Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: സ്സജദഃ   ആയത്ത്:

As-sajdah

الٓمٓ
1. Alif laam-miim [1].
[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ لَا رَيۡبَ فِيهِ مِن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka), shaki kuma jiro, waa xagga Rabbiga uumanka.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَمۡ يَقُولُونَ ٱفۡتَرَىٰهُۚ بَلۡ هُوَ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكَ لِتُنذِرَ قَوۡمٗا مَّآ أَتَىٰهُم مِّن نَّذِيرٖ مِّن قَبۡلِكَ لَعَلَّهُمۡ يَهۡتَدُونَ
3. Mise waxay leeyihiin waa uu been abuurtay? Mayee! Waa Xaq ka yimid Rabbigaa, si aad ugu digtid qolo aanu dige u iman hortaa adiga (Nabi Muxammadow) si ay u hanuunaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ مَا لَكُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَلِيّٖ وَلَا شَفِيعٍۚ أَفَلَا تَتَذَكَّرُونَ
4. Alle waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix Maalmood, markaas dul ahaaday Carshiga [2]. Ma lihidin Alle sokadi wax gargaare ah ama Shafeece. Ee miyeydaan waansameyn?
[2]. Istawaa waa ka kor ahaansho Carshiga, waana tilmaan waajib ah in la rumeeyo si ku habboon Weynida iyo Heybadda Alle iyo Awooddiisa.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
يُدَبِّرُ ٱلۡأَمۡرَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ ثُمَّ يَعۡرُجُ إِلَيۡهِ فِي يَوۡمٖ كَانَ مِقۡدَارُهُۥٓ أَلۡفَ سَنَةٖ مِّمَّا تَعُدُّونَ
5. Wuxuu (Alle) agaasimaa arrinka ka jira samada ilaa arlada, markaasuu arrinka Xaggiisa kor u aadaa Maalin qaddarkeedu yahay kun sano waxaad tirsataan ah [3].
[3]. Waa arrinka ay soo qaadaan malaa’igta. Aayaddan waxay muujineysaa awoodda Alle iyo Weynidiisa iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ذَٰلِكَ عَٰلِمُ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
6. Kaasi waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda, Adkaadaha Sare, Naxariis Badnaha.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ٱلَّذِيٓ أَحۡسَنَ كُلَّ شَيۡءٍ خَلَقَهُۥۖ وَبَدَأَ خَلۡقَ ٱلۡإِنسَٰنِ مِن طِينٖ
7. Ee ah Kan u dhammeystiray wanaag wax kastuu abuuray, oo ka billaabay abuurista aadmiga dhoobo.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ثُمَّ جَعَلَ نَسۡلَهُۥ مِن سُلَٰلَةٖ مِّن مَّآءٖ مَّهِينٖ
8. Markaas ka dhigay tarankiisa miir biyo la liidsado.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ثُمَّ سَوَّىٰهُ وَنَفَخَ فِيهِ مِن رُّوحِهِۦۖ وَجَعَلَ لَكُمُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَٰرَ وَٱلۡأَفۡـِٔدَةَۚ قَلِيلٗا مَّا تَشۡكُرُونَ
9. Markaas ka yeelay mid dhan oo ku afuufay wax ka mid ah Ruuxdiisa (uu u abuuray), oo idiin yeelay maqalka iyo aragga iyo kasha, wax yar baadse mahdisaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَقَالُوٓاْ أَءِذَا ضَلَلۡنَا فِي ٱلۡأَرۡضِ أَءِنَّا لَفِي خَلۡقٖ جَدِيدِۭۚ بَلۡ هُم بِلِقَآءِ رَبِّهِمۡ كَٰفِرُونَ
10. Waxay (gaaladu) yidhahdaan: Ma markaan (dhiminno oo noqonno) kuwa ku baabba’a dhulka, miyaa noqon abuur cusub? Mayee’ waxayan rumeysneyn la Kulanka Rabbigood (ee Aakhirada).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
۞ قُلۡ يَتَوَفَّىٰكُم مَّلَكُ ٱلۡمَوۡتِ ٱلَّذِي وُكِّلَ بِكُمۡ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُمۡ تُرۡجَعُونَ
11. Dheh: Waxaa idin oofsan Malakul mowd la idiin xil saaray, markaasaa xagga Rabbigiin la idin soo celin.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: സ്സജദഃ
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക