبَيۡنَ مَا يَشۡتَهُونَ كَمَا فُعِلَ بِأَشۡيَاعِهِم مِّن قَبۡلُۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ فِي شَكّٖ مُّرِيبِۭ
54. Waase la kala ooday iyaga iyo waxay rabeen [24], sidii loo galay kuwii la midka ahaa ee ka horreeyey. Hubaal waxay ahaayeen kuwo ku sugan shaki walaac leh.
[24]. Macnaha waa haleelidda iimaanka iyo waxa khayr ku jira iyo faa’idooyin aad u badan ama gelitaanka Jannada.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: സ്സബഅ്
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അടക്കുക