Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: അൻകബൂത്ത്   ആയത്ത്:
فَأَنجَيۡنَٰهُ وَأَصۡحَٰبَ ٱلسَّفِينَةِ وَجَعَلۡنَٰهَآ ءَايَةٗ لِّلۡعَٰلَمِينَ
15. Markaasaan badbaadinnay (Nuux) iyo kuwii kula jiray Doonnida, waxaana uga yeelnay calaamo [6] 'digniin' ummadaha.
[6]. Waxaa loola jeedaa doonnida, ama dhacdadaasi weyn.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَإِبۡرَٰهِيمَ إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَٱتَّقُوهُۖ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
16. (Waxaana soo dirnay) Ibraahiim markuu ku lahaa qolodiisii: Caabuda Alle (Keliya) oo ka cabsada (iskana jira xuma falka), arrinkan baa idiin khayr badan, haddaad og tihiin.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنَّمَا تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡثَٰنٗا وَتَخۡلُقُونَ إِفۡكًاۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَمۡلِكُونَ لَكُمۡ رِزۡقٗا فَٱبۡتَغُواْ عِندَ ٱللَّهِ ٱلرِّزۡقَ وَٱعۡبُدُوهُ وَٱشۡكُرُواْ لَهُۥٓۖ إِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
17. Waxaad uun caabuddaan asnaam halkii Alle, oo been abuur sameysaan. Kuwaad caabuddaan Alle sokadi idiin ma hanan karaan risiq, ee ka doonta risiqa Alle agtiis (oo keliya) oo caabuda Isagoo Keliya oo ku mahdiya. Xaggiisaa la idiin soo celin.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَإِن تُكَذِّبُواْ فَقَدۡ كَذَّبَ أُمَمٞ مِّن قَبۡلِكُمۡۖ وَمَا عَلَى ٱلرَّسُولِ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ
18. Haddaad beenisaan (Xaqa), waxaa beeniyey ummado idinka horreeyey. Ma saarna Rasuulka waxaan ahayn Gaarsiin cad 'ee Diinta Alle' [7].
[7]. Mufasiriinta waxay isku khilaafeen Aayaddan inay tahay mid la socota hadalkii Nabi Ibraahiim, ama hadal uu Alle ku samirsiinayo oo ugu laab qaboojinayo Nabi Muxammad s.c.w., sidase ka muuqata hal dhaca hadalka waa inay u tahay samirsiin iyo laab qaboojin Nabi Muxammad s.c.w.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ كَيۡفَ يُبۡدِئُ ٱللَّهُ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥٓۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٞ
19. Miyeyna u fiirsan sida Alle u billaaba abuuridda (uunka), haddana u soo celin? Hubaal arrinkaasi Alle wuu u fudud yahay.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قُلۡ سِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱنظُرُواْ كَيۡفَ بَدَأَ ٱلۡخَلۡقَۚ ثُمَّ ٱللَّهُ يُنشِئُ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأٓخِرَةَۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
20. Dheh: Mara dhulka oo fiiriya sida (Alle) u billaabay uunka, haddana Alle u ahaysiinayo abuuridda dambe. Hubaal, Alle wax walba wuu Karaa.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
يُعَذِّبُ مَن يَشَآءُ وَيَرۡحَمُ مَن يَشَآءُۖ وَإِلَيۡهِ تُقۡلَبُونَ
21. Wuxuu cadaabi qofkuu doono, oo u naxariisan qofkuu doono, Xaggiisaana la idiin celin.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَمَآ أَنتُم بِمُعۡجِزِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا فِي ٱلسَّمَآءِۖ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِن وَلِيّٖ وَلَا نَصِيرٖ
22. Idinku ma ku fakan kartaan dhulka iyo cirka midna, mana lihidin Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَلِقَآئِهِۦٓ أُوْلَٰٓئِكَ يَئِسُواْ مِن رَّحۡمَتِي وَأُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
23. Kuwa ku gaalooba Aayadaha Alle iyo la Kulankiisa, kuwaasi waxay ka quusteen Naxariistayda, waxaana kuwaa u sugnaaday cadaab xanuun badan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: അൻകബൂത്ത്
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക